Wednesday 6 November 2013

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo maanta hortagay gudiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya


maxamuud xasan saleebaan 22Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Shulaymaan ayaa maanta hortagay gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, gudiga maaliyadda ayaa wasiirka waydiiyay su’aallo la xiriira Mushsuqmaasuq, mushaarka ciidamada, iyo Iscasilitaankii gudoomiyihii Bankiga Dhexe Marwo Yusur Abraar.
Gudiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirka wax ka waydiiyay waxa ka jira musuqmaasuqa ay isku casishay gudoomoyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar, Canshuur dhaafka loo sameeyey Shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga ee maamulka Garoonka Diyaaradaha lagu wareejiyay, Mushaarka lasiiyo ciidamada iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo lacagaha shilin soomaaliga ah ee qiimahoodu dheceen.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Sulaymaan ayaa  sheegay in wasaaradiisa iyo gudagi maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhexeyso wada shaqayn aad u fiican.
Wasiirka ayaa sheegay in gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya loo igmaday inay la xisaabtamaan wasiirada xukuumadda wuxuuna tilmaamay in kulanka maanta uu muujinayo wada shaqaynta xukuumadda iyo gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, wasiirka ayaa tilmaamay in gudiga uu uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen.
Markii uu soo dhamaaday kulankii maanta ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gudiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer wuxuuna tilmaamay in wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya uu si wanaagsan uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen gudiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.



RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...