Thursday 14 November 2013

Somalia - Wararkii maanta

RW Shirdoon: Khilaaf dastuuri ah ayaa igala dhaxeeya madaxweynaha
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaaf dastuuri ah uu kala dhaxeeyo madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in khilaafka ka dhex aloosan labada mas’uul uusan ahayn mid siyaasadeed, balse la isku hayo arrimo dhinaca dastuurka ah.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in khilaafka looga gudbi karo ku dhaqanka dastuurka qaranka, waxaana lagu xusay in xal u helidda is-maandhaafka dastuuriga ah ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyeed.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka inay xoojiyaan howlahooda shaqo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan madaxdoda qaranka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay muddadii sanadka ahayd ee ay xukuumadda raysul wasaare Shirdoon jirtay la gaaray guulo wax ku ool ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, dib u heshisiinta, maamulka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo waaxyo kale.
Raysul wasaaraha ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga dalka.
DEG DEG AH: Xaafadda Islii oo saakay laga maqlayo rasaas xooggan
Nairobi- War hadda soo dhaacay oo naga soo gaaray xafiiska aan ku lee nahay Nairobi ayaa sheegaya in saakay rasaas xooggan laga maqlay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Wariyaha nooga soo warramaya halkaas ayaa soo sheegaya in saakay hiirtii la maqlayay rasaas ay furayaan ciidamada ammaanka Kenya.
Dadka ayaa weli ku sugan guryahooda maadama ay xilli hore oo aroor ay tahay, waxaana laga cabsi qabaa in xaafadda Islii ay ka dhacaan howlgallo ay sameenaayaan ciidamada ammaanka.
” Saakay dadku waxa ay hal mar maqleen dhawaqa rasaas xooggan, taasoo dadkii hurdada ka kicisay.” ayuu yiri Wariyaheena.
Islii waa xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhan dalka Kenya, waxaa halkaas ku yaalla xarumo ganacsi oo waaweyn sida uu lee yahay wariyaha Shabakadda Caasimada Online
Madaxweynaha oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalada iyo Collaadaha Jowhar:-War-saxaafadeed
Muqdisho, 12November 2013–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyey guryahoodii.
“Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu “Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada.”
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka.
Ra’iisul Wasaare Saacid:”Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland Waxaan U Aqoon sanahay Masiibo Qaran, Deg Degna Waan Uga Jawaabeynaa”:- War-saxaafadeed
Muqdisho,12, Nov,2013…Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano balaaran oo ku yaala Puntland taas oo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Dufantaan ka dhacaday xeebaha Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaaraya ilaa 700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaartay deegaamo ku yaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso.
Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay.
“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku  yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.
“Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku
Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka dhalatay Dufaantas.
Baaqa Golaha
1.      In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka  reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.

2.      In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.
3.      In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.
4.      In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa  $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.
5.      Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban
·         Wasiirka Arrimaha Gudaha
·         Wasiirka Maaliyadda
·         Wasiirka Adeega Bulshada
·         Wasiirka Gaashaandhiga
·         Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho
·         Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed
·         Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah
Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah masiibada ka dhacaday Puntland.
Ballanbal: Barakacayaal laga dayrinayo xaaladdooda nololeed
Waxaa laga soo dayrinayaa xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ee ku nool  xeryo ku yaalla degmada Ballanbal ee gobolka Galgaduud.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ballanbal, Maxamuud Maxamed Cabdi  ayaa maanta u sheegay Bar-kulan in dadka soo barakacay ee ku nool magaalada ay haystaan dhibaatooyin ay ugu daran tahay hoy la’aan.
Maxamuud ayaa sheegay in roobab xoog leh oo maanta iyo shalay ka da’ay Ballanbal iyo deegaannada hoos yimaada ay baabi’iyeen baakado iyo cooshado hoy u ahaa dadkaasi.
Mas’uulka ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya, hay’adaha deeqda bixiya iyo dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday in loo gurmado dadkaasi.
Dadka soo barakacay ee ku nool xeryo ku yaalla magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo Guriceel ayaa iyagana laga soo sheegayaa xaalad la mid ah midda kuwa Ballanbal.
Doonyo Dheereeyo Oo Loogu Deeqay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka
Doohyahaan oo gaaraya ilaa 4 doonyood oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wareejiyeey Wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ayadoo munaasabadda lagu wareejiyey oo ka dhacday Dekeda Muqdisho ay ka soo qeyb galeen Wasiirku xigeenka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogda dalka.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlayaay Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Tika oo wakikiil ka ahayd dowladda Tuirkiga waxaana uu sheegey in doonyahaasi loogu talagalay ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, ay u yaraato falalka burcad badeedda ay ku qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India.
Admiraal Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah Taliayah ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyeey ahmiyada doonyahaan ay u leedahay howlgallada ciidanka badda, isagoo soo hadalqaaday nidaamkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya.
“Doonyahaan oo kale ayaan qabi jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, laakiin maanta doonyahaan wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan qataraha dhinaca ammaanka ah.
“Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyntii Wasiir kuxigeenka gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda dalka.
Axmed Maxamed Carab ayaa yiri “ waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya”
Arintani ayaa dhiiro gelin karta dardar gelinta howlaha lagu difaacayo xeebaha dalka oo sanadihii ugu dambeyeey ay ku soo badanayeen dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin falalka burcad badeednimada iyo xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kheyraadka badda Soomaaliya.
Marwo Fowsiya oo sheegtay inaan si khasab ah lagu celin doonin qaxootiga.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Kenya uga qeyb-gashay kulan looga tashaday dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi.
Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Soomaaliya, Kenya iyo  UNHCR ay isla garteed in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya aan lugu khasbin inay dalkooda ku laabtaan.
Fowsiya ayaa intaas ku dartay in haddii ay jiraan dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo diyaar u ah inay ku laabtaan dalkooda loo fududaynayo.
Natiijada shirka Nairobi ay ku yeesheen  Soomaaliya , Kenya iyo UNHCR ayaa meesha ka saaraya wal-wal ay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ka qabeen in khasab loogu celiyo dalkooda , kaddib markii dowladda Kenya ay dhowr jeer oo hore sheegtay in lagu celinayo dalkooda.
Shirdoon oo taageeray warbixintii Human Rights Watch
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa soo dhoweeyay hadal kasoo baxay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo ku aaddanaa dhowrista xuquuqda dumarka iyo baaritaan cusub in lagu sameeyo haweeney bishii August ee sanadkan la sheegay in lagu kufsaday Muqdisho.
Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin kufsiga iyo gabood-fallada lagula kaco haweenka.
Wuxuu tilmaamay in xukuumadda ay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo dhowrista xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dumarka, isla markaana ciidanka loo fidiyay tababarro ku saabsan ilaalinta xuquuqul insaanka iyo sinnaanta jinsiga.
Raysul wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya aysan boos uga bannaaneyn kuwa dhibaateynaya haweenka, isagoo carrabaabay in rag geystay fal kufsi ah ay la kulmeen ciqaab adag, waxaana la mariiyay sharciga Soomaaliya.
Hadalka raysul wasaaraha ayaa imaanaya xilli hay’adda Human Rights Watch ay ku eedeysay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan sidii la rabay u wajihin baaritaan ku saabsan eed kufsi ah oo bishii August ee sanadkan lagu eedeeyay ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Alshabaab oo sheegtay in raggii qaaday weerarkii Westgate ay ku dhinteen gudaha xaruntaasi ganacsiga
Website ay leedahay kooxda Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay warbixin ballaaran oo looga hadlayo weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate kaasoo la aaminsanyahay inay ku dhinteen dad ka badan 70 qof.
Alshabaab ayaa sheegtay in ragga weerarka qaaday ay xubno ka ahaayeen qaybta naftood hurayaasha ah ee kooxdu ay leedahay.
"Ragga weerarka qaaday waxay ahaayeen walaalo si iskood ah isugu xilqaamay inay galaan gudaha cadowga oo ay khasaare gaarsiiyaan ka hor intii aan cadowgu dilin" ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Alshabaab.
Alshabaab ayaa beenisay in raggii weerarka qaaday ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan iyagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu horay u jeediyay taliyaha ciidamada militariga Kenya Julius Karangi oo sheegay inay doonayeen kooxda weerarka qaaday inay baxsadaan.
“Karangi wuxuu isku dayay inuu ka been sheego mujaahidiin doonayay inay naftooda huraan isagoo sheegay in ragga weerarka qaaday ay doonayeen inay baxsadaaan” ayay sii raaciyeen warbixinta.
Warbixinta ay Alshabaab kaga hadashay qaabkii loo fuliyay weerarka ayaa waxay xiganaysaa Sheekh
Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Alshabaab kaasoo ku sheegay warbixinta in wixii ka dhacay Westgate uusan ahayn dagaal ee uu ahaa kaliya farriin loo dirayay dawlada Kenya.
“Westgate wixii ka dhacay ma ahayn dagaal waxay ahayd farriin, laakiin dagaalka runta ah hadda ayuu soo socdaa" ayuu yiri Sheekh Cali Raage.
Qirashada Alshabaab oo noqonaysa tii ugu horraysay oo muujinaysa in raggii weerarka qaaday ay ku dhinteen goobtii dagaalka ayaa waxay meesha ka saaraysaa warar horay ay warbaahintu u tabisay oo sheegayay in kooxdii weerarka qaaday ay baxsadeen.
Xaaska R/W Saacid oo wada abaabulkii ugu xoogaa ee lagu badbaadinayo Xukuumadiisa
Xaaska R/Wasaaraha Soomaaliya Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa wada abaabul xoogan ay ku dooneyso in ay ku bad baadiso Xukuumada R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)
Xildhibaanad Caasha oo ah qof galaan gal badan ku leh Siyaasada Dalka ayaa wada abaabulo ay Xildhibaano tiro badan oo katirsan Dowlada uga dhaadhicineyso qaabkii loo bad baadin lahaa Xukuumada R/Wasaare Saacid kadib markii ay Madaxweynaha isku dhaceen.
Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa ah mid mashquul badan ay kusugan yihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Xubno siyaasiyiin ah, waxaana halkaasi kasocda abaabul ka dhan ah qorshaha Madaxweynaha ee ku aadan in R/Wasaaraha is casilo.
Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa kulan gaar ah isugu yeertay Haweenka ku jira Baarlamanaka Soomaaliya waxa ayna doonaysaa in ay ka dhaadhiciso qorsho ku aadan in aan la ridin Xukuumada loona guntado sidii loo bad baadin lahaa.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa naftiisa ah mid soo jeed kujira Saacadihii ugu dambeeyay waxa uuna wada tashiyo la sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano iyo Xubno siyaasiyiin ay isku dhaw yihiin kuwaa uu kala tashanayay sida laga yeelayo dalabka Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo iyo sida ay Xukuumadiisa kusii jiri karto.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah mid si weyn looga dareemayo guuxa ku aadan Khilaafka xargaha goostay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , Xubnaha Golaha Wasiirada ayaana noqday kuwa labo dhinac u qeyb samay oo labada xafiis kala camiray.
Puntland oo si yaab leh kaga hadashay Khilaafka R-Saacid iyo M-Xasan Sheekh (DHAGAYSO)
Waxaa sii xoogeestay qilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).
khilaafka labada Masuul ayaa salka ku haya isbadal muuqda oo lagu sameeo Xukuumada hada jirta iyadoona Madxaweynaha oo u yeeray
R/Wasaaraha kana dalbaday in uu booska baneeyo isna casilo si isbadal Muuqda Xukuumada loogu sameeyo.
R/Wasaare Saacid ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday Dalabka Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo, waxa uuna taa badalkeeda
Madaxweynaha ku wargaliyay in isbadal uu kusameeyo Golaha Wasiirada tirda hada jirtana laga balaariyo.
Mr. Saacid ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka dalbaday in uu u madax baneeyo Howsha Xukuumada si uu usameeyo isbadal muuqda , waxa uuna R/Wasaaraha kol hore diyaariyay Liiska Golaha Wasiirada uu doonayay in uu magacaabo waxa uuna u gudbiyay Madaxweynaha hasa ahaate madaxweynaha ayaa dib usoo celiyay Liiskaasi kadib markii uu ka waayay xubno muhiim ah oo katirsanaa Xisbigiisa sida Wasiirka Madaxtooyada.
Dhankiisa C/rashiid Xaashi Dhuubane oo kamid ah Siyasiyiinta iyo nabadoonada Puntland ayaa ka hadlay Khilaafka labada masuul waxaana uu sheegay markii horaba Ra’iisul Wasaaraha inuu magacowday Xasan Sheekh oo la tashi lagala samayn beelaha xaqa u leh sida uu hadalka u dhigay.
Hogamiyaha Al-shabaab oo ka bad baaday Qorshe Dil ah oo lagu qaarijin lahaa.
Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in habeen hore uu si lama filaan ah ku bad baaday hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane isaga oo la dili lahaa.
Wararka  ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan In uu hogamiyaha Al-shabaab uu ku sugnaa guri ku yaalay degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelada Hoose, halkaasi oo uu yimid maalintii axadii ahayd gelinkii dambe .
Hase ahaatee waxaa la tilmaamay in si lama filaan ah uu halkaasi markii uu uga baxay xalay uu kusoo dhacay Madfac ilaa iyo haatan aan la ogeen halka uu ka yimid iyo cidda soo tuurtay.
Weli xaaladda degmada Baraawe waa mid aad u qasan, waxaana dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn wada ciidamada Xarakada Al-shabaab oo baadi goobaaya qofka fariintaan gudbiyay.
Axmed Godane waxa uu ku jiraa liiska argagaxisada, waxaana loo baadi goobayaa si aan caadi ahayn, iyadoona xidhiidh  wanaagsan uu la leeyahay ururuka Al-qaacida
Hogaamiye kale oo ka goostay Godane sheegayna 13 arrin oo uu ku sifoobay
Waxaa mar kale lagu faafiyey mid ka mid ah mareegaha taageera Ururka Al-Qaacida qoraal dheer oo uu qoray Abu Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah kooxda ururka Al-Shabaab waxaana uu ka hadalay arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay Inxiraafka diineed ee ku dhacay hogaanka Al-Shabaab.
Waxaa qoraalka Abu Yuusuf Faafisay مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي  waxaana uu cinwaan uga dhigay Abu Yuusuf qelo dhaantiisa إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ رسالة عن حركة الشباب وإدارتها المنحرفة Baaq ku socda Ururka Al-Shabaab iyo Hogaankiisa Lumay.
Abu Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah raga isaga cararay seefta Ahmed Godane Amiirka Al-Shabaab ayaa waxaa uu cabasho badan ka dib ka hadlay xaqiiqo badan oo ay ugu horeyso taariikh kooban markii la asaasay Al-Shabaab,cida Amiirka iyo ku xigeen u ahayd iyo qaabkii ay uga dhexmuuqdeen ururka Al-Shabaab Midowgii Maxaakimta Islaamiga.
Abu yuusuf Qariib ayaa sidoo kale ka hadlay Markii ay Midowga Maxaakimta Islaamka wadahadal la galeen dowladii uu madaxada u ahaa Col Claahi Yuusuf Ahmed waxaana kulanka uu ka dhacay dalka Sudan waxaan wafdi MMI ka mid ahaa Amiirka Al-Shabaab ee haatan Ahmed Cabdi Godane.
Abu Yuusuf ayaa xusay in Ururka Al-Shabaab uu ku socday dhariiq sax ah markii ay talada Ururka ay gacanta ugu Jirtay Amiirka Xarakada Al-Shabaab Ismail Caraale oo markii danbe lagu xiray Jabuuti lana geeyey xabsiga Guntanaamo walow mar danbe alle ka sii daayey waxaana ku xigeen u ahaa waqtigaas Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) oo haatan ah hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba.
Abu Yuusuf Qariib ayaa ka sheekeeyey qaabkii ay ku bilaabatay qeylo dhaantii Cumar Xamaami (Abu MansuurAl-Amriki waxaana uu sheegay in Sheekh Abu Mansuur uu bilaabay in uu si hoose wax u saxo markii danbana ay noqotay in uu Cod dheer ku sheego waxyaabihii uu u arkayey in ay yihiin Inxiraaf diini ah ee ka dhex Muuqday gudaha Al-Shabaab .Abu Mansuur ayuu sheegay Abu yuusuf in dhowr mar uu ka badbaaday in la dilo waloow markii ugu danbeysay lagu dilay Raamacaday.
Abuu Yuusuf Qariib waxaa ka mid ah eedeymaha uu u soo jeediyey hogaanka Al-Shabaab.
1Kaligiis talis nimo.
2-Shuuradii oo la joojiyey
3-xukunka oo laga fogeeyey culumada
4-Fashil ku yimid siyaasada arimaha dibada ee xarakada
5-Xisbiyo iyo Qabyaalada lagu qotomiyey (Alwalaa Walbaraa)
6-Xadgudub diined iyo Gaaleysiinta cid walba oo khilaafta Al-Shabaab
7-Maamul iyo Maareyn xumo iyo Fasaad
8-Dadka oo diintooda laga fitneeyo
9-Hadafkii Jihaadka oo la leexiyo
10-Ku xadgudb qeybisga Qanaaimta iyo qaabka loola mucaamaloonayo dadka lagu qabto dagaalka
11-Abu Zubeyr oo laga dhigay Imaamkii Caamka Ee Muslimiinta ee lahaa adeecid taam ah
12-Dulmi iyo Xadgudub ka jira Maxaakimta iyo Qadaaga Xarakada Al-Shabaab
13-dilka iyo leynta hogaankii Al-Shabaab iyo culumada kale ee Khilaafsan Al-Shabaab.
Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku soo xooriyey cabasho uu u diray warbaahinta Al-Qaacida iyo Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay sii deyn wayeen qeylo dhaanta iyo dulmiga ay tabanayaan Muhaajiriinta iyo Ansaarta ku sugan Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay kuwa daacada ay tahay Jihaadka in ay alle ka baqaan ayna ogaadaan in qofwalba uu qaldami karo ayna ku gadsoomin qaladaka hogaanka Al-shabaab wuxuuna talo ahaan u soo jeediyey ilaa 10 qodob oo laga faadeysanayo dagaalada ka socda Soomaaliya oo ay wadaan Al-Shabaab.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...