Tuesday 12 November 2013

RA’IISUL WASAARE SAACID: “Khilaafka naga dhexeeya Aniga iyo Madaxweynaha waa mid Dastuuri ah ee ma ahan mid Siyaasadeed”



Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya soo dhexgalay ayaa sheegay in khilaafkani uu yahay mid dastuuri ah, balse uusan ahayn mid siyaasadeed.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay jirto muddo hal sano ah, ayna soo martay marxalado kala duwan oo adag iyo caqabado badan, hadana muddada kooban ee halka sano ahayd ay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.
“Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wada-shaqeynta waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii koowaad, anoo ka xun waxaan ku war-galinayaa ummadda Soomaaliyeed inuu dhab yahay is-maan-dhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka dastuurka Qaranka,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri qoraalka uu soo saaray.
Mudane Saacid oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ka codsanayaa gabi ahaan ummadda Soomaliyeed inay ku kal-soonaadaan madaxdooda iyo xildhibaannada golaha shacabka oo iyagu leh mas’uuliyadda koowaad ee xal u helidda is-maandhaafkan.”
Ugu dambeyn, maadaama ay horyaallaan dalka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa ayuu ku yiri warsaxaafadeedkiisa hay’adaha dowladda oo dhan inay wataan howshooda Qaran, siina laba jibbaaraan sidii ay ku adkeyn lahaayeen ammaanka iyo habsami u fulinta howlaha kale ee dowladda.
Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa buu yiri shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddanaa wadaninimada, nabadda iyo hormarka dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya aya isagu weli ka hadlin khliaafka soo dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa, waxayna tani caddeynaysaa in inksatoo ay ka baxday Soomaaliya xiligii KMG ahaa haddana aysan weli ka bixin khilaafyadii u dhexeeyay madaxda dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...