Monday 11 November 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacbiga Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa iney

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacbiga Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa iney
isu gurmadaan marka ay dhacdo masiibo la mid ah duufaanta Cyclone”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed ee wax heysta iyo dalalka
caalamkaba ugu baaqay iney gurmad deg deg ah u fidiyaan shacbiga
Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Barri iyo Nugaal ee Dalkeenna kuwaasi
oo ay saameysay duufaanta Cyclone.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa
yiri “waxaan doonayaa inaan muujiyo dareenkeyga ku aadan masiibada ay
naftooda ku waayeen Shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Barri iyo
Nugaal ee Puntland,hor iyo horaan waxaan tacsi u dirayaa dadkii ay
ehelladooda ku geeriyoodeen duufaantan,sidoo kalena waxaan tacsi taa la
mid ah u dirayaa guud ahaan shacbiga iyo dowladda Puntland oo aan leeyahay
dadkii naga dhintay Alle samir iyo iimaan hanaga wada siiyo,Allena
naxariistiisa jano ha siiyo”

“waxaan caalamka ugu baaqayaa iney gacan ka geystaan sidii gurmad deg deg
ah loogu fidinlahaa dadka ay saameeysay duufaanta Cyclone oo iyagu ahaa
dad u badan xoola dhaqato,waxaanna hada warka ku heynaa in dad badan ay
masiibadan dhacday xoolahooda ku waayeen,sidoo kalena waxaan shacbiga
Soomaaliyeed xusuusinayaa in marka sidan oo kale ay masiibo u dhacdo in
nalagu yaqaanay inaan isku gurmanno, saa daraadeed waa inaan u gurmanaa
dadka walaalaheen ah ee ay duufaanta Cyclone saameysay”

---DHAMAAD---


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...