Sunday 27 October 2013

Xildhibaanada Baarlamaanka oo su’aallo waydiiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya

Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda Golaha shacabka waxaana shir gudoominayay qaybtiisa hore gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,wasiirka warfaafunta ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana su’aallo laga waydiiyay heshiiskii ay wasaaradiisu la gashay shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo lagu wareejiyay maamulka Garoonka diyaaraddah ee Muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa furitaankii kulanka Baarlamaanka maanta ka hadlay wuxuuna tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuun wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay ku geeryooday cisbitaalka Maniina.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay markaas ka dib bilaabeen inay su’aallo waydiiyaan wasiirka Warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciil-mooge Xirsi, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa wasiirka talooyin ku aadan shirkadda Favori usoo jeediyay.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen wuxuu shaaca ka qaaday in shirkadda Favori ay bilowday shaqadii Garoonka ayna ku qanacsan yihiin qaabka ay u shaqaynayso Islamarkaane ay dib u dhis muddo kooban ah ku samayn doonto Garoonka Aadan Cadde.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Baarlamaanka ee maanta wuxuuna Xildhibaanadda Baarlamaanka ku wargeliyay in maalinta Barri ah uu meesha ka sii socon doono su’aalaha la waydiinayo wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.



RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...