Thursday 31 October 2013

Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo noqday Xildhibaankii ugu Horreeyay oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)



Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Xildhihbaan Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, isagoo noqday xildhibaankii ugu horreeyay oo Muqdisho aas Qaran loogu sameeyo.
Maydka marxuumka oo saakay laga soo dajiay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markiii uu maalin ka hor ku geeriyooday Nairboi, waxaana janaasadiisa ka qaybgalay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno uu ku jiray Shariif Xasan Sheekh Aadna oo ay si aad ah isaga soo horjeedeen iyo hal wasiir oo ka tirsan xukuumadda, kaasoo ah wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Muxyadiin Maxamed Kaalmooy.
“Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Cumar Islow maadaama uu ifka ka tagay, uuna wixii hadda ka dambeeya la kulmi doono Allihiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo goobta aasku ka dhacay ka hadlay.
Xildhibaanka ayaa lagu aasay isbitaalka Madiina ee Muqdisho, waxaana ka hadlay aaskiisa xildhibaanno badan oo ay isku dhawaayeen, kuwaasoo ku tilmaamay inuu ahaa mudane udub-dhexaad u ah baarlamaanka gaar ahaan xilliyada la horkeenno baarlamaanka sharciyada xukuumadda.
“Maanta waxaan halkan ku sagootinaynaa walaalkeen kana mid ahaa xubnaha baaramaanka Soomaaliya, waxaana leennahay Allaha u naxariisto gadaashiisna Alle nama fidneeyo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna goobta uu ka dhacay aaska ka hadlay.
Xildhibaanka ayaa wuxuu tan iyo sannadkii 2000 ka mid ahaa xubihii lasoo xulayay ee baarlamaannadii dalka soo maray, waxaana lagu yaqaannay inuu ahaa nin aan la gaban fikirkiisa, kuna adkeysta.
Marxuumka ayaa ku dhintay da’da 61-sano, waxaana uu sannadkii 1952-kii ku dhashay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellada, isagoo markii uu ka baxay waxbarashada dugsiga sare ku biiray hay’adda nabadsugidda Qaranka oo uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...