Thursday 31 October 2013

Madaxweyne Faroole: Musharaxii Doorasho u taagan wax ha iskula haro hadii kale dalku dastuur buu leeyahay.


IMG_8826
Garoowe( RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Musharax kasta iyo Xildhibaan kasta ee u taagan jagada Puntland iminka looga fadhiyo nidaam Akhlaaq iyo in Afkiisa laga nabad galo hadiise dadka la jaa’ifeysto oo banaanada laga caytamo wuxuu sheegay madaxweynuhu in dalka uu Dastuur leeyahay Musharax kastana uu Xeerka ku qoran Dastuurka qaban doono. Dhanka anshaxa iyadoo laga eegayo

“waxaa jira dad Musharaxiin ah oo Banaanada ka caytamay waxaan leenahay halaga Nabad galo Afkiina oo wax isula hara oo ka xishooda wax yaabaha qaar, waxaan ognahay in ay jiraan dad u gafay masuuliyiintii hore ee Dalka soo hagi jirtay kuna xadgudbay oo caayay waxgaradkii iyo Madaxdii sixun ula hadlay inkirayna Nidaamka iyo kala dambaynta iyo dowlad nimada Puntland ka jirta iclaamiyayna nidaamka Jabhada in Dalku uu ka dilaaco kuwaasi waxaan leenahay armeyba afdad kale leeyihiin ku hadlayaanoo aysanba dhab ka ahayn in ay Puntland maamulaan, waxaan leeyahay dastuurka yuusan qabane ka fiirsada waxa aad ku hadleysaan.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale ka hadlay baarlamaanka Puntland ee la sagootinayo wuxuuna sheegay in uu yahay Baarlamaan hufan oo shaqadiisa kasoo dhalaalay taariiqdana ay xusi doonto wax qabadkiisana loo aayi doono isagoo cadeeyey in ay haboonaan lahayn Puntland in ay nasiib u hesho Baarlamaankan in uu dib usoo laabto.

Madaxweynaha oo Qudbadiisa soo xiray waxay u muuqatay in uu hadalada qaar ku weerarayay Musharx C/wali Maxamed Cali Gaas oo horay u sheegay in Puntland ay tahay Gabar gashaanti ah Balse mar walba ay guursato Aalkuliiste sidaa darteedna uu Madaxweyne Faroole cadeyey in Musharax Gaas uu u gafay Masuuliyiin geeriyooday oo Puntland soo maamulay iyo kuwo hada noolba si kastaba waa munaasabadii ugu horeesay oo sagootin loogu sameeyo xildhibaano waqtigoodii dhamaaday tan iyo aas-aaskii Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska wararka Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...