Sunday 27 October 2013

Alshabaab oo beeniyay inuu xiriir kala dhexeeyo Barre Hiiraale


cali dheere11Baraawe(RBC Radio) Ururka Alshabaab ayaa ka hadlay hadalo maalmihii dambe kasoo baxayay maamulka magaaladda Kismaayo oo ay tilmaamayeen inuu xiriir dhexmaray ururka Alshabaab iyo Kor. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)Afhayeenka ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shaaciyay inuusan xiriir ka dhexeeynin Alshabaab iyo Kor. Barre Aadan Shire Barre Hiiraale.
Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in wararkaasi uu yahay mid borobagaando ah oo laga fidiyay Alshabaab  wuxuuna ka dhawaajiyay in ururka alshabaab aysan marnama xiriir yeelan karin dad uu ku sheegay inay diinta ka bexeen oo ay ridooben sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu hore dambi uga galay ururka ALshabaab, ayna meel kasta ku bartilmaameedsanayaan wuxuuna uga degey kooxo uu ku sheegay inay dilayaan shafarka Alshabaab ay ka waantoobaan hadalada maalaa yacniga ah oo ay Idaacadaha ka sheegayaan.
Sheekh Cali Dheere afyahayeenka ururka ALshabaab ayaa xusay in Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ay ku ogaayeen inuu ka mid ahaa kooxo uu ku sheegay inay ridoobeen oo ay diin ta ka bexeen Islamarkaane aysan ururka Alshabaab ka warqabin goorta uu diinta kusoo laabtay sida uu halak u dhigay.
Hadalka kasoo baxay Afhayeenka ururka Alshabaab ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka magaaladda Kismaayo uu ku eedeeyey Barre Hiiraale inuu xiriix la samaystay ururka Alshabaab.




RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...