Saturday 7 September 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Al-shabaab oo Bartoodii Twitter-ka Maanta laga xiray
  Shirakadda Twitter-ka ayaa saacado ka hor waxay si rasmi ah u xirtay Boggii ay al-shabaab ay ku lahaayeen bartaas , oo ay warbixnay\da iyo wararka ku daabici jireen .
Sarkaal u hadlay Shabaab una qaabilsan dhanka warfaafinta ayaa si cad wuxuu u xaqiijiyay in Accountiga ay Al-shabaab ku lahaayeen Barta Twitter-ka gabi ahaanba la xiray .
Shabaab ayaa sawirada iyo warbinada ay ka qoraan dagaalka ay Soomaaliya ka wadaan ku daabici jiray Boggan maanta laga xiray , waxaana jira tuhun ah in laga cabsi qabo in dad badan oo Boggan si aad ah ugu xiran inay ku qancaan  fikirka Shabaab.
Sarkaalkan u hadlay shabaab wuxuu sheegay in Saaka mar qura ay ka war heleen Accountigooda oo xiran , taas oo uu sheegay inay daliil u tahay Caburin uu sheegay in lagu hayo ururka Shabaab .
Wuxuu sheegay in wixii iminka ka dambeeya in shabaab aysan Bogga Twitterka aysan ku daabici karin wax war ah ama muuqaalo ah blasé wuxuu sheegay inay arintan ka shirayaa isla markaana dhankooda ay go’aan cad ka gaari doonaan .
Al-shabaab ayaa wararka, warbixnada iyo Muuqaalo ku aadan dagaalka Soomaaliya ay ka wadaan waxay kusoo bandhigi jireen batooda Twitterka inkastoo maanta si rasmi ah looga xanibay sida iyaguba ay qireen
DF oo gacanta u soo galay dagaalame ka soo goostay Shabaab
Afgooye  – War goor dhaw soo dhacay ayaa sheegay in dagaalame ka tirsanaa kooxda Shabaab uu maanta isku soo dhiibay ciidanka dowlada Somalia ee ka joogo gobolka Shabeelada Hoose.
Saraakiil codsatay in aan magacooda loo adeegsan warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahankaasi uu isku dhiibay ciidanka dowlada gaar ahaan taliska booliska ee degmada Afgooye.
Saraakiisha ma aysan sheegin wax faah faahin ah oo ku aadan dagaalamahaasi ka tirsanaa al Shabaab ee soo goostay.
Balse, arintani ayaa imaanaysa iyadoo todobaadkan gudihiisa sarkaal ka tirsan al Shabaab oo wata gaari dagaal iyo hub uu isku soo dhiibay ciidanka dowlada ee ku sugan deegaanka Lego ee gobolkaasi.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca al Shabaab oo ku aadan askariga maanta ka soo goostay.

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka oo weerar ku qaaday DF Somalia, Sabab?
Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay Jabhad baabi’isay Shacabka.
” Jabhadda ka arrimisa Kismaayo waxa ay si aan ka leexad laheyn u baabi’iyeen shacabka degan Magaalada Kismaaayo , hadana dowladdu waa ay sii aqoonstay” ayuu yiri Xildhibaan Adan Madoobe.
Mudane Adan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar xittaa ay burburiyeen jabhaddaasi guryihii shacabku degenaa si aan raadadkooda dambe loo arkin , isagoo fadeexad soo food saartay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay aqoonsiga Jabhaddaasi.
Si Kastaba hadalka Xildhibaan Adan Madoobe ayaa Imaanaya xilli Guddoomiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ka dhawaajiyay in ay dhamaatay carqaladihii ka dhanka ahaa Maamulkiisa.
Beelaha Digil iyo Mirifle ee uu kasoo jeedo Aadan Madoobe, ayaa si ah u mucaaraday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, oo ay sheegteen inay deegaan ahaan wax ka lee yihiin, balse dowladda ay siisay koox gaar ah.
Hay’ad Caalami Ah Oo Dambiyada Baarta Oo Beenisay Danbiyadii Warbixintii Q.M.
Muqdisho, 06 September 2013 – Maanta Hay’ad caalamka ugu sareeya ee arrimaha baarintaanka danbiyada xisaabaadka iyo koox garyaqaanno ah ayaa soo saaray warbixin ay uga soo horjeesteen warbixintii QM ee dabagalka cunaqabateynta dalalka Somalia iyo Eretria isla markaasna caddeeyey in Dowladda Somalia aysan wax musuq-maasuq ah sameynin.
Iyagoo ka jawaabaya warbixintii QM kooxdooda dabagalka ee Soomaaliya iyo Eretria, gaar ahaan qeybta Annex 5.2, Hay’adda Xisaabaadka ee FTI Consulting Inc iyo Kooxda Garyaqaanada Hay’adda Mareykanka ee Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker, P.A ayaa waxey oggaadeen in habraaca iyo gunnaanadkooda ee qeybta Annex 5.2 inay aheyd mid “si aad ah wax uga qaldanyihiin iyo iyadoo aan gebi ahaanba lagu kulsoonaan Karin.” Waxaa intaas dheer iyadoo eedeymaha intooda badan ay ka horreeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waqtigiisa.
Madaxweyne Xasan waxuu soo dhoweynayaa warbxintan gunnaanadkeeda iyadoo la qirayo in Soomaaliya ay weli u baahantahay inay horumar ku sameyneyso nidaamka dhaqaalaha ka dib 20 sano oo dagaal ah.
“Madaxweyne ahaan, mas’uuliyad baa iga saran inaan eedeymihii si dhab ah u galo oo aan u dalbano in baaritaan dhab ah la sameeyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu. “Aad baan ugu faraxsannahay in kooxdii aan baarista u diray uu gunnaanad koodii noqday in eedeymahaas ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn.
Hay’addan Caalamiga ah baaristooda caddeymaha runta ah oo ay ku beeniyeen eedeymihii QM kooxdooda dabagalka ayaa waxaa ka mid ahaa:
Cambaareyntii ay u soo jeediyeen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Dr Abdisalam Omar doorkiisa hoggaamineed ee Bankiga. Marka la fiiriyo warbixinta baarista Dr Abdisalam Omar waxuu dalbay ballan inuu arko kooxda dabagalka QM ka dib markii ay warbixintooda u gudbiyeen Guddiga Ciqaabaha ee QM. Kulankii koobnaa oo ay kula yeesheen maqaayad buuq badan ma aysan weydiinin eedeymaha warbixintooda ku jirta. Ha yeehsee warbixinta Hay’adda Caalamiga ah ee baaristan danbe waxaa Dr Abdisalam Omar lala yeeshe wareysi socday 9 saacadood.
Kooxda Dabagalka QM warbixintooda waxey ku sheegeen in lacagtii Price WaterHouse Coopers ee $16.9 million oo dollar ah ay maqantahay $12 million. Hase yeeshee baarista hay’addan caalamiga ah waxuu caddeeyey in lacagtaas la hayo xisaabteeda oo aysan maqneyn.
Warbixinta kooxda Dabagalka QM waxey sheegeysaa inay maqanyihiin hay’adihii si dhab ah u maamulayey bixinta lacagaha. Baarista hay’addan caalamiga ah ee baartay warbixintii QM waxey caddeyneysaa in Soomaaliya ay leedahay hay’adihii maamulka iyo maareynta maaliyadda oo leh shuruucdii ay ku shaqeynayeen iyo nidaamkii lagu hubinayey lacagahaas sida ay u baxeen.
Hay’addan Caalamiga ah ee Xisaabaadka iyo kooxda Garyaqaanada waxbaara waxey raaceen nidaamka iyo habka xaqiiqa raadinta ee QM u degsan iyo nidaamka caalamiga ah ee loo maro baarista, dabagalka, iyo wareysiyada, Warbixintan dhameystiran waxaa la socda talo soo jeedin ku socota Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Amniga ee QM.
Talada Soomaaliya ay u soo jeediyeen hay’addan caalamiga ah ayaa ah in la sameeyo nidaam lagu xoojinayo Kontaoolka gudaha iyo habka loo gudbiyo warbixinnada maaliyadda iyo sii dhuujinta nidaamka maamulka maaliyadda. Dhanka Golaha Ammaanka ee QM waxaa lagula taliyey inay dib u eegis ku sameeyaan warbixintoodii 13ka Julay gaar ahaan qeybta Annexe 5.2 iyo inay sameeyaan kontorol lagu sameynayo kooxda dabagalka ee QM. Waxaa kaloo lagula taliyey in dalalka wax laga qoro in la siiyo fursad ay ku eegaan warbixinta oo waxii ay u arkaan ay si qoraal ah ku soo gudbiyaan oo la tixgeliyo inta aan warbixinta la shaacinin.
Madaxeynaha waxuu aqbalay tallooyinkaas loo soo jeediyey iyo warbixintan ay soo saareen Hay’addan caalamiga ah. Madaxweynahu waxuu yiri “Soomaaliya horumar weyn bey sameysey 22 sano ka dib. Weli waxaa jira howlo badan oo u baahan in la qabto Dowladdeyduna waxey ku dadaali doontaa inay waxii karaankeeda ah ay qabaneyso oo looga hortagayo musuq-maasuqa. Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qarmada Midoobey ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan inay si wanaagsan oo waxtar leh ay noola shaqeeyaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay inay Jiraan Beelo Weli Wax Ka Tabanaya Xilalka Dawlada
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan hadal uu ka jeediyey kulan uu magaalada Marka kula qaatay odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ku sheegay in tabashada qabiilada Soomaalida aysan dhamaaneyn xitaa haddii qabiil kasta la siiyo inta xilal ee uu sheegto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay jiraan beelo badan oo weli wax ka sheeganaya xilalka dawlada iyo habka loo qeybsaday, isagoo xusay in xitaa beeshiisa ay cabashadaas qabto.
“Anigoo madaxweynihii jamhuuriyada ayaa haddana beesheyda waxay qabaan cabasho,.. wasiir ma lihin ayey leeyihiin, sarkaal hebel waa nalaga qaaday,.. agaasime ma qabno.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Iskaa daa beesha guud ee xitaa beelaha Soomaalida, jufo kasta gudeheeda ayaa wax kala tabanaya oo kuwaa loo badiyey, kuwana waa loo yareeyay ayey leeyihiin.” ayuu sii raaciyey
Beel qanceysa ma jirto
Madaxweynaha oo u khudbeynayey odayaal, haween, dhalinyaro iyo masuuliyiinta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inuusan jirin qabiil hal nin ah, ama leh hal ruux oo metela taasina ay ka mid tahay waxyaabaha caqabada ku ah horumarka dawladnimada Soomaalida.
“Qabiil hal ah ma jiro. Haduu jiri lahaa hal Hawiye, Hal Daarood, Hal Dir, Hal Digil iyo Mirifle iyo Hal Beesha Shanaad wax dhibaato ah ma jiri lahayn, laakiin qabiil hal ah ma jiro.” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in maalin kasta xafiiskiisa ay ugu yimaadeen beelo dhexdooda kala cabanaya iskuna heysta xilalka uga soo aaday dawlada, hase yeeshee doodaasi ma ahan mid dhameeneysa haddii beeluhu aysan meel iska dhigin iska qoqobka dhexdooda ah.
Maamul magacaabista gobollada
Dhinaca kale, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya wuxuu ka hadlay sababaha keenaya in gobollada ay dawladu u magacawdo maamulo ku-meelgaar ah halka ay dadka deegaanada ka sameysan lahaayeen maamulada.
“Haddii tusaale ahaan dadka reer Shabeelaha Hoose odayaashooda, waxgaradkooda isu tagaan oo dhahaan waa kuwan dadkii na meteli lahaa, awladuna way ku taageereysaa. Laakiin markay arrinta khilaaf hor leh iyo dagaal ay dhaliso dawladu waxay ku qasban tahay inay farageliso oo maamul u soo magacawdo.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Haddaad tashan weydo waa laguu talinayaa.” ayuu sii raaciyey isagoo odayaasha reer Shabeelaha Hoose la hadlayey.
Wuxuu sheegay in meelo badan maamuladii loo magacaabay ay ahaayeen ku-meelgaar haddana waqtigoodu dhamaaday, hase yeeshee laga rabo gobol kasta in beelaha dega ay midoobaan oo iska soo dhex xulaan dadkii iyaga meteli lahaa.
Xildhibaan Daahir Jeesow oo Sheegay in Dad Gaar ah Loo Xulay Ka Qeybgalka Shirka Brussels
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dawlada federaalka ah ku eedeeyay in dad gaar ah ay u xuleyso ka qeybgalka shirka Brussels ee dhici doona 16-ka bishaan Sebtember ee arrimaha Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir ayaa si gaar ah ugu eedeeyay xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha inay faragelin ku hayaan baarlamaanka hawlihiisa ka dib markii buu yiri, ay gacantooda ku xuleen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka qeybgalaya shirka Brussels.
“Maadaama shirka Brussels uu yahay shir arrimaha Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayo, waxay ahayd in guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka lagu daro wafdiga dawlada u meteli doona shirka Brussels, laakiin nasiib darro hadda waxaa muuqata in dad gaar ah loo yeeray oo magacyadooda la soo doortay.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah guddiga amniga, iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka u meteli doona shirka ay masuuliyadeeda leeyihiin guddoonka baarlamaanka oo laga rabo inay iyagu soo xulaan xildhibaanada xukuumadda ku wehlinaya shirarka caalamiga ah, si loo ilaaliyo hab maamuuska nidaamka baarlamaanka iyo wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in shaqaalaha madaxtooyada ay ku jahwareereen shaqadooda, ayna madaxweynaha u horseedaan go’aamo khaldan, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday khudbad uu dhowaan madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii shirweynaha qaran ee siyaasadda dalka ee ka socda magaalada Muqdisho.
“Waxaa yaab lahayd in madaxweynuhu uu ka jeediyey shirka inuu yiri dawladeyda wxba ma qaban karto beesha caalamka la’aanteed, dad badan oo i soo wacay ayaa arrinkaasi i weydiinaya, waxay ahayd in madaxweynaha laga hubiyo waxyaabaha uu khudbadihiisa ku sheegayo.” ayuu sii raaciyey xildhibaan Daahir Jeesow.
Eedeynta ka soo baxday xildhibaanka ayaa soo baxday xilli masuuliyiinta dawlada federaalka Soomaaliya ay isu diyaarinayaan ka qeybgalka shirka Brussels ee dhici doona bishan 16-keeda, kaasoo wafdi ballaaran oo madaxweynaha uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgali doono.
Xildhibaanad Waxgaradka siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo Qeylo dhaan ka soo Saaray Xasuuq ka dhacay, Warsaxaafadeed,Sawiro
Xili maalmo ka hor uu dagaal ka dhacay Deegaanka Koronbood ee Gobolka Bay, kaasi oo gaystay Qasaare iskugu jira mid Hantiyadeed Naf iyo dhibaato kale ayaa waxaa arintaas si kulul uga hadlay Waxgaradka Xildhibaanada Siyaasiyiinta Beesha Digil iyo Mirifle oo shir Xasaasi ah ku yeelatay Magaalada Nairobi.
Shirkaan ayaa looga hadlay arimo badan, waxaana Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedkii halkaas ka soo baxay la soo gaarsiiyay Bogan, waxa uuna u Qornaa sidaan.
Subaxnimadii Sabtiga ahayd ee Agosto 31,2013 ayaa Ciidamada Dowladda ee jooggey degmada Qansaxdheere ayaa dagaal xoog badan ay kula galeen kooxda Nabadiika Ah ee shabaab, deggaanka la yiraahdo koronboy hase yeeshee marka laga Reebo dhibkii kala gaaray labada dhinac ee halkaas ku Dagaalamay ayaa dadkii ku Noolaa deggaanka Koronbood waxaa soo gaaray Qasaaro Balaaran.
Markii dagaalka Bilaabmay ayaa kooxdi Nabad diidka ah ee Shabaab waxay Gaashaan ka dhigteen dadkii ah Maatada ahaa ee ku noola degaanka koronbood hase yeeshee Hubkii cusla ee la is dhaafsanaayay waxaa ka yimid khasaaro xoog badan oo isugu jira Naf iyo maalba, taasi oo aan ka dhicin dhibaatad Intaas la Eg Gobolka Bay marka laga Reebo kii ka dhacay degmada iidaale ee Taariikhdu markay ahayd bishii December 2006.
C/raxmaan Baadiyow “Dadku way ka niyad jabeen Xasan Sheekh Maxamud”
Dr. C/raxmaan Macalin C/laahi “Baadiyow” oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in uu fashil ku yimid ammaanka Magaalada Muqdisho.C/raxmaan Macalin C/laahi ayaa wuxuu sheegay in uu dhowaan uu mar yimid Magaalada Muqdisho, waxaana ku arkay buu yiri dhagxaan waaweyn, oo lagu jaray wadada xiriirisa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4.
Siyaasiga ayaa wuxuu kaloo sheegay in dadka reer Muqdisho, ay ka niyad jabeen Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu sheegay in loo hanweynaa.
“Dadku way ka niyad jabeen Dowladda Xasan Sheekh uu Madaxda ka yahay. Dowladiisu waxay dalka qabsatay, iyadoo uu marxalad wanaagsan uu ku sugan yahay, halkii ay horey uga dhaqaajin laheyd, ayay dib u dhigtay.” ayuu yiri C/raxmaan Macalin C/laahi.

C/raxmaan Baadiyow ayaa wuxuu Dowladda uu kula taliyay inay shaqo wanaagsan la tilmaado, si loo helo buu yiri isbedel wanaagsan.
.Sida aan warka ku helnay dhimashada waxay gaareya 10 Qof oo qaarkood u dhinteen dhaawici soo gaarey,sidoo kale dhaawaca wax uu gaareya 21ruux oo shan ka mid ah madfac ku dhacay oo ku jireen wiil 12 jir ah oo dhagoole ahaa iyo Naag uur leh.
1-waxaa la dhihi kara inta badan waxaa bur buray guryihii iyo dhismayaasha Ganacsiga waxaa ka dhashay dagaalkas dab xoog badan oo Bakhaarada keydka Masagada ee suuqa magaalada koronbood Sisintii Gubat dhanaa, oo Basbeelay?
2-waxaa jirta oo kale dhaawaca aan kor ku soo sheegnay in aan loo heyn wax daawo ah oo ayna sidaas u dhimanaayaan gargaar Deg Deg ah waa in lala gaaraa?
3-Barakac ayaa si xooggan ugu dhacay deggaanka koronbood taas oo ay u dheer tahay dadkii meeshay u Carareen malaha biyo iyo cunto, waxaana halkaas ku heysta dhib badan.
Annagoo ah xildhibaanada digil iyo mirifle ee waxaan si aad ah u Cambaareeynaynaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay dadkii Rayidka ahaa iyo malaaq Qaadi Arbow ka dhacay deggaankas waxana tacsi u direen dadkaas aan waxba galabsan ee halkaas ku dhintay illaah waxaan ka Baryeena in Janadii fardoowso ah geliyo,waxaa sidoo kale leenahay dadkii ku dhaawacmay in uu illaah caafimaad degdeh ah siiyo.
Dowladda soomaaliya arrinta ka dhacda deggaanka koronbood way baari doontaa ciddi ka dabeeysay in dadkaas la Xasuuqo ooguryahooda iyo hantidooda la burburiyo.
Waxaan hay,addaha samafalka ugu baaqeyna in deggaanka koronbood ay la gaaraan gurmad deg deg ah.
Puntland: Hogaanka DF un baan la shaqeyn weynay mooyee waan ogolnahay arrinta federaalka Somalia
 Garoowe - Maamulka Puntland ayaa Markale  Ku Celiyay In shirka Biljimka Ay Ka qaybgalayaan Iyagoo Ka Madaxbanaan Dowlada federaalka Somaliya
Wasiirka qosheenta Maamulka Puntland Eng: Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Maamulkoodu ay shirka Bartamaha Bishan ka furmi doona Magaalada Baraasalis ee dalka Biljimka inay kaga qeyb galayaan iyagoo ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya .
Inkastoo Maamulka Puntland uu hore arintan u shaaciyay ayaa hadana Wasiirka Qosheenta Maamulkaas Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya waxaana uu sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan hadii Caalamku ay ogolaadaan in si ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya kaga qeyb galaan  .
Dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay inay is fahmiyen Balse ay lashaqeyn doonaan dowlada hadii hogaan kale ay la wareegaan , waxaana uu tilmaamay in Puntland aysan go’aanka Ka qaadan arinta federaalka Soomaaliya Balse ay la shaqeyn waayeen Hogaanka iminka talada dalka haya.
Wuxuu sheegay inay ka maarmaan dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaliya ay iyadu u baahan yahay Puntland isla-markaana ay ka cawiyeen dhanka Farsamada .
Dhawaan waxay Puntland shaacisay inay kalsoonidii kala laabatay dowlada Dhexe ee soomaaliya kadib markii sida ay ku eedeysa wax laga badalay Dastuurka Soomaaliya
Siyaasi C//laahi Xasan: “Haddii wixii ka dhacay MUQDISHO habeen hore aan dad xil looga qaadin, dowlad ma jirto”
  Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaah gudaha iyo amniga qaranka.
Cabdulaahi Sheekh Xasan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in amni xumida ka jirta magaalada Muqdisho ay mas’uul ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
“Mas’uuliyadda ammaan xumida ka jirta magaalada waxaa sabab u ah wasaaradda oo uu ugu horeeyo wasiirka, wixii dhacay habeen hore haddii aan dad xilal looga qaadin, dowladda waa ay fashilantay,dadkuna ay iska difaacaan maadama dowlad la isku haleeyo meesha aysan ka jirin”ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.
Wuxuu sheegay in ay nasiib daro tahay iyadoo degmooyinka Muqdisho habeen hore ay ka dhaceen qaraxyo iyo hoobiyaal in hal qof xitaa aan la soo qaban.
Mar uu ka hadlaayay Cabdulaahi Sheekh Xasan xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Shacabka, wuxu tilmaamay in shacabka bilihii ugu horeeyay ay dowladda rabeen balse markii ay arkeen kartideeda iyo wax yaabaha ay ku dhaqaaqeyso in ay ka niyad jabeen sida uu hadalka u dhigay.
“Shacabka dowladda rajo fiican ayuu ka qabay, balse markii ay ogaadeen in dowladda ay tahay mid aan wax badan ka qabaneynin arrimaha ku xeeran oo ay kaliye xireyso jidadka, qabaneyso qofka aan waxbo geesan,uusan jirin garsoor, canshuur gooni ah maamulka gobalka Banaadir uu qaadayo waa ay naceen” ayuu yir markale siyaasi Cabdulaahi Sheekh Xasan.
Hadalka Siyaasigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeen hore magaalada Muqdisho meelo badan laga maqlay qaraxyo iyo iska hor imaad
R/wasaaraha Somalia oo maanta safar ku tagay dalka Jabuuti
Djabuuti   -Wararka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu gaaray R/wasaaraha Somalia Cabdi Farax Shirdon Saacid iyo wafdi uu hogaaminaayo iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.
R/wasaaraha oo maalmihii ugu danbeeyay  ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa waxa uu halkaas kula kulmay Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dalkaas waxa ayna ka wada hadleen sida ay gacan u siin karaan DF Somalia.
R/wasaare Saacid ayaa la sheegay in inta uu joogo Jabuuti uu la kulmi doono Madaxda dalkaas isaga oo kala hadli doono sida labada dal ay hal meel ugu soo jeesan lahaa sida Somalia nabad lagu gaarsiin lahaa.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in R/wasaaraha Somalia uu la kulmi doono M/weynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyaga oo ka wada hadli doono sida Dowlada Jabuuti gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska Somalia.
DF Somalia oo go’aan ka qaadaneyso dadka degan guryaha Dowlada
Muqdisho   -Sida uu saxaafada u sheegay Wasiirka Warfaafinta DF Somalia C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa waxa uu kaga war bixiyay Mowqifka dowlada ay ka gaareyso dadka hada degan guryaha ay leedahay dowlada ee ku yaala magaalada Muqdisho.
C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in maalinta Axada ah ay kulan deg deg ah yeelan doonaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dad hada lacago ka qaato guryo ay leedahay Dowlada oo Muqdisho ku yaala.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in hada ay hayaan cadeemo ku aadan in ay jiraan dad ay u kireysan yihiin Guryaha dowlada lacagna ka qaata sida iyaga in ay guryahaas lee yihiin balse ay DF Somalia sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto.
C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in ay wax laga xumaado ay tahay in hanti dowladeed dadka laga kireeyo ka dibna lacago laga qaato bilkasta waxa uuna intaas ku daray dadkaas ay dowlada la xisaabtami doonto.
Ugu danbeyntii Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya ay DF Somalia la wareegi doonto guryaha ay leedahay dowlada ee hada dhisan si dadka wax loogu qabto.
Shirkii wada-tashiga Hiigsiga Cusub “New Deal” oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey
Muqdisho  – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta qaranka mudane Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa shalay soo xiray shirkii wada-tashiga barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo saddexdii maalmood ee ugu dameeyey ka socday magaalada Muqdisho. Xubnaha ka qayb-gelayey shirkan ayaa maanta ansaxiyey qorshaha dowladda Soomaaliya la hor-tegeyso shirka Brussels, kaddib markii ay talooyin muhiim ah ku biiriyeen.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay laamaha dowladda,xubno ka socday gobolada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana qorshuhu ahaa in dadweynuhu ay aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan qorshaha lala hor-tegayo shirka 16-ka bishan ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasi oo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah.
“Barnaamijka Hiigsiga Cusub waxaan soo wadnay dhawrkii bilood ee ugu dameeyey, waana meesha uu dalkani iska bedelayo, waxaana fikirkaan ka dhashay wada-tashigii dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dadweynaheeda. Kulamaddi aan la yeelanay bulshada waxaa ka soo baxay natiijo yididiilo leh oo astaan u ah soo-kabashada dalkeena. Waan ka mahadcelinaynaa dukumiintigan aad noo ansixiseen, dowladduna waa ay tixgelinaysaa taladiina, runtii marag ayaad ka ahaan doontaan meesha lagu bixiyo dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya kaas oo si xaq ah loo qaybin doono” ayuu yiri Wasiir Abuukar Shiikh Cabdi

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa dhaqaale toos ah lagu siin doona dalka Soomaaliya, si dhinacyada mudnaanta kowaad u leh qaranka loogu aadiyo deeqaha laga helo beesha caalamka, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado waxtarnimada deeqaha shisheeye ee dalkeena.
Shirarkan oo mudooyinkii u danbeeyey ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa lagula tashanayey bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay ugu biiriyaan fikirkooda qodobada xukuumadda Soomaaliya la tagayso shirka bishan ka dhici doono Brussels. Gabagabadii kulanka ayaa ka qayb galayaasha shirku waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodabadii ay ka doodayeen sedexdii maalmood ee ugu danbaysay.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...