Friday 6 September 2013

PUNTLAND: HADDA IYO DAN


Qore: Axmad Cabbas (Gacma-Gaab)
Arar
map_puntlandJiritaanka dawladda Puntland wuxuu kowsaday 1dii Julay 1998, taasoo ku beegan maalinti la ansixiyay Axdigi Ku-Meel-Gaarka ahaa. Sidaas awgeed,  sannadka 2013 Puntland waxay jirstay 15 sano. Puntland waxay ballaysintay guul la mahadiyay. Hor iyo horraan waxay soo afjartay haggaaminti jabhadahi ka talinayay geyiga Puntland (SSDF, USP iyo SDU). Hannaanka maamul ee mandaqadda Puntland wuxuu u xuubsiibtay maamul rayid ah. Mudda yar gudaheed, waxaa dhidibbada loo aasay haykal maamul oo waafaqsan Axdigi ku meel gaarka ahaa. Kaasoo lagu suuradin karo qaab-dawladeedka casriga ah ee dunida ka hanaqaaday. Ayada oo la raacayo Axdigi Ku-Maael-Gaarka, waxaa suurta gashay in mudda yar gudaheed la ababulo hay’adihi sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Meelaynta saddexdaas gole waxay suurta gelisay in si sahlan oo xasarad ka maran loo abaabulo hay’ado amni (Boolis, Daraawish iyo Asluub) iyo shaqaale rayad ah.
Qaran ahaan, Puntland waxay hanatay meekhaan ay si wax ku ool ah uga qayb-qaadan karto dib-u-yagleelidda dawlanimo qaran. Axdigi ku-meel-gaarka aha wuxuu soo bandhigay hindise lagaga fursan karo kala googo’, isla markaana lagaga raysan karo nidammkii ay awoodda dawladnimo oo dhammi ku urursnayd dawladda dhexe.
Dhanka Caalamka, curashadi Puntland waxay abuurtay hannaan hay’adaysan oo suurta gelinaya in beesha caalamka iyo Puntland ay iska kaashadaan horumarinta adeegyada bulshada, aminga mandaqadda iyo addunweynaha.
Qiimayn Kooban
Qiimayn isu-dheellitiran oo lagu sameeyo waayihi Puntland, waxay ka marag-kacaysaa in uu jiro horumar la gaaray. Dhinac kale waxaa jira guulo la gaari karey oo laga gaabiyay, iyo  dhinacyo uu la soo gudboonaaday dhibudhac, marka laga tilmaan qaato xaaladdi jirtay asaaski Puntland.
Haykalki maamul ee Puntland wuxuu noqday mid tabbagal ah, rabitaanka dadweynaha ka sokowna, asaga ayaa sugay jirtaanka iyo kor-u-qaadidda adeegyada bulshada Puntland. Dhinaca kale marka laga eego, waxaa jira saluug la xariira heerka tayada maamulka, taasoo loo aanayn karo in la gabay horumar aad uga sarreeya heerka hadda la marayo.
Dimuqaraaddiyaynta Puntland waxay ka mid ahayd himilooyinkii ugu mudnaa ee uu gaaray shirweynihi lagu asaasay Puntland ee ka dhacay Caasimadda dawlad goboleedka Puntland, Garoowe, muddadii u dhexaysay 15ki May iyo 1di Agoosto 1998. Haddii laga dhabayn lahaa go’aanki shirweynaha iyo qodobbadii Axdiga ee ku aaddanaa dimuqaraaddiyaynta hannaanka siyaasadda, 30kii Juun 22 sannadkii 2001, ayay Puntland ka hirgeli lahayd doorasho toos ah oo xor ah. Sidaas awgeed, hirgelinta dimuqraaddiyaynta Puntland wuxuu dib-dhacsanyahay 12 sano iyo 2 bilood. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...