Sunday 22 September 2013

Guddoomiyaha maxkamada iyo xeer ilaaliyaha degmada Baydhabo oo maanta xabsiga la dhigay


Baydhabo
Baydhabo
Baydhabo[RBC Radio]Wararka anuu ka helayno magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa soo sheegaya in guddoomiyaha maxkamadda iyo xeer ilaaliyaha degmada Baydhabo maanta xabsiga la dhigay, waxana wararku ay inta ku darayaan in arrintan ay timid ka dib markii lugu soo eedeeyay inay xabsiga kasii daayeen nin gacanku dhiigle ahaa oo lagu xukumay dil toogasho.
Sidoo kale waxaa lugu soo eedeyey masuuliyinta xiligan xabsiga loo taxaabay inay ehellada gacan ku dhiiglaha ay sii daayeen ay ka qaateen lacago laaluush ah, arrintaas oo ka dacwoodeen qoyskii ninka laga dilay,taasina ay kentay in ay mutestan xabsiga in la dhigo.
Illaa hadda lama caddeyn halka uu ka yimid amarka lagu soo xiray labadan mas’uul inkasta  xiligaan la soo xiray.
Labada masuul ee la soo xiray waxaa lugu kala magacaaba guddomiyaha maxkamadda , Sheekh Maxamed Gaab iyo xeer-ilaaliyaha degmada Baydhabo Aamed Yare.
Waxaa la soo sheegaya in xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo ay ku xiranyihiin dad badan oo ku eedeysan gacan-ku-dhiiglenimo kuwaasoo laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo qaarkood ay ka mid yihiin ciidamada dowladda.
Si kastaba ma jirto illaa hadda cid ka hadasha xariga la sheegay in looo gestay labada masuul ee kala hayey xilalka guddoomiyaha maxkamada iyo xeer ilaaliyaha degmada Baydhabo.
__________
RBC Radio,Baydhabo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...