Thursday 19 September 2013

DEG DEG: in ka badan 25 ruux oo lagu la’yahay God kusoo dumay duleedka Muqdisho

Muqdisho(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya duleedka Bari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaweyd ay halkaasi ka dhacday Musiibo kadib markii uu soo dumay god weyn oo laga qodayey Jay(Kaawo),wararka horu dhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegay in godka dumay ay ku hoos jiraan 25 ruux.
Qof goob jooge ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in lasoo badbaadiyey 4ruux oo dhaawac qaba kuwaas oo ku sugnaa afaafka hore ee godka dumay,goobjoogaha ayaa intaa raaciyey iney godka wali ku maqan yihiin 20 ruux oo kale.
Dadka uu godkani kusoo dumay ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney iskugu jireen Shaqaalo rarayey 2 gaari oo iska rogo ah oo goobta tiillay iyo dadkii qododayey Kaawada,waxaana la tilmaamayaa in dadka iyo gaadiidkuba ay qarsoomeen oo ay ku hoos jiraan burburka godka soo dumay.
Goobta ay musiibadu ka dhacday ayaa waxaa xiligan ku sugan dad badan oo eheladoodu ay ku hoos jiraan godka dumay,dhibaatada ugu daran ayaa ah iyada oo aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidinayo dadka ay musiibadu ku habsatay,deegaanka uu shilku ka dhacay  oo ku yeella duleedka bari ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la tilmaamay in godka soo dumay uu ahaa mid ay muddo dheer hoostiisa qodayeen dadka ka shaqeeya Jayga guryaha lagu dhiso.
Rajada ku aaddan in lasoo badbaadiyey dadka uu godku ku dumay ayaa yar sida ay inoo sheegayaan ehelada dadka goobtu ku duntay oo laftooda ku sugan halka ay musiibadu ka dhacday balse aan waxba u qaban karin dadkooda ay musiibadu haleeshay.


RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...