Sunday 25 August 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Warsaxaafadeed: Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay go’aamo la xariira shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala.
24 August 2013, Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saaka xafiiskiisa kula shiray dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala ayaa soo saaray go’aamo ay soo dhaweeyeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ka shaqeeeya. Shirkan oo qaatay saacado ayuu wasiirku ugu horeyn uga mahadceliyay adeegga ay shirkadahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo usahlay inay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ukala safraan muddadii uu dalku burbursanaa iyagoo u bareeray khatar badan kuna soo shaqeeyay xilli adag iyadoo wasiirku ubalanqaaday shirkadaha Soomaaliyeed inay leeyihiin mudnaanta Koobaad iyagana looga baahan yahay in kor u qaadaan adeegga ay bixiyaan.
Wasiirka ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii isdaba joogga ahaa ee wasaaraddu ka gaartey soo celinta hawada Soomaaliyeed(Somali Airspace) iyo Xayiraaddii caalamiga ahayd ee laga qaaday garoonka Aaden Cadde ee Caalamiga taasoo sida wasiirku sheegey soo dadajinaysa in kor loo qaado tayada adeegyada garoonka Aaden Cadde iyo dhamaan garoomada dalka iyo Shirkadaha duulimaadyada ee dalka ka shaqeeya.Wasiirka ayaa shirkadaha kala hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen daryeelka Rakaabka Soomaaliyeed, Jadwalka diyaaradaha, sharciyadaha iyo shaqaalaha lasocda diyaaradaha iyo waliba luuqadaha lagu hadlo xiliyada rakaabku saaran yihiin diyaaradaha dalka ka shaqeeya.
Kulankan oo wakiilada shirkadaha diyaarada Soomaaliyeed ay kusoo gudbiyeen aragtidooda ayna aad usoo dhaweeyeen la kulanka wasiirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo wax ku ool ah oo saamayn ku yeelan doona qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha iyo daryeelka rakaabka Soomaaliyeed.
Qodobadii kasoo kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:
1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.
2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya
3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.
4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.
—-DHAMAAD—
Axmed Xaaji Cabdi
Xafiiska Wasiirka Wasaaradda
Hooyo gabadheeda ku gowracay Muqdisho
Hooyo ku nool degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay gowracday gabar yar oo ay dhashay taasoo la yaab ku noqotay dadka deegaanka.
Goob joogayaal ayaa ku waramaya in haweeneydaasi ay gabadheeda qoorta ka jartay kadib markii uu madaxa xanuunay.Meydka gabadhaasi ayaa maanta laga soo saaray gurigii ay ku nooleyd.
“Gabadheeda waxay ay tiri madaxa ayaa i xanuunaya, sidaasi darteed aniguna madaxa ayaa ka jaray” sidaasi waxaa laga soo xigtay haweeneyda gabadheeda sida xun u dishay.
Booliska dowlada federaalka Somalia ayaa gacanta ku dhigay haweeney qudha ka jartay gabar yar oo ay dhashay, sida ay ku waramayaan dadka ku nool degmada C/Caziiz ee gobolka Banaadir.
Haweeneydaasi ayaa haatan waxa ay ku xirantahay saldhiga degmada C/Caziis halkaasoo su’aalo lagu waydiinayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweeneyda in maskax ahaan aan wanaagsaneyn, iyado heysatay labo caruur ah marka laga reebo gabadha ay iyadu qoorta ka jartay.
Dad deegaanka ayaa ku waramaya in falka gowraca ah uu dhacay sadex maalmood ka hor.
Dad deegaanka ayaa ku waramaya in guriga aan madaxa la gilin karin sababo la xeriira urka ka soo baxaya oo ka dhashay meydka sedexda maalmood yaalay guriga.
Jubaland oo maamul loo dhan yahay ku xirtay Muqdisho
Dooda ugu weyn ee dowladda Somalia ay ku diiday Jubaland, ayaa ahayd in maamulkaasi aysan u dhameyn dhammaan beelaha dega gobollada Jubooyinka.
Ayada oo hadda ay Addis-Ababa ka socdaan wada hadallo arrintaas xal loogu raadinayo, ayaa Jubaland waxa ay markii ugu horeysay ay qiratay in maamulkaas uu yahay mid aan loo dhameyn.
Wareysi uu aad ugu carrooday oo uu siiyey idaacad ku taalla magaaada Muqdisho, ayaa ku simaha madaxweynaha Jubaland Macallin Ibraahim Maxmuud, waxa uu si cad ugu sheegay in Jubaland ay tahay mid aan loo dhameyn.
Waxa uu sheegay in haddii Dowladda Somalia ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid ay ku dhan yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed, marka hore ay taasi kasoo billowdo magaalada Muqdisho.
“Kismaayo waxa ay la mid tahay Muqdisho, haddii Dowladda ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid loo dhan yahay, ha kasoo billowdo Muqdisho marka hore, waan ognahay in maamulka Muqdisho lagu koobay beesha madaxweynaha” ayuu yiri Macalin Maxamed.
Waxa uu sidoo kale ku gacan seeray dalabyada ah in Dowladda Somalia lagu areejiyo gacan ku heynta garoonka iyo dekedda magaalada Kismaayo.
“Haddii dekedda iyo garoonka ay Dowladda naga wareejiso, yey ku wareejineysaa, innagu miyeynan ahayn Somalia, oo dalka xaq ku leh” ayuu yiri
In ka badan 200 Tahriibayaal Somali ah oo gaaray Talyaaniga
Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa sheegya in ay soo badbaadiyeen in ka badan 200 oo tahriibayaal oo u badan dad Somali ah.
Koox tiro ahaan ka kooban 116 oo u badan Somali ayaa soo gaaray xeebaha Kanaalka Silicly ee Jaziirada Lampedusa iyagoo adeegsanaya doon nuuca buufiyo, waxaana soo badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga
100 qof oo kale ayaa waxaa soo bad baadiyay ciidamada ilaalada xuduudaha ee Midowga Yurub ee lagu magacaaco Frontex, iyadoo ciidamadaasi ay gacanta u gilyeen ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Portpalo.
Isbuucani oo kaliya Talyaaniga waxaa gaaray ku dhawaad 1000 qof kuwaasoo ka soo galay dhanka waqooyiga Africa iyagoo soo maraya bada Mediterranean Sea.
Kororka tahriibayaasha ayaa la sheegaya in ay sabab u tahay in jawiga uu yahay mid degan oo baduna ay furantahay.
Wasaarada arimaha dibada ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in 24,277 qof ay soo galeen dalkeeda 12 bilood gudohood.
Sweden: 300 Malyuun Baan Ugu Deeqeynaa Somalia
Waxaa shalay Galab Magaalada Lund ee dalka Sweden lagu soo gabagabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee 12aad ee aqoonyahanka Dalalka goboilka Geeska Afrika.
Gebagabadii shirka ayaa wasaaradda arimaha dibadda ee Sweden waxey kaga dhawaaqday in 300 oo malyuun ay sanad walba ugu deeqi doonto Somalia.
Shirkan oo sanadkan looga hadlayay Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka ayaa waxaan VOAda uga waramay C/laahi Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha Shirkaasi.
Jawaahir: “Dilalka loo geysanayo haweenka bulshada u dhaqaaqa howsheena uma hakaneyso”
Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada ka dambeysa dilalka haweenka lala beegsanaayo ee maalmahaan ku soo kordhay magaalada Muqdisho, waxayna hoosta ka xariiqday in dilalka haweenka u dhaqdhaqaaqa ee Kooxda Al-Shabaab, hanjabaadaha iyo cabsi gelinta aanay ka hor istaagi doonin howlahooda.
Ajaaniibta iyo maleeshiyada GODANE oo billaabay kala dhuumasho, kadib sir uu ka qariyey Godane oo ay ogaadeen
Baraawe - Maleeshiyada hogaamiyaha kooxda Al-Shabab Axmed Godane, ayaa billaabay inay kala dhuuntaan kadib markii war yaab leh uu ku dhex baahay kooxda oo ku saabsan in Godane aysan daacad a ahayn diin u dagaalka uu sheegto.
Toddobaad ka hor ayey ahayd markii xubnaha Al-Shabab ee ku kacsan Godane, islamarkaana taageera Roobow iyo rag la dilay ay sheegeen in meydka ninkii uu Godane dilay ee Abu Bakar Al Saylicin oo loo yaqiin Ibraahim Afghani la dhoofiyey.
Waxaa sidoo kale eedeyntaasi ay tiri in Godane uu la shaqeeyo sirdoonka reer galbeedka.
Website taageera Afghani iyo Roobow ayaa daabacay in khilaafka ka dhex qarxay kooxda Godane uu kasii darey markii ay uu faafay warka ku saabsan in meydka Afghani markab la saaray.
Sida xogtan ay leedahay, sidoo kale ajaaniib kusoo qaldamay dagaal diimeedka beenta ah ee kooxda Godane, ayaa billaabay inay dhuuntaan, ayaga oo qaar ay u goysteen Mukhtaar Roobow, halka qaar kalena ay si qarsoodi ah doomo ugu raaceen Baraawe, ayaga oo ku wajahan Yemen.
Inkasta oo kooxda Godane ay beenisay inay dhoofisay meydka Afghani, haddana dagaal yahanadii ayaa weli is weydiinaya sida markab dagaal ay ugu suurta gashay inuu meydkaas ka qaato Baraawe oo ah halka ugu xooggan oo ay Shababka ku xooggan yihiin.
Si kastaba waxaa laga yaabaa in wararka ay yihin kuwa propaganda ah oo ay Shabaabka dhexdooda isku dhaliilayaan, hase yeeshee wax ay ahaataba waxa ay caddeyn u tahay khilaafka ka dhex jira kooxda iyo inay sii kala tagayaan.
Wiil u Xiran Dowlada Mareeykanka oo Codsaday in Lasoodaayo
Will dhalinyaro Soomaali Ameerikaan ah oo horay Mareynkanka uu ugu eedeeyay inuu ku kacay falal danbiyeedyo ka dhan ah danaha Mareynkanka ayaa warqad Raali gelin uu kaga bixinayo danbigiisa u qoray Maxkamada danbigiisa qaadeysay.
Wuxuu sheegay Mohamed Mohamud inuu dalbanayo inuu la hadlayo dhalinyarada Muslimiinta ah eek u dhaqan dalkaasi,si ay kaga caawiyaan in mar kale faraha uu la galo danbiyada lagu soo eedeeyay,isagoona Qaadiga Maxkamada Mareynkanka oo lagu Magacaabo Garr King u sheegay inuu ka laabtay Fikradii uu aaminsanaa si wanaag uu ku dheehan yahana shacabkiisa kula noolanaayo.
Mahamed Mahamuud ayaa la xiray Bishii Nov,26,2010, ka dib markii lagu qabtay isagoo riixaya Badhan uu lahaa Mobil uu gacanta ku hayay,taasi oo la aaminsanaa inuu Qarxinayo meel dad badani ay iskugu yimaadeen halkaasi uu ka soconayay xaflad lagu weyneynayo Ciida Kirismiska.
FBI-da Mareynkanka ayaa Soomaali Ameerikankaan waxay ku eedeyeen falal argagixiso,iyagoo la xiriiriyay Ururka Al-shabaab oo la mideysan Al-Qaa’ida.
31-January ayaa Mahamuud wuxuu iska diiday danbiga lagu soo eedeeyay,balse dacwad oogayaal mareynkan ah ayaa arintaasi ka soo horjeestay,iyagoona shaaciyay in Wiilkaan doonayay inuu qarax fuliyo.
Maxkamada Federaalka dalka Mareynkanka ayaa waday qorshe ay ku go’aamineysay in xabsi daa’in lagu xukumo Mahamed Mahamuud,laakiin waxaa socday wada hadal iyo la tashiyo laga baaran degayo arintaasi.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareynkanka ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Ururweynaha Al-Qaa’ida
Afhayeenka AMISOM : “Xero aan joogno marnaba laguma kufsan Gabar Soomaaliyeed, Hadalkaasna waa ..”
Col. Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska fogeegayay kufsi la sheegay inay ciidamoodu ay u geysteen Haweeney Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay taasi tahay mid waxba kama jiraan ah.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in aanu ka dhicin wax kufsi ah xiro ay maamulaan ciidamada AMISOM , wuxuuna sheegay in laga yaabo in meel kale oo aaney AMISOM joogin lagu kufsaday haweenaydaasi.
“Wax waliba way dhici karaan, balse nooma cuntameyso in ciidamadeena lagu eedeeyo kufsi aaney geysan, waxaan ka warsugaynaa baaritaanka gudigii dhawaan arintaasi uu u xilsaaray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya” ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Afhayeenku wuxuu sheegay in Ciidamada AMISOM marka loo soo dirayo Soomaaliya la baro Dhaqanka, anshaxa iyo waliba Xuquuqda qofka Soomaaliga ah isla markaana ay yaqaanaan .
Dhinaca kale xukuumada Soomaaliya ayaa horay gudi ka kooban labada dhinac AMSIOM iyo Soomaaliya oo ay hogaaminesyo Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumada u xilsaartay inay soo baaraan eedeynta ku aadan in ciidamo AMISOM eedeynta loo soo jeediyay ay baaraan.
Sarkaal sare oo madax ka ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo geeriyooday
Taliyihii Ciidamada Guutada labaad ee Xoogga Dalka Korneyl Cali Guure Afdhuub, ayaa wuxuu 5:30 galabnimo ee maanta, uu u geeriyooday dhaawac culus, oo ay u geysteen Ciidamada Dowladda.
Isbitaalka Ciidamada Amisom ee Xalane, oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay inuu ugu geeriyooday, dhaawacii uu qabay.
Taliyaha ayaa wuxuu dhaawacmay toddobaadkii hore, kadib markii uu doonaayay in uu isbaaro ka qaado Degmada Heliwaa, xilli ay soo dhigteen Ciidan ka amar qaadanaayay.
Ciidankiisa ayaa la sheegay inay ka caroodeen mushaar la’aan, taasina ay keentay inay la dhacaan dhowr xabadood, oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.
Dowladda ayaan gacanta ku soo dhigin Ciidankii ka dambeeyay dhaawaca, uu galabta u geeriyooday Taliyihii Ciidamada Guutada labaad ee Xoogga Dalka Korneyl Cali Guure Afdhuub.
Dowladda ayaa sidoo kale weli wax war ah ka soo saarin geerida Sarkaalkaan.
Amaanka Magaalada Hargeysa oo qalqal galay kadib markii xalay Magaalada lagu dilay…
Bartamaha magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland waxaa xalay lagu dilay qof Rayid ah, iyadoo kooxihii dilka geystayna lagu soo waramayo ineey goobta ka baxsadeen.
Dilkaan ayaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay xaafada Siinaay, waxaana wararka ay sheegayaan in ruuxaan la dilay oo ahaay nin dhalinyaro ah ay dileen kooxo ku hubeysan Biskoolado.
Dhawaca wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa kadibna halkaas uu ku geeriyooday.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland, halkaasoo howlgalo ay ka sameeyeen, waxaana lasoo warinayaa in ay dad farabadan oo lala xiriirinayo dilkaas ay qabteen Ciidamada booliska.
Saraakiisha Ciidamada Booliska oo hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano, cadeymo cadna ay goordhow warbaahinta usoo bandhigi doonaan.
Dilkaan ayaa waxaa ka hadlay Ehelada wiilkan la dilay, waxayna sheegeen inaan ilaa iyo hada la ogeyn sababta loo dilay iyo cida dishay.
Shacabka ku nool magaalada Hargaysa ayaa saakay arintaan aad u hadal haaya, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo qof rayid ah kooxo ku hubeysan Biskoolad ku dilaan, iyadoo falkaana uu shaki weyn galin karo in Al-shabaab ay si toos ah uga howl bilaabeen deegaanada Somaliland.
Somaliland ayaa ka nabdooneyd deegaanada Koofurta Soomaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay
Ethiopia oo la wareegeyso amniga mid ka mid ah gobolada Somalia
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa maanta waxay si rasmi waxay u shaaciyeen inay la wareegayaan guud ahaan gobolkaas , iyadoona ciidamada ururka ahlu sunna iyo kuwa dowladana laga saarayo.
Kadib kulan ay wada qaaten saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya, Kuwa ururka ahlu sunna iyo waliba kuwo ka socda ciidamada Ethiopia ayaa waxaa la isku af gartay in gabi ahaan gobolkaas laga saaro ciidama Soomaalida ah isla-markaana lagu wareejiyo ciidamada Ethiopia.
Sababta la wareegitaanka ciidamada Ethiopia ayaa waxa lagu micneeyay in xaalka amni ee gobolkaas inuu faraha kasii baxayo ayna kusoo kordhayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah si arintaas wax looga qabtana ay waajib tahay in cil waliba oo wax ka qaban karta loo dhiibo hogaanka iyo xaqiijinta dhanka amniga ee Gobolka.
Saraakiil ka socota ciidamada Ethiopia, ayaa maanta waxay gaareeen degmada Balad xaawo ee gobolka Gedo Si ay halkaas ugala wareegaan ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna .
Deegaanada Dooloow iyo Luuq ayay hore ugu sugnaayeen ciidamada ethiopianka ah , iyagoona si aad ah u adkeeyay amniga degaanadaas .
Deegaano ka mid ah gobolka waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan Ururka al-shabaab kuwaas oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada taageeraya.
DF oo tira goobeysa dadka ku dhaqan Muqdisho
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Gudi ka socda Wasaarada arimaha Gudaha Somalia iyo maamulka Gobalka Banaadir iyaga oo yeeshay kulan looga hadlayay tira goobka dadka Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka Muqdisho iyada oo la tira goobayo dadka guryaha degan iyo waxa ay qabtaan si loo ogaado xaaladooda.
Ka dib markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa Saxaafada halkaas kula hadlay Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Max’ed Yusuf Ibraahin oo sheegay in kulanka uu ahaa mid lagu doonayo in tira gooblagu sameeyo dadka degan gobalka Banaadir.
Afhayeenka ayaa sheegay in barnaamijkaan ay horay u sameeyeen maamulka gobalka Banaadir balse hada ay sameenayaan mar labaad iyaga oo ay ogyihiin Wasaarada arimaha gudaha dalka Somalia.
Barnaamijkaan ayaa la sheegay in ugu horey laga sameyn doono ilaa iyo afar degmo waxaana ugu horeyn doonto degmada Xamar weyne iyoadoo maamulka degmadaas ay soo dhaweeyeen durba.
Si kastaba Barnaamijkaan ayaa waxa la sheegay in uu noqon doono mid qeyb ka qaadan doono amniga la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeysa faraha ka sii baxeysay.
Maxaa maanta ka cusub garoonka diyaaradaha Luuq ee gobalka Gedo?
Wararka saakay laga helaayo garoonka diyaaradaha ee Luuq ee ka tirsan gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas maanta iyo maalintii shalay eheyd ay ka bilaabatay howlihii guud uu qaban jiray garoonkaas.
Garoonka Diyaaradaha Luuq oo bilooyinkii ugu danbeeyay ay ka soconayeen howlgalo dayactir ah ayaa maalintii shalay eheyd waxaa si toos ah u howl bilaabay uu qabanayay garoonkas.
Agaasimaha Garoonka Max’ed Aden Buule ayaa sheegay in maamulkooda ay ku guuleysteen in diyaaradii ugu horeysay mudo ka dib ay shalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha taasoo ka timid magaalada Muqdisho.
Max’ed Aden Buule ayaa sheegay in garoonka uu sahli doono howlo badan oo waqti dheer la sugi jray ay dhaqso ku yimaadaan deegaanada ku dha Luuq sidoo kale waxa uu sheegay in hada ay bilaabayaan duulimaadyada Kenya.
Si kastaba howlgalinta garoonkaan ayaa waxaa la sheegay i ay gacan weyn ka geysatay hey’ada WFP oo iyaga shaqaalaha dhisayay garoonka siineysay barnaamij ah shaqo cunto ku badalasho.
Ciidanka AMISOM oo soo faarujiyay fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar
Wararka laga helaayo duleedka degmada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii AMISOM ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxeeen ka dib markii uu saameyn ku yeesheen fatahaada Wabiga Shabele.
Meel u irta Jowhar 5 KM oo lagu magacaabo deegaanka Abshir Cali Buule ayaa la sheegay in ciidankii AMIOM gabi ahaan ay faarujiyeen ka dib marki uu ku soo fahay Wabiga Shabeele.
Mid ka mid ah saraakiisha AMISOM ee Jowhar oo la hadlay idaacadaha ayaa sheegay in ay xaqiiq tahay in fariisimahaas ay isaga soo tageen ka dib markii uu fatahaad ku sameeyay wabiga Shabeele.
Dhanka kale ciidanka AMISOM ayaa sheegay in sababaha ay halkaas ugu soo tageyn ay ka mid tahay iyaga oo ka baqay in cuduro ay ka dilaacaan .
Si kastaba ka bixista ciidanka AMISOM deegaankaas ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan dadkii deganaa halkaas ay ka soo guureen ka dib markii uu ku soo fatahay Wabiga Shabeele.
Ilaa iyo hada majirto dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in la smeeyo goobo waaweyn oo looga hortagaay in la joojiyo in uu si fido wabiga Shabeele.
Syria: Cameron and Obama threaten 'serious response'
Medecins Sans Frontieres said it could not scientifically confirm the use of chemical weapons
The UK and the US have threatened a "serious response" if it emerges Syria used chemical weapons last week.
Prime Minister David Cameron and President Barack Obama spoke on the phone for 40 minutes on Saturday, Mr Cameron's office said.
Both were "gravely concerned" by "increasing signs that this was a significant chemical weapons attack carried out by the Syrian regime".
The Syrian regime and opposition have accused each other over the attacks.
Rebels and opposition activists accuse forces supporting President Bashar al-Assad of carrying out chemical attacks around Damascus on 21 August, while state TV accuses the rebels.
"The UN Security Council has called for immediate access for UN investigators on the ground in Damascus," the Downing Street statement said.
"The fact that President Assad has failed to co-operate with the UN suggests that the regime has something to hide."
It said Mr Cameron and Mr Obama had "reiterated that significant use of chemical weapons would merit a serious response from the international community and both have tasked officials to examine all the options".
The statement said the two men had agreed it was "vital that the world upholds the prohibition on the use of chemical weapons and deters further outrages".
---Tunisia opposition in rally against Ennahda-led governmentAnti-government protesters hold flares and shout slogans during demonstration in Tunis. 24 Aug 2013 The protesters set off flares and chanted slogans
Thousands of Tunisians have rallied in front of the National Assembly in the capital Tunis calling for the Islamist-led government to resign.
The opposition National Salvation Front has called for a week of protests over what it says is the government's inability to guarantee security.
The protests come a month after the assassination of a prominent opposition politician.
It was the second such politically-motivated killing this year.
The governing Ennahda party has offered to support an all-party government but has ruled out calls to dissolve the constituent assembly or remove Prime Minister Ali Laaraiedh.
"The people want the fall of the regime," chanted the crowds, repeating the slogan used when Tunisians ousted President Zine el-Abidine Ben Ali in 2011. His downfall triggered revolts across the Arab world.
Correspondents say Tunisian opposition parties have recently been emboldened by the Egyptian army's ousting of Islamist President Mohamed Morsi.
Witnesses said police monitored Saturday's protests but there were no reports of violence.
MSF-backed hospitals treated Syria 'chemical victims'
Christopher Stokes, from MSF, said the organisation cannot scientifically confirm the use of chemical weapons
Medecins Sans Frontieres says hospitals it supports in Syria treated about 3,600 patients with "neurotoxic symptoms", of whom 355 have died.
The medical charity said the patients had arrived in three hospitals in the Damascus area on 21 August - when opposition activists say chemical attacks were launched against rebels.
But MSF says it cannot "scientifically confirm" the use of chemical weapons.
Both sides in the conflict accuse each other of using them.
MSF says staff at the hospitals described a large number of patients arriving in the space of less than three hours with symptoms including convulsions, dilated pupils and breathing problems.
Cannot play media. You do not have the correct version of the flash player. Download the correct version
Syrian state TV broadcast footage of what it claims are chemical agents found in rebel-held areas
It said many were treated with atropine, a drug administered to those with "neurotoxic symptoms".
"MSF can neither scientifically confirm the cause of these symptoms nor establish who is responsible for the attack," said MSF Director of Operations Bart Janssens.
But it added that the symptoms, as well as the "massive influx of patients in a short period of time" strongly suggest mass exposure to a neurotoxic agent.
==Bo Xilai says ex-police chief 'full of lies'Bo Xilai in court. 24 Aug 2013 Bo Xilai was once tipped for high office in China
Former top Chinese politician Bo Xilai has accused his ex-police chief of lying over allegations of abuse of power.
Mr Bo launched a scathing attack on Wang Lijun, his former associate in the central city of Chongqing, saying his testimony was "full of lies and fraud".
The trial, in its fourth day in the city on Jinan, was later adjourned until Monday.
Mr Bo, a former Communist Party chief in Chongqing, denies wrongdoing.
The scandals involving Mr Bo's family have captivated the country.
Many analysts assume the outcome of the trial has been predetermined with a guilty verdict, however, observers say Mr Bo has put up a spirited defence.
Foreign media are not allowed into the trial, but the court in the eastern city of Jinan has been posting regular updates on China's micro-blogging site Weibo (in Mandarin).
On Saturday the trial focused on accusations that Mr Bo covered up the murder of UK businessman Neil Heywood in 2011.
Mr Bo's wife, Gu Kailai, has already been convicted of murdering Mr Heywood.
Wang Lijun. 24 Aug 2013 Former police chief Wang Lijun is testifying against his old boss
Mr Wang had been a key figure in court on Saturday, testifying that Mr Bo had punched him after he told the politician his wife was responsible for the death of Mr Heywood

But Mr Bo told the court on Sunday: "His character is extremely bad, he created rumours... and threw dust in the public's eyes.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...