Tuesday 27 August 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Oday Dhaqameed Amiin Cali Muumin… WARSAXAAFADEED
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof JawaariGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Oday Dhaqameed Amiin Cali Muumin oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka kaasi oo ay kooxo dhagarqabeyaal ah dil ugu geysteen magaalada Muqdisho 24kii bishan August .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Nabaddoon Amiin Cali Muumin oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka,kooxo arxanlaaweyaal ah ayaa ku dilay magaalada Muqdisho habeen hore, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo ehellada uu ka geeriyooday”
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa Jano siiyo,qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Axmed Madoobe oo ka tanaasulay Magacii Dowlad Goboleedka Jubbaland
Warar hadda soo dhacay oo laga helay Hotelka uu ka socdo wadahadalka mudada dheer qaatay ee u dhexeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo ayaa waxaay sheegayan in qodobo hordhac ah lagu heshiyay in kasto tan iyo waaberigii saaka laga shakisanaa in wada xaajoodka qarka u saaran yahay burbur iyo lagu kala tago xaajada.
Qodobada lagu heshiyay ee dhawaan lagu wado in qalinka lagu duugo waxaa ka mid ah .
1- In Magaca Jubbaland la badalo oo lagu badalo Maamulka Jubboyinka iyo Gedo.
2-In Maamulka u noqdo mid KMG ah oo shaqeeya mudo labo sano ah.
3-Hogaaminyah Maamulkan waxaa uu qadanaya Magaca ah Governor.
Ugu danbeyn galabta ila caawa ayaa lagu wada in uu so baxo Warmurtiyeed labada dhinac ay ku wada saxiixan yihiin hadan dib loga laban qodobada hada la isla mel dhigay.
Meydadka Askar ka tirsan Ciidamada DF oo la geeyay Laanta buuro
  Inta la xaqiijiyaya Seddex Askari oo ka tirsan ciidaamada dowlada Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka abadana dhaawacyo, ayaa kasoo gaaray kadib dagaal maanta ka dhacay deenka muuri iyo deegaanada ku dhaw dhaw ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka, ayaa u dhexeeyaya ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo waliba ururka alshabaab , waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ka dambeeyay kadib weerar ay soo waadeen ciidamada al-shabaab.
Dadka deegaanku, waxay sheegayaan in dagaalku uu ahaa mid aad u culus isla markaana saacado qaadtay, inkastoo ay inoo sheegeen inaysan faah faahin dhab ah xilligan kaheyn, balse ay arkeen oo kaliya meydadaka Seddex Askari oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Dad socoto ahaa ayaa la sheegay in meydadka Seddexdaas Askari inay geeyeen fariisin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Laant buuro kadib markii ay iyaga soo qaadeen sida wararka aan ku heleyno
Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayanan wali ka hadlin dagaalkaas xiriiro aan la sameynaynana way inoo suurta gali weysay inaan qadka taleefoonka aan ku helno .
Sidoo kale shabaab, ayaan wali ka hadlin dagaalka maanta  hayeeshee mudooyinkna gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa kusoo kordhayay weerarada is daba joogga ah oo ay al-shabaabku ku qadayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa kaabaya.
Laba ka tirsan ciidamada AMISOM oo u geeriyooday Mas ku qaniinay Jowhar iyo fatahaada Wabiga Shabeelle qasaarihiisu sii kordhayo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM uu Mas ku qaniinay xero ay ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar, labada oo la sheegayo inay halkaasi ugu geeriyoodeen qaniinyadii Maska.
Ciidamada AMISOM ayaa saakay la arkayay dhaqdhaqaaqyo ay ka sameynayeen saldhiga ay ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in ciidamada AMISOM ay halkaasi uga guurayaan weerarada uga imaanaya Masaska doolka ah ee iyagu la socda fatahaadaha Wabiga Shabeelle.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in daadadka fatahaada wabiga uu iminka cirka isku sii shareerayo, iyadoo dadka Jowhar qaarkood ay sheegeen in dhacdadani ay tahay mid aan weli horay uga dhicin magaalada iyo guud ahaan gobolka Sh/dhexe.
“Fatahaadaha Wabiga Shabeelle waa qorshe laga dambeeyo oo lagula dagaalamayo horumarka dadka degan gobolka Sh/dhexe” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degan magaalada Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in fatahaadaha wabiga Shabeelle uu geystay qasaarooyin dhul beereed, isla markaana biyuhu ay qaadeen dalagyo geed mirood oo aad u fara badan.
Dowladda federaalka oo shaacisay iney heshiis la gashay hay’ad Koontoroosha tayada Shixnadaha dalka lasoo galinayo
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney heshiis la gashay shirkad shisheeye oo Koontarooli doona tayada waxyaabaha dalka soo galaya sida dawooyinka iyo badeecooyinka kale ee dalka la keeno iyo la socodka waxyaabaha dalka laga dhoofinayo.
Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney heshiis lasoo saxiixatay hay’ad caalami ah taasoo la wareegi doonto Koontaroolka waxyaabaha dalka lasoo galinayo,wasaaradda ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan xiligan la socon tayada waxyaabaha dalka lasoo galinayo iyo waxa kabaxa intaba.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Soomaaliya C/qaadir SH Ismaaciil ayaa sheegay in dowladdu ay heshiis rasmi ah la gaartay Hay’adda caalamiga ah SGS oo sida uu sheegay dunida laga yaqaan,wuxuuna tilmaamay in lagu wareejiyey Koontaroolka tayada shixnadaha dalka imaanaya iyo waxyaabaha la dhoofinayo.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Hay’addu ay sidoo kale tababar siin doonto shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya,wuxuuna xusay iney aaminsan yihiin in heshiiskani uu wax badan ka tari doono la socodka tayada waxyaabaha dalka lasoo galinayo.
C/qaadir SH Ismaaciil ayaa tibaaxay in heshiiskani uu ka danbeeyey kadib markii la dhamaystiray sharcigii Maalgashiga Shisheeye oo golaha wasiiradu ay meelmariyeen,walow uusan wali baarlamaanku ansixin,wuxuuna dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabo uu sheegay iney ku keceen gudiga dhaqaalaha iyo ganacsiga baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in sharcigii ay u gudbiyeen ay suuqyada wareejinayaan sida uu hadalka u dhigay taasoo sida uu tilmaamay aan sharciga waafaqsaneen.
C/kariin dhaga badan oo ka hadlay taliye ciidan oo Muqdisho lagu dilay
Abaanduulihii hore ee ciidanka Xooga Somalia C/kariin Yusuf Dhaga Badan ayaa ka hadlay dilkii loogeystay taliyihii guutada labaad ee ciidanka DF Somalia Marxuum Cali Guure Afdhuub .
Dhagabadan ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii iyo dadka Somaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cali Guure Afdhuub waxa uuna sheegay in uu ahaa Taliye u daacad ah ciidanka Xooga Somalia.
C/kariin Yusuf Dhaga Badan ayaa ugu baaqay Taliska cidanka DF Somalia in ay xooga saaraan sidii lagu soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyay dilka taliyahaas isla markaana Maxkamad la soo taago si sharciga loo mariyo.
Jen.Dhagabadan ayaa sidoo kale sheegay in Marxuum Cali Guure Afdhuub uu ka mid ahaa dadka ugu firfircoon ee ku jira ciidanka xooga dalka Somalia waxa uuna intaas ku daray in mar kasta uu u taagnaa gudashada waajibaadkiisa.
Ugu danbeyntii C/kariin Yusuf Dhaga Badan ayaa sheegay in ciidanka Xooga dalka Somalia aan loo baahneyn in ay ku xad gudbaan taliyayaashooda marka amar la siiyo.
Dowladda Iran oo diyaarisay Ciidamo iyo Maraakiib dagaal oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Iran ayaa u sheegay Wargayska Fars News in ciidamada Badda ee dalka Iran mar waliba diyaar u yihiin ka hor tagista khatarta Burcad badeeda Soomaalida ee ka jirta Dalka Soomaaliya.
Admiral Sayari   ayaa sheegay in si dhaqso ah ugu soo diri doonaan Maraakiib iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ee raaca ama ilaaliya Maraakiibta qaada saliida iyo kuwa kale ee Shixnadaha ganacsiga sida ee laga leeyahay dalka Iran kuwaasi oo u kala goosha xeebo badan oo Soomaaliya ay ku jirto.
Sarkaal dhanka Badda ee Iran in howlgalkooda ka dhanka ah Burcad badeeda Soomaalida ay kor u qaadayaan si meesha looga saaro dhalinyarada inta badan caadeystay inay lacago madax furasho ah ka qaataan Maraakiibta iyo shaqaalaha gacanta ay ku dhigaan,taasi uu ku sheegay inay kor u qaatay hamiga iyo dadaalka dhalinyarada badaha u soo qaraan doontay.
Dowladda Iran ayaa sheegtay inay qeyb ka yihiin howlgalka looga soo horjeeda Burcad badeeda Gacan cadan ka jirta tan iyo wixii ka dambeeyay markii kooxo Soomaali ah afduub ay u geysteen Markab laga leeyahay dalka Iran kaasi oo ku safrayay xeebaha dalka Yemen.
Farax Macalin: Ethiopia oo DF & J/land heshiisiineysa, waa Israel oo Falastiin iyo Masar heshiisiineysa, caqli maaha
Nairobi  - Iyadoo wali magaalada Adis- Ababa uu ka soconayo shir lagu wada heshiisiinayo Maamulka ka arimiya magaalada Kismaayo ee Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya , ayaa marba marka kasii dambeysa waxaa sii kordhaya dhaliilaha loo jeedinayo wada hadalladaas.
Faarax Macalin, Waa muwaadin Soomaali Kenyan ah waxaana  mar uu oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Kenya, wuxuu sheegay in wax natiijo ah aysan ka soo baxayn Shirka Addis-Ababa uga soconaya madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Isaga oo la hadlay wargeys kasoo baxa Kenya, ayuu Faraxa arrintaas wuxuu ku sababeeyay in Ethiopia marnaba aysan maslaxad u horseedeyn umada Soomaaliyeed , isagoo sheegay in Ethiopia ay mar waliba sii hurineyso colaadda dadka Soomaaliyeed .
“Ethiopia oo DF Somalia iyo Jubaland heshiisiineysa, waa Israel oo Falastiin iyo Masar heshiisiineysa, taasna caqli maaha” ayuu yiri Faarax Macallin.
Hadalka uu jeediyaya Faarax Macalin, Wuxuu u muuqdaa mid uu Soomaalida uga digayo inaan lagu qancin waxyaabaha shirkaasi kasoo baxa oo iminka gebo gebo ku dhow.
Faarax Macallin ayaa mar kasta siyaasad ahaan kasoo horjeeday Ethiopia, ayada oo waagii ay la dagaalantay maxkamadaha Islaamiga, oo ay Muqdisho qabsatayna, si aad ah Ethiopia uga weeraray warbaahinta.
Si kastaba waxaa jira warar sheegaya in Faarax Macallin siyaasad ahaan uu taageersan yahay maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Muqdisho: DF oo amartay in xoolaha lagu qalo goob gaar ah
 Dowlada federaalka Somalia ayaa amar dul dhigtay ganacsatada ka baayac mushtarta hilibka iyadoo amartay in xoolaha goob gooni ah lagu qalo.
Wareegto ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir in xoolaha lagu qalo Suuqyada waa wayn ee magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Isagoo saxaafada ka hor aqrinayay wareegtada ka soo baxday gobolka, gudoomiye ku xigeenka degmada Howlwadaag Axmed Ciise Sheekh waxa uu sheegay in xoolaha nool lagu qali karo oo kaliya Kawaan Bari ee magaalada Muqdisho.
Masuulkaasi ayaa sheegay in ula jeedka uu yahay in la ogaado caafimaadka xoolaha inta aan la qalin.
Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka looga baahanayhay in ay u hogaansamaan amarada dowlada.
Dagaal culus oo maana ka dhacay bartamaha Somalia
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleedyo ayaa maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geerityootay halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Deeqo oo 30 KM dhinaca waqooyi uga beegan Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in iska hor imaadka hubeysani uu qarxay kadib markii labo beeleed oo halkaasi wada dago ay ku qabteen dhul beereedyo iyo ceelal biyoodyo halkaasi ku yaala.
Dad deegaanka ayaa ku waramaya in maleeshiyo hubeysan oo ka kala jeeda beelaha halkaasi isku qilaafay ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan intii lagu guda jiray dagaalkii maanta.
Hasa ahaatee, war iminka soo dhacay ayaa sheegaya in dagaalka uu qaboobay xaalada deegaankana ay ku soo laabatay caadi kadib markii dagaalka ay dhex galeen odayaasha dhaqanka deegaanka Deeqow ee gobolka Hiiraan.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in la joojiyo derirta ayna ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah.
Ciidamo si gaar ah u tababaran oo soo gaaray Somalia (Warbixin)
 Muqdisho. 22-Sarkaal oo si wanaagsan u tababaran kana mid ah ciidamada Badda dalka Malta  ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyagoo u jeedkooda uu yahay sidii gacan u siin lahaayeen Ciidamada howlgalka Atlanta u jooga Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo Saaran Markab dagaal ayaa waxaa hogaaminaya Colonel Ian Ruggier,waxayna soo qaateen Tababar Malitari oo soconayay ku dhawaad 18-bilood,waxaana tababarkaasi gacan weyn ka geystay dowlada Dutchka.
Wargeys ka soo baxa Malta oo lagu Magacaabo Malta Today ayaa wuxuu shaaciyay in Ciidamadan ka socda Malta qeyb ka yihiin howlgalka looga soo horjeeda Burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo ka qowleysta xeebaha Soomaaliya.
Dhamaadka Bishan ayaa ciidamadan waxay gaari doonaan Badda weynta India halkaasi opo ay ka qeyn qaadan doonaan doorkooda kaga aadan ciribtirka Burcad badeeda.
Waxayna ciidamadan si gaar ah ugu soo degteen Ciidamada Jabuuti oo saaxiib ay kala noqonayaan howlgalka Shufta badeeda ka dhanka ah.
Saraakiisha Midowga Yurub ayaa arintaan ku tilmaamay xiriir wanaaga kala dhaxeeya Dowlada Malta oo ah dowlad yar kana go’ay Talyaaniga intiisa kale
Iskuul oo mudo sanad ah u xiran ciidamada DF Somalia
Iskuul ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa mudo sanad ah waxa uu xiranyahay ciidamada dowlada Somalia kaasoo saameyn ku yeeyshay caruurta ku nool halkaasi.
Ciidamada dowlada federaalka Somalia, gaar ahaan kuwa militariga ayaa goobtaasi waxbarasho fariis ka dhigtay kadib markii dowlada ay la wareegtay maamulka degmada Afgooye halkaasoo ay ka arimin jireen al Shabaab sanad ka hor.
Maamulka iskuulkaasi ayaa sheegaya in sanad dugsiyeedkani ay bilaabi karin maadaama ciidamada halkaasi ku sugan ay diideen in ay baneeyaan si halkaasi wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.
Maamule ku xigeenka Iskuulka sare ee degmada Afgooye ayaa sheegaya in iskuulka ay dhigan jireen arday badan kuwaasoo si lacag la’aan ah wax lagu bari jiray.
Masuulkaasi ayaa intaasi ku daray in Hey’ada Concern ay bixin jirtay mushaaraadka barayaasha wax ka dhiga halkaasi.
Maamulka iskuulkaasi ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay la xeriiray si ay uga ashatakoodaan arinkaasi, balse ma jirto cid ilaa iyo haatan wax ka qabatay.

Meydka Askari ka tirsan ciidamada DF oo la arkay asaga oo gowracan
 Wararka ka imaanaya  deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi xalay lasoo dhigay Meydka Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaalaliya oo qoorta laga jaray.
Rag ka trsan Shabaab , ayaa habeenimda Xalay waxay gudaha u galeen deeganka Tiyeegloow , waxaana si toos ah ay u bartilmaameyd saden hoyga uu ka dagan yahay tuuladaas, ka dibna ay soo ka xeysteen meel meel fagaaro ahn ay kusoo gowraceen  sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.
Inkastoo magaca askarigan la shaacin, ayaa hadana waxaa la xaqiijiyay in Al-shabaab qoorta ay ka gooyeen ka dibna soo dhigeen meel banaan ah oo dadka ay u daawasho tagayaan.
“Qoorta ayaa laga soo gooyay jid ayaana la soo dhigay,haa dharka askarta ayuu xirnaa,”ayuu yiri Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aynu wax ka weydiinay sida ay wax u dheceen .
Shabaab, ayaa caado waxay u tahay inay qoorta ka jaran cid waliba oo ay u arkaan inay caqabad ku tahay siyaadooda , waxaana dhowr mar hore ay falala gowrac ah ay uga geyteen deegaano iyo degmooyin ka mid ah dalka .
Shabaab ayaan wali arintaas ka hadlin , sidoo kale saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Baay ayaan wali ka hadlin dhacdadaan .
Dadka deegaanka, ayaa arintaan waxay ka muujiyen baqdin xoogan , waxaana qof waliba uu kuu sheegayaa inay dareen cabsi leh soo foodsaartay dadka deegaanka.
Hosni Mubarak appears in court days after release
The former Egyptian President, Hosni Mubarak, has appeared in court, three days after being released from prison and placed under house arrest.
Mr Mubarak is facing a retrial on charges of complicity in the killing of protesters during the 2011 uprising.
He sat in the defendants' cage along with his two sons, former interior minister, and six security chiefs.
Earlier, the separate trial of the Muslim Brotherhood's general guide and his two deputies was adjourned.
The court convened briefly and made its decision because Mohammed Badie, Khairat al-Shater and Rashad Bayoumi were absent for security reasons.
Their presence was requested for the trial's resumption on 29 October.
The Brotherhood leaders face charges of inciting the murder of protesters who stormed the Islamist movement's headquarters in Cairo on 30 June as millions took to the streets demanding the resignation of Mr Mubarak's democratically elected successor, Mohammed Morsi.
Mr Morsi was deposed by the military three days later.
He is is being detained while prosecutors investigate allegations related to his escape from prison during the uprising that forced Mr Mubarak from power, including that he conspired with the Palestinian militant group Hamas.
==Shetland helicopter crash: Helicopter victim's bodies brought ashoreClockwise from top left: George Allison, Sarah Darnley, Gary McCrossan, Duncan Munro Four people died in the incident. Clockwise from top left: George Allison, 57, Sarah Darnley, 45, Duncan Munro, 46, Gary McCrossan, 59 Continue reading the main story
A passenger ferry carrying the bodies of three of the four victims of Friday night's helicopter crash off Shetland has docked at Aberdeen harbour.
The wreckage of the Super Puma is due to be brought ashore by a salvage vessel later.
Investigators are hoping to find out why the helicopter appeared to have such a sudden "catastrophic loss of power".
All companies operating Super Pumas in the North Sea have suspended services.
It is the fifth time in four years a Super Puma has come down in the North Sea - a safety record described by the Unite union as "unacceptable".
The salvage operation took place in thick mist in Quendale Bay, off the southern tip of Shetland, on Sunday.
The wreckage of the helicopter has been lifted onto the deck of the vessel Bibby Polaris which is due to arrive at a mainland port later.
It is hoped information on the helicopter's black box data recorder will help air accident investigators to establish the cause of the crash.
==Syria crisis: UN team poised to probe 'chemical attack'
A team of UN inspectors is due to visit the site of a suspected chemical weapons attack carried out on Wednesday near the Syrian capital Damascus.
The visit is going ahead after Syria's government agreed to a ceasefire.
However its decision to allow monitors to access the site has been met with scepticism by Western governments.
Meanwhile, Syrian President Bashar al-Assad has said any military intervention by the US would end in "failure".
He told the Russian newspaper Izvestia that Western leaders would not succeed in turning Syria into a puppet of the West.
The US says there is little doubt Syrian forces used chemical weapons in the attack, which reportedly killed 300 people. The government blames rebels.
A year ago, US President Barack Obama said the use of chemical weapons by the Syrian government would be "a red line" that could trigger US military action.
Washington has bolstered its naval presence in the eastern Mediterranean as it considers its options.
The suspected chemical strike occurred in the Ghouta area of eastern Damascus, which is under the control of rebels fighting to depose President Assad.
Government artillery and warplanes have pounded the area for days and the UN inspectors will have to pass through both government-held and rebel-controlled areas.
The rebels have said they will help facilitate the visit.
Monday's visit was negotiated by UN disarmament chief Angela Kane, a UN statement said. She arrived in Damascus on Saturday.
Free Syrian Army soldier in Ghouta, east Damascus The rebel Free Syrian Army controls areas of Ghouta in east Damascus
The 20-member UN inspection team has been in Syria since 18 August to look into three earlier suspected chemical attacks.
Correspondents say their mandate was to determine whether such weapons were used, not who was responsible for unleashing them, and there is no indication that the mission's brief has changed.
The BBC's Yolande Knell in Beirut says the work of the UN team is likely to involve taking soil, blood, urine and tissue samples for laboratory testing.
Syria is widely believed to possess large undeclared stockpiles of mustard gas and sarin nerve agent.
It is one of seven countries that have not joined the 1997 convention banning chemical weapons.
Even as Monday's visit was announced, Western officials cautioned that the delay in agreeing to it may have compromised any findings.
UK Foreign Secretary William Hague warned that evidence could have been tampered with, degraded or destroyed in the five days since the attack.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...