Sunday 4 August 2013

Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey (Sawirro)



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



IMG_8916
Kampala, 04 August 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa ku ammaanay Madaxweyne Yoweri Museveni doorkiisa hoggaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.
Shirkii Madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray war-murtiyeed.
Madaxdii shirkan ka soo qeybgashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale doorka AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa iyagana lagu ammaanay, lagana codsaday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib-u-habeynta socota u dhameystiri lahaayeen, iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahanyihiin.
War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada gaarsiiso dhammaan dalka oo dhan.
War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay in AMISOM iyo hay’adaha QM ay raashinka iyo qalabka ay u baahanyihiin ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo aan dibedda looga keenin.
War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in AMISOM ka shaqeyso sidii ciidamo isku dhaf ah loo geyn lahaa Kismaayo.
Madaxweynaha iyo wafdigii oo hoggaaminayey ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku soo laabtaan dalka.
IMG_8912 IMG_8924 IMG_8932 IMG_8934 IMG_8937 IMG_8939
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), ?Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, ?yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854 Twitter – @thevillasomalia – Facebook – The Villa Somalia (State House of Somalia)

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...