Tuesday 20 August 2013

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay Xariga SH Xasan Daahir Aweys

Comments (3) | Write Comment

cali maxamed geediNairobi{RBC Radio} R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xariga wadaad diimeedka SH Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda federaalka Soomaaliya,Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in hadii uu SH Xasan Daahir ka tanaasulo hawlihii lagu yaqaanay ay haboon tahay in la nabadgaliyo.
Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in hadii uu SH Xasan daahir Aweys ka tanaasuli fikradihii ku salaysnaa Shabaabnimada,Alqaaciddanimada,dowlad la dirirka iyo caalamka la dagaalamidda uuna ogolaado shuruudaha ay hordhigtay dowladda federaalka Soomaaliya inuu mudan yahay inaan wax dhibaato ah loo geysan.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi  ayaa ka codsaday  SH Xasan Daahir Aweys inuu ka laabto fikradihii ku salaysnaa Jihaadka sida uu yiri isla markaane uu cafis ka dalbado shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna dhanka kale ku booriyey shacabka in haduu SH Xasan uu cafis weydiisto iney iska cafiyaan.
Cali Maxamed Geedi ayaa carrabku ku adkeeyey in SH Xasan uu sharaf iyo Sumcad ku heli karo hadii uu ku dhawaaqo inuu ka leexday jidkii  dagaalka ee uu hayey sanadaha  badan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna xusay in bulshada Soomaaliyeed ay ka nasan lahayd dhibaatada Xasan Daahir hadii uu tanaasuli lahaa.
Dowladda federaalka Soomaaliya  oo gacanta ku haysa SH Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa raggii mudada badan kusoo jiray dagaalada ku salaysan Diiniga ayaan ilaa hadda wax go’aan ah ka gaarin waxa laga yeelayo arinka SH Xasan Daahir,waxaana socday kulamo iyo dadaalo lagu doonayo in SH Xasan lagu sii daayo.




RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...