Monday 19 August 2013

Qarax goor dhawed ka dhacay magaaladda Kismaayo


Magaaladda Kismaayo
Magaaladda Kismaayo
Kismaayo[RBC Radio]Wararka ka imaanay magaaladda Kismaayo ee saldhigga uu ah maamulka Jubbaland ayaa soo sheegaya in halkaasi uu gor dhawed qarax ka dhacay.
Qaraxaan ayaa la sheegey inuu ahaa nooca dhulka lugu aaso kaaso ka mid ah sida la xaqiijiyey miinooyin la sheegey inay ku aasan yihiin qeybo ka mid ah magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Miinaadan ayaa la sheegey inay la kacdey ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland kuwaaso xiliga ay qaraxdey miinadu la socdey baabuur nooca Soomaalidu utaqaano Toyoto Surf,waxana la socdey tiro ka mid ah ciidamada ammaanka Kismaayo.
Gaariga ay lasocdeen ciidamada ee ay maantey miinadu la qaraxdey ayaa marayey xiligii uu qarxayey la kacay aga-gaarka masjidka Xaajji Jaamac kaaso ka agdhow suuqa Kismaayo.
Sidoo kale wararka laga helayo khasaaraha uu qaraxan geestey ayaa la sheegey in ay ku dhaawacmeen 5-ka mid ah ciidamada la socdey gaariga,walow aysan cadden khasaaraha dhabta ah ee qaraxaan nooca meelaha fog laga haggo ah u geestey.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland ayaa markiiba goobta soo garey iyagoona wali wada howlo ay ku baadi goobayan sidii uu qaraxan u dhacay iyo cida lugu tohmi karo.
Dhawaan ayey ahyed markii magaaladda Kismaayo qarax nooca dhulka lagaliyo ah lala egtey gaari uu watey mid ka mid ah salaadinta gobollada.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...