Sunday 4 August 2013

Muqdisho: Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho, Loona adeegsadey qaab cusub oo ka bedelan qaababkii hore.


August 5, 2013 12:54 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor
Print Print

Muqdisho: (pp)- Qaraxayo isxigxigay ayaa xalay waxay si la yaab leh uga dhacayeen deegaano ku yaal Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo argagax iyo khasaare ku reebay dadka ku nool goobaha la qarxiyey.
Illaa iyo iminka inta la xaqiijiyay in ka badan 10 qarax ayaa maqribnimadii xalay waxay ka dheceen isgoysyada ay ka mid yihiin Ex-Koontarool Afgooye,Six piano, Taleex,Shaqalaaha,Isgoyska Banaadir,Dabka,Agaarka Jaamacada,Agagaarka siliga Amerikanka iyo Agagaarka Dekedda Muqdisho.
Qaraxyadan oo ah kuwo aan ku cusbeyn Muqdisho inay ka dhacaan balse ay la yaab ku noqotey dadweynaha qaabka ay uga dhacayeen qaraxyadii xalay, kuwaas oo la sheegey inay ahaayeen kuwo loo isticmaalayey in laga soo dhex tuuro Gawaari nooca raaxada ah oo magaalada kooxaha qaraxyada ridayey ay ku dhex marayeen , iyaga oo hadba wadooyinka iyo goobaha ay baabuurtaas mareyso laga soo tuurayey bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah, waana mid ku cusub sheekadani Muqdisho iyo Guud ahaan Somalia.
Khasaare dhaawacyo u badan ayay geysteen qaraxyada lagu silsilada ahaa ee xalay ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey dadka ku dhaawacmey oo ahaa kuwo ka agdhawaa goobihii ay qaraxyada ku tuurayeen kooxihii gawaarida watey ee qaraxyada kasoo dhex tuurayey Isbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho.
Dadka Muqdisho ku nool ayay ku noqotey waa cusub oo ah fashilka xaga amaanka magaalada ee Muqdisho oo ay ku guul dareysatey Dowlada Federaalku inay wax ka qabato, iyadoo ay caadeysteen Madaxda iyo Saraakiisha Dowlada Federalka  inay warbaahinta ka sheegtaan gacan ku haynta Muqdisho oo hada la aaminsan yahay inay xaqiiqo noqotey 3 KM ee la sheegi jirey inay ku uruursan tahay DF oo aysan Muqdisho maamulin.
Puntlandpost.com
Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...