Saturday 24 August 2013

Kooxo Hubaysan oo Muqdisho ku toogtay mid kamid ah Ergadii Saxiixday Dastuurka Soomaaliya


bistooloMuqdisho{RBC Radio} Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku toogtay mid kamid ahaa Ergadii Saxiixday Dastuurka Soomaaliya,rag bistoolado  ku hubaysan ayaa rasaas la dhacay Suldaan Amiin Cali Muumin oo ka tirsanaa Ergadii saxiixay Dastuurka dalka.
Suldaan ayaa waxaa la tilmaamay in la toogtay xilli uu kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley ,waxaana la tilmaamat in dhalinyaro Bistoolado ku hubaysnaa oo in muddo ah ku sugayey ilinka hoygiisa ay rasaas madaxa kale dheceen,Nabadoon Maxamed Bashiir oo ka mid ah ergadii  Dastuurka Saxiixday ee ay wada shaqeeyeen marxuumka ayaa waxa uu sheegay in Alla ha u naxariistee Suldaan Muumin la dilay xilli sida uu sheegay uu kasoo laabtay Ciyaar Saaxiibtinimo ee Olombikada ah.
Wuxuuna sheegay in ragga dilka geystay ay inta aysan toogan ay weydiiyeen inuu yahay Suldaan Amiin Cali Muumin, wuxuuna intaa raaciyey in Marxuumku uu isaga oo aan shakin ugu jawaabay haa kadibne ay rasaas ku bilaabeen taasoo ka haleeshay madaxa iyo qoorta.
Nabadoon Bashiir ayaa tilmaamay in Suldaanka  dhaacaw ahaan Cisbitaalka loogu qaaday balse nasiib xumo  uu naf baxay markii Saallada la saaray,ragii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyaga oo bad-qaba,dilkan ayaa qayb ka noqonaya dilalka qorsheysan ee ay Muqdisho ka geystaan kooxaha aan haybtooda la aqoon.
Marxuum Suldaan Amiin Cali Muumin ayaa kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano degmada Dharkeynlay waxaana uu ahaa gudoomiyaha gudiga Olombikada degmadaas.



RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...