Friday 16 August 2013

Dowladda Norway oo sheegtay iney ka xun tahay go’aanka MSF ay ku joojisay hawlihii caafimaad ee ay Soomaaliya ka waday


norwayNorway{RBC} Dowladda dalka Norway ayaa  muujisay sida ay uga xun tahay tallaabadii ay hay’adda gargaarka Caafimaadka MSF gabi ahaanba ku joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka waday gudaha Soomaaliya 20kii sano ee u danbeeyey.
Heikki Eidsvoll Holmås Wasiirka iskaashiga caalamiga ee dalka Norway ayaa sheegay in go’aanka hay’adda Caafimaadka  MSF ay ku joojisay howlihii caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya uu yahay mid laga murugoodo oo aan habooneen.
Heikki Eidsvoll Holmås ayaa tilmaamay in la sugayey in hay’addu ay qaadato go’aan nuucan ah maadaama ay sii kordheen dilalka.afduubka,boobka iyo tacadiyada kale ee Soomaaliya loogu geysanayo hay’adda iyo shaqaalaheeda.
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Norway Heikki Eidsvoll Holmås ayaa carrabka ku dhuftay in go’aanka ay dhammaan gobolada dalka Soomaaliya ku faarujisay hay’adda MSF uu muujinayo dhibaatada baaxada leh ee ay ku shaqaynayeen shaqaalaha Hay’adda.
Heikki Eidsvoll Holmås ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira gobolada qaar ee dalka iney dammaanad qaadaan nabadgalyada shaqaalaha gargaarka si gurmad loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.
Kadib markii ay hay’adda MSF ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka waday gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamulada dalk iyo dowladda federaalka oo dhammaantood walaac ka muujiyey.








RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...