Friday 23 August 2013

DEG DEG:Wada-hadallkii DFS iyo Jubbaland oo qoddobo lugu heshiyey


WAR-HADA-SOO-DHACAY-RBC13
Addis Ababa [RBC Radio]Warar goor dhawed anuu ka heleno shir magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ugu socdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa soo sheegaya in qoddobo la isku diidana,xiligaan la isla gartey goor dhowna qalinka lugu duugi doono.
Wada-hadallada dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland oo saacadihii la soodhafey la isku mari la’aa qodobo labadda dhinac ay is hor dhigaan ayaa xiligaan waxaa la soo sheegaya in qoddobadaasi lugu heshiiyey.
Illaa hadda lama xaqiijin ciida wax katanasushey iyo habka xalka ay labadda dhinac ugaaren oo ay u heshiiyeyu,balse illo xogagaal ah ayaa caddeyey inay labadda nican ay gaaren heshiis rasmi ah oo ay ku soo afjareen khilaafkii dhexyaaley dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland.
Wararka ay Raxanreeb.com ka heleyso Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo ah halka uu ka socdo wada-hadallka u dhaxeeya dowladda faderaalka iyo Jubbaland,ayaa waxaa ay xaqiijinayan inay labada dhinac isla garteen oo ay saacadaha soo sacdo qalinka ku duugi doonan qoddobo ay horey labada dhinac isku diidanaayen,kuwaaso ah kuwaa hoos ku qoran.
Hoos ka aqri qoddobada illaa hadda lugu heshiiyey.
Ergada uga qeyb galey wada-hadalka dhanka dowladda faderaalka Soomaaliya
Ergada uga qeyb galey wada-hadalka dhanka dowladda faderaalka Soomaaliya
1. In magaca maamulku noqdo Jubbaland State of Somalia.
2.In Dowladda Soomaaliya ay si buuxda u aqoonsatay natiijadii shirkii Kismaayo oo ah Dowlad Goboleedka Jubba Land.
3. In Dowladdu goobjoog ka ahaato dhamaystirka qaybaha harsan ee maamulka.
4. In Madaxweynaha Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa lagu soo doortay waddo sharci ah.
5. In dowladda dhexe ay maamulka Jubba Land ka hesho xuquuqaha uu dastuurku u banaynaayo.
6. In maamulka Jubbaland uu dowladda dhexe ka helo dhamaan xuqaaqaha uu siinaayo dastuurka dalka.
Saacadaha nasoo aadan ayaa lugu wadaa inay labada dhinac soo bandhigaan qoraal faah faahsan oo ay ku bidhaaminayaan heshiska ay gaaren.
Wada-hadallka dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa bilowdey 19-bisha anuu ku gudo jirno ee Aug,waxaana garwadeen ka ah dalalka ku mideysan Urur goboleedka IGAD.
Wixii war ah ee soo kordha kala soco Raxanreeb.com.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...