Wednesday 28 August 2013

DEG DEG:Wada-hadalladi kasocdey Addis Ababa oo heshiiskii la isla gaarey la saxiixey iyo maamulka Jubbaland oo KMG noqondona loona bixiyey Jubba.


Axmed Madoobe iyo Faarax Cabduqaadir oo sixiixi heshiiska kala qaatey
Axmed Madoobe iyo Faarax Cabduqaadir oo sixiixi heshiiska kala qaatey
Addis Ababa [RBC Radio]Waxaa si buuxdda loo saxiixey heshiis ay gaaren dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkii Jubbaland oo xiligana loo bixiyey maamulka Jubba.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee horey loo oran jirey Jubbaland ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku gaaray heshiis soo afjaray isfaham-waa u dhaxeeyay labada dhinac.
Labada dhinac heshiiska ay gaaren waxaa ku jira sameynta maamul ku-meel-gaar ah oo labo sano ah oo uu hoggaamiye ka noqonayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo maamulkana lagu magacaabi doonaa Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba.
Dekedda iyo garoonka diyaarada waxaa maamuli doona maamulka ku-meelka ah ee Jubba muddo ku eg lix bilood, kaddibna dowladda ayaa soo magacaabeysa maamul cusub.
Ergada Jubbaland ee wada-hadalka
Ergada Jubbaland ee wada-hadalka
Sidoo kale waxaa la isla gartey in in ciidamada maamulkii Jubba ee ku sugan Kismaayo la qarameeyo iyo in maamulkan oo ah mid KMG ah uu jiro muddo laba sano ah, kaddibna la sameeyo maamul rasmi ah oo gobolladaas ay yeeshaan.
Waxaa iyaguu heshiiska kadib warbaahinta lahadley Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Cabduqaadir oo isagu heshiiska u saxiixey dowladda iyo Axmed Madoobe oo isna dhinaciisa saxiixey heshiiska,waxana ay labadooduba si cadd u sheegen inay ku farxsanyihiin heshiiskan ay gaaren.
Sidoo kale qoddobada waxaa ay dhigayaan in Sheekh Axmed Madoobe uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha saddexda gobola ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo, lana dhiso guddi sida baarlamaan oo kale u shaqeynaya.
Faarax Cabduqaadir wasiiru-dowlaha madaxtooyada oo horkacaya wafdiga dowladda federaalka ah u saxiixaya heshiiska ayaa tilmamay in hehsiiska maanta uu billow u yahay tallaabo cusub oo dhinaca nabadda ah.
Axmed Madoobe ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay dhismaha hannaan federaal ah oo xooggan oo ka dhaqangala Soomaaliya.
Si kasta oo ay noqotaba dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa wada-hadall muddo socdey kadib waxaa ay si buuxdda u aqoonsatey maamulka Jubbaland oo xiligaan lo bixiyey magaca maamulka KMG ah ee Jubba.
______________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...