Sunday 4 August 2013

DEG DEG: Qaraxyo Silsilado ah iyo rasaas daba socota oo Caawa laga Maqlayo inta badan Xaafadaha magaalada Muqdisho



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



raxanreeb deg degMuqdisho(RBC  Radio) Jawiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa caawa ka bedelan sidii uu ahaa habeenadii u danbeeyey,wixii ka danbeeyey Afurkii galabta waxaa mar qura isbedelay Jawiga magaalada waxaana meel walba oo magaalada kamid ah laga maqlayaa Qaraxyo sidaba joog ah.
Qaraxyada oo bilowday xiligii Afurka ayaa waxa ay kasoo bilowdeen dhanka wadada Ex.Koontarool Afgooye,qaraxyada ayaa sidoo kale laga maqlay degmooyin ay kamid yihiin Hodan, Dharkeynley, Waaberi, Xamar Weyne iyo Xamar jajab iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Qaraxyada oo ah kuwa silsilad ah ayaa waxaa daba socda rasaas culus oo laga maqlayo goobaha ay ka dhaceen,Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa inoo sheegay iney qaadeen hal ruux oo  ku dhaawacmay qarax ka dhacay  Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaraxyadan iyo waxa ay yihiin balse dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobaha ay qaraxyadu ka dheceen ayaa sheegaya in qaraxyadu ay yihiin bambaanooyinka gacanta laga tuuro,goobjooge ku sugnaa Wadada Shaqaalaha oo uu qarax ka dhacay ayaa ku waramay in qaraxaas uu ahaa bam gacmeed isla markaane laga soo tuuray gaari nuuca raaxada ah,wuxuuna intaa ku daray in ciidankii goobta ku sugaa ay gacanta kusoo dhigeen gaariga qaraxa laga soo tuuray iyo Labo ruux oo saarnayd.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa caawa goor hore guryahooda ku xarooday,waxaana sidoo kale albaabada loo laabay goobihii ganacsiga ee xiliyada habeenkii ah laga dukaameysan jiray,shacabka ayaa caawa dareen waxaana lasoo gudboonaatay cabsi iyo wel wel la xiriirta qaraxyada Silsiladaha ah ee caawa laga maqlayo magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxyadan,mana cadda nuuca ay yihiin qaraxyadani oo dadka qaar ay sheegayaan iney yihiin Hoobiyaal magaalada loo qaybiyey,arintan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili uu xalay Kormeer ku maray Isgoysyada muhimka ah ee magaalada R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon saacid.
wixii kusoo kordha qaraxyadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasha kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio
Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...