Tuesday 6 August 2013

Alshabaab oo xalay weerar ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



baydhabo1Baydhabo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baudhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay ay magaaladaas dagaal ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa Alshabaab,dagaalka oo dhacay xalay ayaa waxa ay ku beegsadeen fariisin ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen xaafadda Suuqa Balka ee magaalada Baydhabo.
Dagaal in muddo ah socday ayaa halkaa ku dhexmarayt alshabaabkii dagaalka soo qaaday iyo ciidamadii dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu weeraray fariisinkooda,lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas oo qalqal iyo walaac badan ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa ciidanka Madaniga ee suga amniga magaaladaas ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas,isla markaane ay ciidamadu dib iskaga caabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa xiliyadii u danbeeyey kusoo noqnoqonayey dagaalada ay magaalada ka geysanayaan ciidamo abaabulan oo ka tirsan alshabaab,amniga Baydhabo ayaa u muuqday mid ka duwan sidii hore tan iyo markii ay ka bexeen ciidamadii Ethiopia ee gacanta ku hayey magaaladaasi.
Alshabaab oo lagu yaqaano iney guulo ka sheegtaan dagaalada ay la galaan ciidamada dowladda iyo kaabaya ee AMISOM ayaan ilaa hada wax war ah oo ku saabsan dagaalkan uusan kasoo bixin.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...