Tuesday 6 August 2013

Akhriso: Khudbadii Musharxnimada Madaxweynaha Puntland Dr Cabdweli Cali Gaas



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Musharaxnimada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas                August 5, 2013
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Waxaan salaan iyo bogaadin u jeedinayaa dadweynaha Puntland meel kasta oo ay joogaan, waxaan rajaynayaa in ay sannadka sannadkiisa kale ay ku gaaraan nabadgelyo, wadajir, horumar, iyo dawladnimadooda oo horumarta, hanaqaada.
Mudanayaal iyo marwooyin, sida aad la socotaan waxaan sanadkii la soo dhaafay socdaal ku kala bixiyey meelo badan oo ka mid ah Puntland inkastoo aysan ii suurtagalin in aan booqdo meela kale oo ka mid ah Puntland duruufo jira awgood. Booqashadaydu waxay ku salaysnayd u kuurgalid xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland iyo sida wax looga qaban karo. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadweynihii sida wanaagsan ii soo dhaweeyey iilana qaybsaday dareenkooda iyo fikirkooda ku aadan horumarka iyo mustaqbalka Puntland. Socdaalkaas kadib waxaan soo saaray warbixin waafi ah oon ku cabirayey dareenka dadka reer Puntland, warbixintaas oo aan islahaa waxay ka hufnayd rabitaan iyo aragti shaqsi ah.
Waxaan sidoo kale socdaal dheer ku soo maray wadamo badan oo dibeda ah, waxaanan la kulmay qurbajoog tira badan oo reer Puntland ah iskuna dhaafsanay aaraa iyo fikrado ku saabsan xaqiiqada jirta iyo sida Puntland loo gaarsiin karo horumar la taaban karo oo wax-ku-ool  u ah dadweynaha reer Puntland.
Walaalayaal, waxaa nasiib wanaag ah in Puntland ay maanta 15 jirsatay.  Waxaa iyana guul ah in ay Puntland ay tahay nabad kuna talaabsatay horumar la taaban karo iyadoo ay la soo darseen caqabado iyo duruufo adag. Waxaa iyana hubaal ah in wax badan dhiman yihiin loona baahanyahay in loo tafaxayto sidii Puntland looga qaadi lahaa meesha ay hadda joogto loona gaarsiin lahaa meesha aynu wada aaminsanahay in ay istaahisho. Waxaa marag madoonto ah in isimada, dhaqanka, iyo dadweynaha Puntland u dabar adaygeen duruufo qalafsan iyagoo mar walba niyadda ku hayay, ilaalinayayna jiritaanka iyo wadajirka Puntland.
Waxaa lagama maarmaan ah in laga dhabeeyo himilada dadka reer Puntland iyo hamuunta ay u qabaan Puntland oo wadajirta, mid ah, nabad ah, qaadana dhabihii ay ku gaari lahayd horumar dhab ah.  Tani waxay u baahantahay in aan garowsano in Puntland maanta u baahantahay isbedel siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo in aan hoos u eegno xaaladda dhabta ah ee Puntland ay maanta ku sugantahay iyadoo laga dheeraanayo wax kasta oo dhibi kara Puntland-ta aynu wada jecelnahay, ishana lagu hayo danta guud, lagana dheeraado raadinta maslaxado gaar ah.
Waxaan wada ogsoonahay in Puntland ay soo martay marxalado siyaasadeed oo kala duwan tan iyo markii la asaasay shan iyo toban sano ka hor. Maamuladii kala duwanaa ee soo hagay Puntland mudadaas aan kor ku soo xusay waxay intii tabartooda ah ku dadaaleen in ay Puntland garsiiyaan horumar waxayna mudan yihiin in looga mahadnaqo dadaalkooda iyo hogaamintooda. Waxay dad badan oo reer Puntland ah dareemayaan in wax badan dhimanyihiin oo aanay isu dhigmin xilligii Puntland la aasaasay iyo horumarka ilaa iyo hadda la tiigsaday. Waxaa aniga iyo dad badaniba aad uga xunahay in dadkii Puntland wada dhistay ay maanta kala maqanyihiin. Aniga aragtidayda, kala-maqnaashaha dadku wuxuu ka daranyahay kala-maqnaashaha dhuleed.
Xukuumadihii Puntland soo maray mid walba waxaa loo igmaday shaqo mucayin ah (mandate). Waxaana lagula xisaabtamayey Xukuumad walba sidii ay u gudato waajibaadkii loo igmaday. Shacabka nabdda jecel, oo samirka badan ee reer Puntland, markale waxaa ina soo wajahday wakhtigii ay qiimeyn lahaayeen si wadajir ahna, ayaga iyo issimadu u soo xuli lahaayeen Baarlamaan tayadiisu sareyso, soona doorta Madaxdii hogaamin lahayd Puntland 5ta sano ee soo socota.
Mudanayaal iyo marwooyin, Puntland waa deegaan qani ah, oo ay u dhan yihiin shuruudaha horumarka aasaaska u ah sida: Dhul mug leh, Dad u heelan dhismiihiisa iyo Kheyraad dabiici ah ee u baahan siyaasad miisaaman ee lagu diyaariyo horumarkaas
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan muddo dheer ka shaqaynayey sidii Soomaaliya dib ula soo laaban lahayd qaranimadeedii iyo karaamadeedii, waxaanan si hagar la’aan ah uga shaqeeyey maslaxadda iyo danaha shacbiga soomaaliyeed. Mar walba maslaxadda Puntland kama marnayn dadaalkaas aan beesha caalamka ku fahamsiinayey in ay garab istaagaan Soomaaliya. Waxaad markhaati ka tihiin in dadaalkaas mirihiiisii aan maanta wada aragno. 
Walaalayaal, in badan oo shacabka reer Puntland ihi iyagoo jooga dibed iyo gudaba waxay ila qaybsadeen dareenkooda ku aadan marxaladda ay maanta ku sugantahay Puntland. Waxay walaac badan ka muujiyeen dhibaatooyinka isasootarayey ee dhaqaale, siyaasadeed, nabadgelyo iyo ijtimaaci intaba.
Waxay walwal ka muujiyeen kala furfurashada ku timid mujtamicii wada dhistay Puntland loona baahanyahay in la isu soo celiyo, inta maqan la baadi goobo, inta wadajoogtana la xajiyo midnimadooda.
Waxay ila qaybsadeen aragtidooda ku aadan hoos-u-dhaca dhaqaale ee ku yimid Puntland iyo saamaynta uu ku yeeshay danyarta, shaqaalaha dawladda, iyo naftooda hurayaasha ilaaliya ammaanka Puntland.
Waxay dareenkooda si waafi ah ku cabireen sida Puntland ugu baahanyahay yagleelida mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada iyo in la dardargaliyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaale iyo abuurista hay’ado wax soo saar oo saldhig u noqda shaqo abuuris iyo horumar bulsho.
Mudanayaal iyo marwooyin, markii aan tixgaliyey baahiyaha aan kor ku soo xusay,
Markaan qadariyey rabitaanka shacbiga Puntland ay u qabaan isbedel kaamil ah, waafi ah oo dhinac walbaa, mid siyaasadeed, dhaqaale, iyo ijtimaaciba
Markaan eegay khibradayda siyaasadeed iyo aqoontayda arrimaha dhaqaalaha
Markaan tixgaliyey codsiyo tira badan oo iiga imaanayey bulshaweynta Puntland iyagoo quudaraynaya in aan wax ka badali karo hanaanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland ku sugantahay, iyagoo dabcan ka shidaal qaadanaya isbedelkii mugga lahaa ee aan ka suubinay dawladda Soomaaliyeed,
Waxaan go’aansaday in aan isu soo taago tartanka madaxweynanimo ee Puntland ee bisha January horaanteeda 2014.  
Puntland maanta waxay diyaar u tahay hogaan DEMOQRAADI ah, TALO WADAAG ah, DANTA GUUD ka  hormariya DANTA GAARKA ah.
Puntland waa hooyada Soomaaliya. Waa hogaanka Soomaaliya. Waa abuurka Federalismka iyo Dimoqraadiyadda. Saldhig waxaa Soomaali u ah Dastuurka aan wadajirka u qoranay. Ku dhaqankiisa iyo hirgelintiisa cidna marti looga noqon maayo.
Waxaan rajaynayaa in sannadka soo socda aan ku gaarno wadajir, nabadgelyo, iyo horumar, iyo dawladnimadeena iyo dimuqraadiyadeena oo horumarta siina bulaasha. 

____________________
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...