Monday 19 August 2013

2-Cali Oo Loo Digay:Gudoomiyaha Ururka Hawiye-Action-Group Ahna Afhayeenka Dawladda Federaalka Oo Dingniintan Ka Soo Yeertay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 19 August 2013 10:59

2-Cali oo loo digay:Gudoomiyaha Ururka Hawiye-Action-Group ahna Afhayeenka Dawladda Federaalka oo dingniintan ka soo yeertay

Gudoomiyaha Ururka HAG ahna afhayeenka Dawladda Federaalka  Eng. Cabdi Raxmaan Yariisoow ayaa waxa uu digniin u ah ragga ugu fir-fircoon kooxda loogu magaca daray qaswadayaasha ee saldhigoodu yahay dalka Kenya isaga oo si gaar ah u xusay Cali Khaliif Galer iyo Cali Maxamed Geedi oo labaduba dowlada si bareer ah ugu eedeeyay in ay argagaxiso lug kuleedahay.

“Waxa aan digniin u dirayaa Cali Khaliif iyo Cali Geedi oo doonaya in ay khal-khal geliyaan hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.waxa aan leeyahay ka joogsada wadooyinka qaldan. Galeyr waxa uu ku fashilmay siyaasada dalka waxa uuna doonayaa in uu fowda wax ku raadiyo. Waxa uu u tartamay gudoomiye baarlamaan waana laga guuleestay.
Waxa ay aheyd in uu afarta sano ee dowlada Sharciyada lasiiyay la shaqeeyo”, Yariisoow ayaa ku waramay.

Sidoo kale Afhayeenka dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dalbaday Cali Khaliif in uu soo cadeeyo eedeyma halis ah oo ahaa in madaxweynaha dalku uu xariir kala leeyahay arinta Jubooyinka kooxda Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Lama oga sida laba Cali ay ugu hogaansami karaan digniinta dowlada Soomaaliya kasoo yeertay inkasta oo dowladu aysan sheegin waxa ay muteysa karaan hadii aysan digniintaasi qaadan.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Monday, 19 August 2013 14:53

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...