Sunday 28 July 2013

Waddo casri ah oo Turkigu Muqdisho ka dhisayo oo maanta xariga laga jaray


laamiMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray dib u dhis lagu samaynayo wadada xiriirisa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Isgoyska km4 ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Mashruucan oo ay fulinayso Dowladda Turkiga ayaa waxaa loogu tala galay in waddo Casri ah laga dhiso 23km sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Yuusuf,wuxuuna intaa ku daray iney tallaabadani ka danbeysan heshiis ay kala saxiixdeen dowlada hoose ee Muqdisho iyo Istanbuul kaasoo lagu Mataaneynayo labadani magaalo.
Maxamed Yuusuf Cismaan  ayaa sheegay in Turkigu uu hore u ballan qaaday inuu qayb weyn ka qaadan doono dib u dhiska magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay iney dhawaan magaalada dib uga hirgalin doonaan Samaafarayaasha lagu xiro Isgoysyada ee kala haga isu socodka gaadiidka wadooyinka magaalada.
R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon saacid oo hadal kooban ka jeediyey madasha xariga uu uga jaray dhismaha wadadan cusub ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha wadadan,R/wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in guud ahaan waddooyinka dalka ee burbursan  dhammaantood dib u dhis lagu sameeyo waqtiga dhow.
Wuxuuna ka dhawaajiyey iney ka go’an tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha Turkiga iney soo celiso bilicdii dalka,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in iyaga oo la dagaalamaya cadowga Soomaaliya ee alshabaab ay hadane dhisi doonaan dalka sida uu hadalka u yiri R/wasaare Saacid.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...