Wednesday 31 July 2013

Kooxo hubeysan oo Baladweyn ku dilay afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan


raxanreeb 1
Baladweyne[RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in halkaa lugu diley afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Dilkaan ayaa sida ay Raxanreeb.com u xaqiijiyen dad goobta uu dilka ka dhacay ka agdhawa waxaa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne,waxana geestey saddex nin oo bistoolado ku hubeysan.
Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo lugudiley Baladwene ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cilmi Ibraahim,illa iyo haddana lama xaqiijin sababta iyo cidda ka dambeysa dilka afhayeenka.
Wax war ah wali kama aysan soo sarin dilkaafhayeenka maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakisha AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Baladweyn,arrintaan ayaa waxaa ay ka dhigeysa inuu wali Baladweyne ka socoto dilalka qorsheysan ee ka dhaca goobo ka mid ah dalka.
Horaanti bishaan anuu ku guda jirno ayaa waxaa guddaha magaaladda Baladweyne lugu diley guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee maxkamadda magaaladaas, Macallin Xasan Cilmi Ciyow,kaaso xiligaan dilkiisa loo hayo dhowr qof.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...