Wednesday 31 July 2013

Askari Nabadsugid ah oo xaley la diley

Askari ka tirsan Nabadsugida oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
Askari ka tirsan ciidamada nabadsugida ayaa xalay lagu dilay degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley, kaasoo rag bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen Xaafada Xararyaale.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka askarigan oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha Nabadsugida.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxo bastoolado ku hubeysan ay dileen, kadibna ay baxsadeen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dilal qorsheysan ay ka dhacayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Ammaanka ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, iyadoo maalmo ka hor ay ka dhaceen magaalada Muqdisho qaraxyo.


Somali news leader 
www.jowhar.com 
golfyare@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...