Thursday 6 June 2013

Somalia - Wararka Maanta

Syria conflict: US condemns siege of Qusair
The US has condemned the Syrian military's attack on Qusair, a strategic town over which it gained control after a bloody siege.
The White House also called on Iran and its Lebanese ally Hezbollah to withdraw fighters from Syria, where they have been helping government troops.
A BBC team that visited Qusair found that it was in ruins.
Meanwhile, France said growing proof of chemical weapons use in Syria "obliges the international community to act".
However, President Francois Hollande cautioned: "We can only act within the framework of international law".
He spoke hours after Syrian government forces retook full control of Qusair, after fierce fighting lasting some three weeks.
--Mali army clashes with separatist MNLA rebels
Malian soldiers have clashed with secular separatist Tuareg fighters near the northern town of Kidal, army and rebel spokesmen have told the BBC.
Kidal has been held by the National Movement for the Liberation of Azawad (MNLA) since February, when Islamist militants fled the city.
The MNLA was allied to the Islamist groups when they seized control of the north together in April 2012.
But it fell out with them and backed a French-led offensive to oust them.

It is the first time the Malian army has fought against the Tuareg separatists since France intervened militarily in January.
Correspondents say the Malian army is keen to make sure Kidal, which is in the far north of Mali, near the Algerian border, is under full government control before the presidential election on 28 July.
The separatists have said they will not allow the Malian authorities into Kidal ahead of the poll.
The BBC's West Africa correspondent, Thomas Fessy, says the push by the Malian army came after talks had resumed between the MNLA and the transitional authorities in neighbouring Burkina Faso.
France has so far kept the Malian army away from Kidal fearing that clashes with the MNLA could spark ethnic attacks not only in that city, but throughout northern Mali, he adds.
---Turkey PM Erdogan set to return as protests continueLatest
 Prime Minister Recep Tayyip Erdogan is to return to Turkey as mass protests against his government continue.
Mr Erdogan has completed a three-day tour of North Africa as demonstrators turned out in Ankara and other cities, many calling for him to quit.
The demonstrations spread after police cracked down on protests over the redevelopment of an Istanbul park.
Mr Erdogan has called the protests undemocratic, though his deputy has apologised for police violence.
On Wednesday, as protesters thronged Istanbul's Taksim Square for a sixth straight day, activists called for the police chiefs of affected cities to be dismissed.

In the capital, Ankara, police used tear gas and water cannon to disperse crowds after protesters erected barricades and set them on fire.
At least two people have been killed in the unrest and thousands have been injured since the protests began on Friday - including hundreds of police officers.


Ninkii Soomaaliga ahaa ee Dhagaxa lagu dulay Walaalkiis oo ka hadlaya Sida ay Dhacdada u Dhacday.
Nin ay walaalo yihiin marxuumkii ay dhawaantaan burcada South Africanka ay dhagaxa ku dilaan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka waramay sida ay wax u dhaceen iyo habkii loo dilay walaalkiis.
Ciise Axmed Good aa ah nin ay walaalo ahaayeen marxuumiin Cabdi Axmed Good oo ay dhawaantaan si arxan daro ah ay u dileen burcad reer South African ah oo si naxariis daro ah ugu dilay dhagax ayaa waxaa uu ka waramay sida ay wax u dhaceen, Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay in dukaankooda lagu soo weeraray asaga iyo laba walaalihiis ah oo uu mid yahay marxuumka dhintay ka dibna ay goobtaas ka baxsadeen iyadoona dukaankii gebi ahaantiisa la bililiqeystay, Laakiin ay maalin kadib ku soo noqdeen dukaankooda si ay agu rartaan wixii u badbaaday taas oo mar kalena lagu soo weeraray halkaas ka dibna ay si dirqi ah kaga badbaadeen asaga iyo walaalkiis kale halka mid kale oo walaalihiis kalena oo ah Cabdi Axmed Goob uu u gacan galay ragaas oo si xuna oo naxariis daro ah ay nafta uga qaadeen.
Ugu dambeyntiina iyadoo sida uu ninkaas sheegay ay walaalkiis dileen dad arxan laawayaal ah islamarkaana uu ku tilmaamay in si uusan waligii arkin loo jirdilay oo aanan la dhihi karin xataa inay dad u geysteen waxa ku dhacay walaalkiis oo lagu tilmaami karo inay cuneen bahalo markla la arko muuqiisa ayaa arintaan waxay tahay mid wax caadi ah ka noqotey Soomaalida ku nool dalka South Africa oo ah kuwo mar walba maalkooda iyo naftoodaba la iska xalaalaysto
Faah faahin Dab xoogan oo la qabadsiiyey dugsi caruurta Soomaalida wax lagu baro oo ku yaala London.
 Masjid iyo xarun wax lagu baro caruurta oo ku taal waqooyiga magaalada London oo ay isticmaalaan jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaladaas ayaa waxaa la sheegay inuu dab la qabsiiyey oo ayna dambas noqotey.
Xaruntaan oo ka koobneyd iskool wax lagu baro caruurta iyo masaajid kuna taala halka lagu magacaabo Muswell Hill ee waqooyiga magaalada London ayaa gebi ahaanba dabmas noqotey ka dib markii uu ka kacay dab la filaayo in la qabadsiiyey xaruntaas, dabkaan oo ahaa mid weyn ayaa waxaa ka qeyb qaatey damintiisa ilaa iyo 6 baabuur oo damdamis iyo ilaa iyo35 qofood oo ahaa shaqaalaha dabdamiska, booliiska oo arintaas wali ku hayo baaritaan ayaa waxay wararku sheegayaan in lagu arkay darbiyada masaajidka xaruntaas qoraalo cusub oo ah ereyo ay ka mid yihiin EDL ( English Defence League) oo ah magaca loogu yeero kooxaha cunsuriyayaasha ee dalkaas Ingiriiska arintaas oo ay dad badana u qaateen inay qolooyinkaas cunsuriyayasha ah ay ka dambeeyeen falkaas iyadoona wixii ka dambeeyey falkii dhawaantaan ay 2 nin oo muslim xag jir ah ay ku dileen askari u dhashay dalkaas Ingiriiska uu soo badanaayey weerarada lagu haayey dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Ingiriiska.

Ugu dambeyntiina iyadoo dhab ahaan aan loo xaqiijin inay falkaas ka dambeeyaan kooxahaas cunsuriyiinta ah laakiinse uu jiro shaki weyn oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshahooda arintaas islamarkaana uu socdo baaritaan ku saabsan arintaas, ayaa duqa magaalada London ninka lagu magacaabo Boris Johnson waxaa uu sheegay inuu ka naxay marka uu soo gaarey warkaas asagoo sidoo kale sheegay inaysan cunsurinimo meelna uga banaaneyn magaalada London, Moxamed Elbi oo ka mid ah Soomaalida ku nool deegaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay dadka soo wajahday cabsi oo aysan xataa aadi karin masaajidada dumarkana ay ka baqayaan inay xirtaan xijaabka ay diintoodu fareyso qaadashadiisa.
 Qodobo Shan ah oo ay ku heshiiyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib wada hadal waqti dheer qatay
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Madaxweynaha dalka Kenya, Hon. Uhuru Kenyatta ayaa muddo labo cisho ah wada hadal ku yeeshey xarunta Madaxtooyada Nagana ee gobolka Nyere ee dalka Kenya.
 Kulankan labada madaxweyne ayaa daba socdo kulankii ugu danbeeyey ee labada madaxweyne ay ku yeesheen Addis Ababa 28kii May iyo kii ka horeeeyey ee Mombasa.
Labada Madaxweyne ayaa muddo labo casho ah ka wada hadlayey arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga, qaxootiga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya sida ay Soomaalida qaxootiga u soo dhoweeyeen iyo sida ay ciidamada Kenya naftooda ugu hureen dib u xorreynta iyo amni ku soo celinta dalka.
Madaxweynaha Somalia ayaa tacsi gaar ah u direy labo askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ee AMISOM oo maanta ku geeriyooday Jubbooyinka, waxuuna sheegey inay u dhinteen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey falalka argagaxisada ee Al-Shabaab sheegeyna inay khatar ku yihiin Soomaalia iyo waddamada deriska ah, isla markaana aysan xambaarsaneyn wax diin ah oo dhammaan falalkooda argagaxa ay yihiin kuwo ka soo horjeeda bani’aadanimada iyo Islaamka.
 1. In Shir caalami ah lagu qabto Kenya bisha August oo ay wada shir guddoominayaan Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey si xal loogu helo dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan Kenya,Labada madaxweyne waxey hoosta ka xariiqeen in dib u celinta qaxootiga la waafajiyo shuruucda caalamiga ah oo dhammaan qaxootiga Soomaalida ay helaan xaquuqdooda muhiimka ah si ay dib u dhiska dalka uga qeyb qaataan.
 2. In labada dal ay sameystaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo hirgelin lahaa dhammaan qodobada lagu heshiiyey.
 3. In labada dal ay iska kaashadaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.
 4. In dowladda Kenya ay u fidiso shaqaalaha dowladda tababar lagu kobcinayo tayada iyo waayo aragnimada shaqada si dowladda Soomaaliya ay ugu sahlanaato hirgelinta maamul wanaaga.
 5. Iyo in labada Madaxweyne ay sii wadaan wadahadalkooda oo ay si joogta ah u kulmaan.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo tagay Boorama
Prof.  Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Boorama ee  gobolka Awdal, halkaasoo ay  dadweyne fara ku soo badan.
Samatar oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa oo maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa ayaa ku sheegay tagitaankiisa Boorama mid la xiriirta qiimeynta xaaladda deegaanka oo ay waqti dheer ugu dambeysay.
Prof. Axmed Ismaaciil ayaa dadkii soo dhaweeyey meel fagaare ah oo uu kala hadlay uga mahad celiyey sida u soo dhaweeyeen, isagoo ku ammaanay maamulka Somaliland sida ay qeyb uga qaateen safarkiisa gobolka.
Wuxuu kaloo booqday magaalada Dilla oo isla gobolka Awdal ka tirsan
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Axaddii la soo dhaaftay tagay  Hargeysa safarkii ugu horreeyey oo uu Somaliland ku tago sannado badan kaddib.
Booqashadiisa Somaliland oo ku soo beegantay xilli dhawaan uu iska casilay xubinnimadii baarlamaanka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay mid ka dhalatay casuumaad ay Somaliland u fidisay.
Samatar oo 2012 ka qeybgalay doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya  ayaa ka soo horjeeday sheegashada Somaliland ee ah in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day.
Barre Hiiraale oo markii ugu horeysay si kulul uga hadlay Fara galinta C/raxmaan Faroole.
Barre Aadan Shirre “Hiiraale”, oo dhawaan shaaciyay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Ficilada uu sameynaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
 Barre Hiiraale waxa uu sheegay in C/raxmaan Faroole uu Faragalin muuqata uu ku haayo Siyaasadda Maamulka Jubbaland, isagoona uga digay in uu faragalin kusii haayo Hawlaha khuseeya Maamulka Jubbaland.
 ‘’Waxa uu dhaafay xadkiisa, waxaa nasiib daro ah inuu xiligaani faragaliyo Hawlo aan isaga quseyn, waxaana uga digaaya inuu fara-fareeyo Siyaasadaheen’’.
 Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu Faragalin xoogan ku haayo arimaha maamulka Jubaland qaab dhismeedka Maamulka, loogana baahan yahay inuu ku ekaado Maamulkiisa.
 ‘’Waxan ka fahansanahay inuu yahay Shaqsi aan gudan hawlihiisa, doonaayana inuu faragaliyo Siyaasado aan isaga quseyn’’.
Barre Hiiraale, ayaa waxa uu uga digay C/raxmaan Faroole, faragalinta uu ku haayo Arrimaha Jubbaland waxa uuna sheegay inay mudantahay inuu faraha kala baxo Kismaayo iyo Siyaasadaha ka taagan.
 Isagoo la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Faroole ay ku xishmeynayaan in uu yahay madaxweynaha Puntland loona baahan yahay isaguna in uu ku xishmeeyo hogaanka ay u hayaan Jabaland waa sida uu hadalka u dhigay.
 Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Barre Aadan Shirre oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu si cad u sheegay in Dowladda iyo Caalamka looga aqoonsan yahay inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee uu leeyahay Maamulka Jubaland, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in madaxweyne Faroole uusan aqoonsan maamul goboleed aan kooda aheyn, isagoona xusay in mamaulka Jubaland ay ayaga hogaan u yihiin cid kalana aysan sharci aheyn.
 Maamulka Caabudwaaq oo qabtay nin dil lagu eedeeyay
Maamulka dowladda ee degmada Caabudwaaq ayaa saaka gacanta ku dhigay nin lagu eedaynayo inuu shalay ku dilay deegaanka Laamaweyne oo ka tirsan degmada Caabudwaaq nin reer guuraa ahaa.
Guddoomiyaha maamulka dowladda ee degmada Caabudwaaq Axmed jaamac Dhirif ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidanka dowladda ee degmada Caabudwaaq oo kaashanaya reerka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo eedeysanuhu ay ku guuleysteen soo qabashadiisa, haatanna uu ku xiran yahay saldhigga degmada Caabudwaaq, dhowaanna la hor geyn doono sharciga.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in isla meydka ninkii shalay la dilay lagu wareejiyey eheladiisa, ayna socoto qabanqaabada aaskiisa.
Axmed Jaamac Dhirif,  guddoomiyaha maamulka degmada Caabudwaaq, waxaa kaloo uu sheegay in maamulka uu hoggaaminayo oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Caabudwaaq uu ahmiyadda kooowaad siinayo sugidda  ammaanka, dambiile kastana la horgeyn doono caddaaladda marka gacanta lagu soo dhigo.
Gudiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Carruurta Ee Baarlamaanka Iyo Maamulka Isbitaalka Banaadir Oo Ka Wada Hadlay Baahida Isbitaalka.
Gudiga xuquuqda aadanaha,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Isbitaalka Banaadir ayaa maanta ka wada hadlay baahida Isbitaalka ee xiligan iyo daruufaha adag ee uu ku shaqeeyo.
 Kulankan oo ka dhacay Hoolka Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Warsame Maxamed Feysal,Gudoomiyaha gudi Hoosaadka Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Qaali Axmed Diiriye,maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Banaadir.
 Ugu horeyn Drso Luul Maxamed Maxamuud oo ka mid ah maamulka Isbitalka Banaadir ayaa ka warbixisay baahida xiligan uu qabo Isbitaalka waxaana ay xustay in dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka ay ku shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah oo ay u diyaaryihiin iney umadooda ugu adeegaan, mana jirto ayey tiri cid ama hay’ad Isbitaalka gacanta ku heysa oo baahidiisii ay aad u badantahay.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo howlwadeennada Isbitaalka oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in qaarkood ay isbitaalka ka shaqo bilaabeen markii la aas aasay halka ay qaarka kalena sheegeen iney Isbitaalka ku dhasheen hadana ay dalka dibaddiisa uga yimaadeen iney dadkooda u adeegeen balse ay lagama maarmaan tahay in la helo cid taageerta si uu usii wado shaqooyinka uu bulshadu u haayo maadaama xitaa daawooyin aanay oolin.
 Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo gebagebadii kulanka ka hadashay ayaa ugu horeyn ku ammaantay maamulka,dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka Banaadir sida ay ugu dhabar adeygeen marxaladihii adkaa ee ay shacabka ugu soo shaqeeyeen,hadana ay ugu shaqeeynayaan waxaana ay Xildhibaanaddu ka ballan qaaday madasha in qodobadii kasoo baxay kulanka ee baahida Isbitaalka Banaadir ay u gudbineyso Golaha Shacabka si markaasi loogu diro looguna dabagalo Xukuumadda oo leh howsha fulinta.
 Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaantay in Gudigoodu aanay ka fariisan doonin inta howlaha Isbitaalka ay ka helayaan tasiilaadka uu u baahanyahay.
 Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Oo  Dalka Dib ugu Soo Laabtay.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleebaan oo safaro shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
 Wasiirka ayaa ka soo qeyb galay shirar ka dhacay Dalalka Tajagistaan iyo Maroko oo looga hadlayay dhaqaalaha waxana Soomaaliya ku casuumay Bangiga Hormarinta afrika iyo bangiga islaamka.

Wasiirka oo shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in hay,adda lacagta islaamka ay kala hadleen sidii loo xoojin xiriirka u dhaxeeyna iyaga iyo soomaaliya,xalna loogu heli laha lacgaha deynta ah eewadamada qaar ay ku leeyhiin Soomaaliya.
 Wasiirka ayaa imtaasi ku daray in uu hay,adahaasi kala hadlay dib u soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la lahaayeen Bangiyadda Caalamka.
 Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleebaan ayaa sidoo ka hadlay wax qabadka wasaarada ee lixdii bil ee la soo dhaafay isagoo sheegay in wasaaradda ay kor u qaaday daqliga dalka soo galo.
 Xukuumadda Soomaaliya ayaa wado dadaal ku aadan dib u soo celinta xiriirkii uu dalkeena la lahaa  hay,addaha caalamiga ah iyo bangiyadda caalamka.
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Caalamiga Ah Ee Deegaanka Oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay.
Munaasabad ballaaran oo ay si heer sare ah u soo agaasintay wasaaradda kheyraadka dalka islamarkaana lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Deegaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
 Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda kheyraadka dalka,Guddiga Baarlamanka u qaabilsan Kheyraadka dalka,Marti sharaf iyo fannaaniinta kooxda deeegaan.
 Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa ruwaayado iyo suugaan ka tarjumeysa dhibaatooyinka lagu hayo Deegaanka ku soo bandhigay Abawaannada iyo fannaaniinta kooxda deegaan oo hoos yimaada wasaaradda kheyraadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Maxamed iimaan Agaasimaha Guud ee kalluumeysiga iyo deegaanka ee wasaaradda Kheyraadka dalka  oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in wasaaraddu ay ku guuleysatay inay saxiixdo Heshiisyo iyo Parotakoolo caalami ah ee lagu ilaalinayo deegaanka.
 Xildhibaan C/casiis Isxaaq Mursal Xoghayaha guud ee Guddiga Kheyraadka dalka ee barlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Baarlamanka oo kaashanaya Wasaaradda kheyraadka ay diyaarin doonaan shuruuc lagu ilaalinayo Deegaanka Soomaaliya.
 Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Kheyraadka dalka siciido Xasan Cismaan oo jeedisay khudbadda xeritaanka munaasabadda ayaa farta ku fiiqday in Dadka Soomaaliyeed looga baahnayahay inay si wadajir ah ugu istaagaan sidii looga hortagi lahaa nabaad guurka lagu hayo deegaanka iyo  suntan  lagu shubo badda dalkeenna.
 Maalinta Deegaanka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan 5-ta bisha June iyadoo halku dhigga sanadkaan ay wasaaradda Kheyraadka dalka uga dhigtay Tali,Tacbo ,Tashiilo, waxaana xuska munaasabadan uu  ku soo beegmayaa xilli ay Dowlad rasmi ah  ka jirta dalkena taasi oo dooneysa inay ka hortagto xaalufinta lagu hayo Deegaanka iyo Kheyraadka ka buuxa badaha dalkeena.
  Masuul la sheegay inuu  Axmed Madoobe bedalayo oo Muqdisho soo gaaray iyo soo dhaweyn loo sameeyay.
 Waxaa  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaaray masuulkii lagu bedeli lahaa Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe oo saacadaan magaalada Nairobi looga dhaadhicinayo in uu isaga tago sheegashada madaxweynaha maamulka Jubalnad.

Cabdullaahi Axmed Buulle oo maanta ka hadlay munaasabad si heer saro ah loogu soo dhaweynayay ayaa waxa uu sheegay in ujeedka dalka uu u yimid uu yahay inuu ka qey bgalo tartarka musharaxnimo ee maamulka Gobalada Jubbooyinka ee ka dhici doono magaalada Muqdisho.
 Waxa uu hoosta ka xariiqay in Musharaxnimadiisu ay tahay kadib marka la xaliyo khilaafka baahsan ee gobaladaasi ka jira oo gogosha nabadeeede ee Muqdisho leeku af-garto oo wax wanaagsan ka soo baxaan.
 Masuulkaan lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Buulle oo ka yimid Australia waxaa maanta si wanagsan loogu soo dhaweeyay Muqdisho halkaas oo uu uga dhawaaqay musharaxnimadiisa, hasa yeeshee waxaa wararku sheegayaan in uusan aheyn musharax ee dowlada Soomaliya ay u magacaabi doonto in u noqdo gudoomiyaha maamul kumeel gaar ah oo J/hoose yeelato.
 Cabdullaahi Axmed Buulle ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka shaqeyso cadaaladda, Sinnaan, iyo hormar ay Umadda Soomaaliyeed ku manaafacaado.
Waaxda socdaalka Sweden oo ka hadashay ammaanka Koonfurta Soomaaliya
War ka soo baxay waaxda socdaalka ee dalka Sweden ayaa lagu sheegay maadaama xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay ka soo reynayso in ay waaxdu u aragto xaaladda ammaan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya inaanu ka taagnayn khilaaf hubeysan.
Waaxdu waxa ay sheegtay in wali ay jiraan dagaallo aan sidaa u badnayn oo ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waaxda ayaa sheegaty inay yaraadeen halistii ammaan ee ka jirtay koonfurta iyo bartamaha dalka kaddib markii la wiiqay awooddii al-Shabaab oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka saareen caasimadda iyo qeybo ka mid ah gobolka ay ku xoogganaayeen.
Waxay sheegtay in wali aan la isku hallayn karin ammaanka maadaama guud ahaan dalka aanu ka jirin maamul hufan oo hoos taga dowladda, sidaas darteed ay jirto xaalad hubaal la’aaneed oo haysata dadka ku dhaqan halkaas oo wali la kulmaya tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee uu insaanku leeyahay.
Waaxda ayaa waxay sheegaty inay si dhow ula socon doonto hadba wixi kasoo kordha Soomaaliya si ay mar kasta u qaataan go’aanka ku habboon haddii lacalla ay ka sii darto xaaladda ammaan ama ay si kale wax isu beddelaan.
Dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka kala taageersan Axmed Godane iyo Saraakiisha ay ka mid yihiin Xasan Dahir, Abuu Roobow iyo Ibraahim Afqaan oo sii xoogeystay
Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay sii xoogeysanayey dagaalo u dhaxeeya dhinacyo kala gedisan oo kawada tirsan kooxda Al shabaab.Tan iyo intii ka danbeysay bishii lasoo dhaafay ee May, markii ay baaqyo soo saareen qaar kamid ah hogaamiyayaasha Al Shabaab oo kasoo horjeestay siyaasada hogaamiyaha kooxdaasi ee Axmed Godane ayaa waxaa bilowday weeraro dad ku dhinteen oo u dhaxeeyey dhinacyada isku haya hogaanka kooxdaasi Al Shabaab.
Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa xiisadahan laga dareemayey gobalada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dhulka weli gacanta ugu jira kooxda Al Shabaab.
Magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad weyn kadib markii uu halkaasi dagaal ku dhexmaray labo kooxood oo ka wada tirsan Al Shabaab.
Kooxahan dagaalamay ayaa waxaa qeyb kamid ah garabsiinayey dagaalyahano ajaanib ah.
Axmed Godane oo ah hogaanka sare ee Al Shabaab ayaa dhawaan amaro uu soo saaray ku sheegay in la dilo qaar kamid ah dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ka horyimid amaradiisa iyo siyaasada guud. Go’aankaasi ayaa waxaa ka horyimid qaar kamid ah hogaanka Al Shabaab oo ay ku jiraan Ibrahim Afghani, Mukhtar Robow Abu Mansuur iyo Xassan Daahir Aweys.
Dagaalada ka dhacay nawaaxiga Ceel Buur ayaa ku fiday deegaano kale oo ay kamid tahay deegaanka Maxaas oo saaka laga soo sheegayo iska horimaadyo halkaasi ku dhexmaraya Al Shabaab.
Gobalka Jubada Dhexe ayaa kamid ah goobaha ay hada xiisada ka taagan tahay iyadoo Isniintii ay magaaladaasi gaareen ciidamo ka socda kooxda Axmed Godne ee Amniyaatka oo isku dayey inay soo qabtaan qaar kamid ah saraakiisha Al Shabaab oo ku sugan degmada Sakow halkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan labada ciidan oo kawada tirsan Al Shabaab.
Xiisadan ayaa la rumeysan yahay inay sii huriyeen wadaado kala taageera hogaamiyaasha Al Shabaab oo la sheegay in ay u fatwoodeen in la dili karo qofkii khal khal ku keena hawlaha Al Shabaab, arrintaasi oo la sheegay inay ka careysiisay hogaamiyaasha kasoo horjeeda siyaasada Axmed Godane.
Dagaaladan dhexmaraya dhinacyada l Shabaab ayaa ah kuwii ugu horeeyey oo si baaxadleh u kala qeybiya hogaamiyaasha Al Shabaab, tan iyo intii kooxdaasi la dhisay sanadkii 2006.
 SIILAANYO “Waxaa la doonayaa in la mideeyo shanta Soomaali weyn”
 Madaxweynaha maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, ayaa qiray in Mareykanka uu si cad ugu sheegay uguna diiday inuu gobolkaas u aqoonsado dal madax banaan.
Wareysi uu siiyey Tv-ga Aljazeera, ayuu Siilaanyo ku sheegay in socdaal uu dhowaan ku tagay Washington uusan noqon sidii ay ku taamayeen.
“Maya, Mareykanka inooma sheegin inay na aqoonsanayaan ama ay inoo aqbalayaan dal ahaan. Waxa ay inoo sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay na siiyaan sida barnaamijyada horumarinta” ayuu yiri Siilaanyo.
Waxa uu sidoo kale hoos u dhigay rajooyinka ay Somaliland ka qabto in la aqoonsado kadib 22 sano oo isku day ah.
“Iminka waxaa jira xamaasad la doonayo in Soomaaliada oo idil oo ay ku jiraan kuwa Ethiopia, Jabuuti, Annaga iyo Kenya la mideeyo” ayuu sidoo kale yiri Siilaanyo inkasta oo uu san faah faahin waxa uu hadalkaas ula jeedo..
“Laakiin quwadaha dunida ma ogola taas, waxay doonayaan in Soomaalida ay ahaadaan sidii ay ahaayeen waqtigii gumesyiga, Marka maxaa annaga na loogu diidaa inaan ku laabano madaxbanaanideenii hore” ayuu sii raaciyey Siilaanyo.
Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in Somaliland aysan heysan aqoonsi laakiin ay la macaamilaan dalalka caalamka oo idil, oo uu maalin kasta safro.
Axmed Madoobe oo natiijo la’aan ku soo laabtay magaalada Kismaayo
 Waxaa goordhow ka duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe, kaasoo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamulka Jubbland.

Axmed Madoobe ayaa ku soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, isagoo wax natiijo ah kala soo laaban magaalada Nairobi.
Waxaa la hadal hayay in Axmed Madoobe uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakin wuxuu kulankaas baaqday markii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kulan ay ku yeesheen Nairobi looga hadlay arrinta Jubbooyinka.
Kulanka labada madaxweyne ayaa siwayn looga hadlay in dowladda Soomaaliya loo daayo maamul u sameenta Jubbooyinka.
 Si kastaba, waxaa meesha ku fashilmay qorshe uu waday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole kaasoo kal hore sheegay in uu dhexdhexaadindoono Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu wali yahay madaxweynaha maamulka Jubbland, wuxuuna sheegay in uusan gorgorton ka galeynin qadiyada maamulka Jubbland.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...