Sunday 30 June 2013

Somalia - Wararka maanta

Egypt protest: Crowds gather for big anti-Morsi rally
Cannot play media. You do not have the correct version of the flash player. Download the correct version
Crowds have been gathering in Cairo's Tahrir Square ahead of a mass rally to demand the resignation of Egypt's Islamist President Mohammed Morsi.
Thousands of people could be seen overnight milling in the square, focus of the protests which brought down former leader Hosni Mubarak.
Sunday is the first anniversary of Mr Morsi's inauguration as president.
Tension has been high ahead of the rally. At least three people, including a US citizen, died in unrest on Friday.
--Obama hails Mandela 'inspiration' in South Africa visit
US President Barack Obama has praised Nelson Mandela as "an inspiration to the world" while visiting South Africa.
The US leader, who was speaking in Pretoria after talks with President Jacob Zuma, does not intend to visit the 94-year-old, who has been critically ill for nearly a week.
But he met the Mandela family in private and spoke by telephone to his wife, Graca Machel.
Riot police clashed with anti-Obama protesters in Soweto.
The American leader was in Soweto to deliver a speech to young African leaders at the University of Johannesburg.
 According to Mr Zuma, Mr Mandela remains "stable but critical", and he added that he had "every hope that he will be out of hospital soon".
Continue reading the main story
BBC News, Johannesburg
 Nelson Mandela's ill health has overshadowed Barack Obama's first trip to South Africa as US president. Both Mr Obama and South African President Jacob Zuma began their remarks to the media by mentioning the hero of the fight against white minority rule.
But the trip was planned long before Mr Mandela was taken to hospital and was intended to focus on increasing trade, for mutual benefit. President Zuma noted that Mr Obama had been involved in the campaign to impose economic sanctions on apartheid South Africa in the 1980s, but said now was the time to shift from "disinvestment to reinvestment".
While South Africa has been criticised for having slow economic growth at a time when other African countries are booming, Mr Zuma rebuffed this by saying: "We are pursuing the dreams and policies of Nelson Mandela." He even said the former president had recently told him: "When I go to sleep, I will be happy as I know I will leave South Africa moving forward."
However, South Africa's last apartheid president and the man jointly awarded the 1993 Nobel Peace Prize with Mr Mandela, FW de Klerk, is to cut short a visit to Europe due to Mr Mandela's poor health, his foundation said in a statement.
Meydadka Afar Askari Oo Ciidamada Kenya oo Ay Soo Bandhigeen Ciidamada Barre Hiiraale
Dagaalkii ayaa galay waji cusub iyadoo ay dagaalkan si toos ah ugu jiraan ciidamada lugta dawlada kenya oo garabsiinaya kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in dagaalkan hadda socda uu khasaare ka soo gaarey ciidamada dawlada kenya ee qaabka nabad ilaalinta ah ku jooga kismaayo.
Dhimashada Afar  askari oo ka tirsan ciidamada kiiniya ayaa hadda la shaaciyey in ciidamada degaanku gacanta ku dhigeen isla markaasna doonayaan inay saxafada u soo bandhigaan,waxaana la sheegayaa in ciidamada degaanku dagaalkan ay hada kula jiraan ciidamada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni u bedeleen qaabkii dagaalka,waxaana la sheegayaa in hadda wadooyinka magaalada si toos ah loogu dagaalamayo.
Ciidamada degaanka ayaa sheegey in saacadaha soo socda saxafada u soo bandhigi doonaan maydadka ciidamada kiiniya isla markaasna ay shaacin doonan in dawlada kiiniya ay doonayso inay dalka soomaaliya u kala jabiso qaab qabiil iyadoo la shaacinayo in ciidamada kiiniya arrintaasi dhibaato xoogan ka soo food saari doonto.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland Iyo Galmudug “SAWIRRO”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo maalinnimadii shalay aheyd soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug sida ay ugusoo jawaabeen marti qaadka uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey waxaana mahad celintaasi kadib uu Gudoomiyuu ka dhageystay gudoomiyeyaasha Baarlamaannada labada maamul goboleed sida ay howlahooda u socdaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay u socdaan shaqooyinka Baarlamaanka Puntland waxaana uu xusay in howlaha Baarlamaanka Puntland ay hada kuwo u socda si wanaagsan waxaana uu dhanka kale Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi uu tilmaamay in ay aad ula dhacsanyihiin sida xiligan uu u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane Xasan Maxamed Hey loo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa si lamid ah ka warbixiyey sida uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug oo uu tilmaamay iney dhowaan doorteen Madaxweynaha maamulkaasi, dhinaca kalena waxa uu soo dhaweeyey hormarrada sii kordhaya ee uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana ayaga oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamaannada labada maamul goboleed ay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad uu u fidiyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan caawa waxa ay casho sharaf la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo casho sharaftaasina ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay dilka sarkiil sar sare ee oo ka tirsan ururka, oo uu ku jirro Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaano Ibraahim Afghan.
Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinaca howlgalada Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wabaahinta qaarkood ayaa sheegay in la toogtay labo nin oo uu ku sheegay in ay ka dhaga adeegeen in ay is soo dhiibaan, isagoo intaas ku daray in wali la la’yahay kuwa kale oo jidkaas hayay.
Abuu Muscab ma sheegin magacyada labada qof ee la dilay, balse Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay in labada nin ee la dilay ay kala yihiin Ibraahim Afghan iyo Sheekh Xamdi oo loo yaqaano Macalin Burhaan.
Sida ay in oo xaqiijiyeen  dad ku sugan Barraawe ama gacan saar la leh Al-Shabaab raggan ayaa la dilay 18-kii bishan June, waxaana lagu dilay magaalada Barraawe oo 350 km koonufr kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in labadan nin ka hor inta aan la dilin ay isku dayeen in ay dagaalamaan sidaasna ay ku dhacday xabad.
“Allaha ha u naxariisto oo janadii ha galiyo waxa ay ahaayeen mujaahidiinta, qorshaha ma ahayn la dilo ee waxaa la rabay in ay i soo dhiibaan balse xabad ayaa ku dhacday”
Si kataba, ilo wareedyo lagu kal soon ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in Ibraahin Afgaan la dilay isagoo ka soo baxaya Masjid 6-dii iyo 20 daqiiqo 18-kii bishan June, halkas Macalin Ibraahim laga soo qabtay gurigiisa 7-dii habeenimo isla 18-kii bishan June balse waxaa la dilay subixii waxaana meydkiisa lagu jiidjiiday wadooyinka Barraawe.

Ibraahim Afgaan ayaa wuxuu ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, wuxuu kaloo soo noqday madax maaliyadda iyo tababarka Al-Shabaab.
Wuxuu joogi jiray gobalka Virgina ee dalka Maraykanka, ka hor inta uu 1998-dii uusan aadin dalka Afghanistan halkaas oo uu magaca Afghan uu kala yimid.
Macalin Burhaan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dacwada wuxuuka ka tirsnaa Golaha wadatashiga ee Ururka Al-Shabaab.
Si kastaba, waxaa muuqata khilaaf xooggan oo ka dhexjirra hoggaanka Al-Shabaab kuwaasoo hadda la garab kala noqday, waxaana ka dhexjirra ugaarsi ballaaran.
 Allaha u Naxariistee Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkeey) oo Maanta ku Geeriyooday Magaalaad Muqdisho
Nur Abdi Haji Shaarkey addresses at a meeting of former players in Mogadishu in February 2013Allaha u naxariistee Nuur Cabdi Xaaji oo loo yaqaanay (Shaarkey) kana mid ahaa xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkey) uu geeriyooday waxaana isla galabta lagu aasay magaalada Muqdisho.
Xiriirka kubadda cagta ayaa sheegay in halyeygan isborti uu u geeriyooday wadno xanuun ku soo booday.
Allaha u naxariistee Shaarkey waxa uu ahaa ciyaaryahan si aad u ah uga dhex muuqday xulka Qaranka Dalkeenna laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 1970kii ilaa 1980kii,isaga oo si aad ah uga dhex muuqday horyaalka dalka iyo ciyaaraha uu xulka Qaranka Soomaaliya ku aadi jiray dalka dibaddiisa.
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka naxeen geerida halyeeygan ispoorti,islamarkaana bahweynta isboorti uu ka baxay halyeey isboorti.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Saciid Guuleed Rooble ayaa allaha u naxariistee geerida Shaarkey uga tacsiyadeeyay xaaskiisa, caruurtiisa iyo qaraabadiisa.
 Saciid Guuleed Rooble oo isna ka mid ahaa ciyaartooydii caanka ahaa ee dalka sanadkii 1970kii ayaa sheegay in geerida Shaarkeey ay tahay mid laga naxo.
Buug tacsi ah ayaa laga furay xarunta xiriirka kubadda cagta ee Dalkeenna waxaana saxiixaya saaxiibadiis,ciyaartooyda iyo taageerayaasha.
  Maxaa ka soo kordhay warka Xasan Daahir?
  Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray xaaladda Xasan Daahir Aweys oo xaley laga soo dajiray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Daahir Aweys iyo xubno la socday loo gacan galiyay hey’adda nabad sugida dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale warku wuxuu intaas ku darayaa in odayaashii iyo siyaasiinta la socda Xasan Daahir Aweys la jirdilay qaarbaa dhaawacan oo xabad nool ayaa lala dhacay.
Waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar in kastoo dhaawaciisa halka uu gaarsiin san yahay aan lahayn inta uu la egyahay.
Sidoo kale waxaa jirra odayaal lala xiray Xasan Daahir oo xaley ku baryay xabsi sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Si kastaba, waxaa jirra saaka in xaalad kacsanaan ah ay kaa taagan tahay magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda Xasan Daahir Aweys ay ka dhalato dagaal.
Waxaa jirra khilaaf iyo gacan-ka hadal dhexmaray hey’adda nabad sugida iyo ergadii la socotay Xasan Daahir Aweys waayo Xasan markii uu ka soo degay garoonka Muqdisho waxaa xoog kuwatay ciidamo ka tirsan hey’adda nabad sugida kuwaasoo sheegay in Xasan Daahir Aweys la marsiin doono wixii dadka u geestay. arrintaas waxaana ka xumaaday ergada waday Xasan Daahir.
Waxaa intaas kaddib gacanta loola tagay wafdiga Xasan Daahir iyadoo la sheegayo in xabad lala dhacay. oo qaarbaa dhaawacan.
Odayaal iyo Xildhibaanno ay isku beel yihiin Xasan Daahir Aweys ayaa  ku eedeeyay dowladda in ay ka baxday ballan ay horrey ukala galeen, taasoo ahayd in si fiican loola dhaqmi doono Xasan Daahir Aweys.
Odayaasha iyo Xildhibaannada ayaa si wayn u eedeeyay wasiirka gaashandhigga iyo wasiirka arrimaha gudaha,kuwaasoo ay sheegeen in amreen in xabsiga la dhigo Xasan Daahir Aweys, waxaana ay ku amreen ergada waday Xasan Daahir ay meesha ka tagaan.
Xasan Daahir Aweys, 12-xubnood oo la socday iyo saraakiil uu ka mid yahay Jenaraal Subxaanyo ayaa xabisga la dhigay, waxaana ammaankooda aad u waardiyeenaya ciidamada Gaashan ee wajiga xirta.
Magaalada Muqdisho waxaa tan iyo xaley ka socday kulamo looga hadlaayay siddii laga yeelayo Xasan Daahir Aweys, waxaana beesha uu ka soo jeedo Xasan Daahir ay sheegeen in ay diyaar u yihiin difaaca Xasan Daahir maadama uu oggolaaday in dowladda Soomaaliya uu isku soo dhiibo.
Xubnaha Baarlamaanka oo kala qeybisay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh ugu timid
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku kala qeybqasamay warqad codsi ah oo ka timid Madaxweynaha, kaasoo ahaa in muddo bil ah ay sii shaqeeyaan mudanayaasha baarlamaanka, xilli maalinta berri uu ku eg yahay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka hor aqriyay warqada ka timid Madaxweynaha ee uu ku dalbanayay in muddo bil lagu daro fadhiyada baaralmaanka.
Prof. Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay aqbalaan codsiga Madaxweynaha, isla markaana uu dastuurku qabo inuu soo dalban karo in muddo lagu daro kulamada baarlamanka Soomaaliya.
Intaas kadib ayaa mudanayaasha baarlamaanka loo gudbiyay inay aragtiyadooda ka dhiibtaan, waxaana kulanka soo xaadirtay ilaa 50-xildhibaano.
Mudanayaasha qaar ayaa sheegaya in aanay xilligan sii shaqeyn karin, isla markaana waqtigii loogu tala galay kalfadhiga labaad uu gabo gabo yahay, isla markaana maalinta berri uu ku eg yahay kalfadhiga labaad.
Qaar kale oo mudanayaasha ah ayaa iyana ku doodaya in Madaxweynaha uu soo dalban karo in fadhiga baarlamaanka muddo lagu daro, isla markaana ay muhiim tahay in baarlamaanka sii shaqeeyo, maadaama hindise sharciyeedyo uu horyaalo.
Dooda Xildhibaanada ayaa ah mid sii socota, waxaana lagu wadaa in Gudoonka Baarlamaanka uu cod u qaado codsiga Madaxweynaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha kalfadhiga baarlamaanka loogu kordhinayo muddo bil ah ay tahay in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada oo la doonayo in baarlamaanka ansixiyo inta aanu fasax gelin.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay fasax u soo galay markii uu dhamaaday kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka, waxaana lagu xusuustaa kalfadhigaas, ansixintii Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirada iyo Miisaaniyad sanadeedka dowladda.
 Saraakiil Brirish ah oo Baladwayne lagu arkay
 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladwayne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen saraakiil ka tirsan Millatariga UK.
Saraakiisha ayaa la sheegay markii ay gaareen Baladwayne in ay booqdeen xarumaha ciidamada AMISOM ee ku yalla magaalada iyo kuwa dowladda ee Beledweyne.
Saraakiisha British-ka ee gaaray Baladwayne waxaa hoggaaminaayay Col. Maklan oo ka scoda wsafaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, wuxuuna mar uu la hadlay warbaahinta  uu sheegay in uu aad ula dhacay qaabka ay ciidamada xoogga u sugeen ammaanka magaalada iyo gobolka.
Wuxuu sheegay in baahiyaha militari ee ka jira gobolka uu u gudbin doono dowladdiisa, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii taageero militari loo siin lahaa ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, Col. Towane Axmed Gurubey ayaa warbaahinta u sheegay, in ay kala hadleen wafdiga dowladda Ingiriiska ka socday, sidii ay uga taageeri lahaayeen dhinacyada qalabeynta ciidamada.
Si kastaba, ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay intii saraakiisha Britisho ay ku sugnaayeen halkaas. waxaana lagu soo warramayaa in ay goobta ka sheegeen in Baladwayne ay ka furi doonaan xarun wayn oo lagu tababaro ciidamada dowladda.
 Ciidamo DF ay u dirtay Kismaayo oo ay dib usoo celiyeen ciidamada Kenya
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo, ayaa waxaa is hortaag ku sameeyey ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee jooga gobollada Jubbooyinka, dibna u celiyey
 Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka baxeen goblka Gedo, ayna doonayaan inay Kismaayo galaan, si ay amniga u sugaan, sida ay sheegeen.
Axmed Sheikh Maxamed oo ah taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay in amarka lagu joojiyey uu kasoo baxay taliyaha ciidamada Kenya ee Somalia.
“Taliyaha Ciidamada Kenya waxa uu inoo sheegay in haddii aan wax dhaq dhaqaaq ahna sameyno in cirka iyo dhulka ay inaga soo weerari doonaan, sidaas ayaana ku istaagnay” ayuu yiri taliye Axmed Sheikh.
“Innagu iskama socon ee amar dowladeed ayaan ku baxnay” ayuu yiri
Axmed Sheikh, ayaa sheegay in ayagu aanay Kismaayo ugu socon inay fara geliyaan dagaalka, balse ay doonayeen inay xal ka abuuraan halkaas, balse si kale loo fahmay.
Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay ilaalinayaan kuwa Raaskambooni, sidaa darteedna aysan arki karin cid kale, si Raaskambooni ay dagaalka Kismaayo ugu adkaato.
Ciidankan ka tirsanaa kuwa DF, ayaa iminka ku xanniban deegaanka Gariley ee gobolka Gedo.
Wasiirka Warfaafinta oo furay shir wasaaraddu u Qabatay Shirkadaha Isgaarisiinta
Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge ayaa saaka subaxdii furay shir muhiim ah oo ay wasaaradda iyo ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU iska kaashadeen kana bilawday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ee ka shaqeeya dalka Soomaaliya ayaa waxaa saaka furay wasiirka isagoo uga mahadceliyay shirkadaha Isgaarsiinta inay kasoo qaybgaleen shirkan meel dheerna uga yimaaddeen waxuuna wasiirku u sheegey shirkadaha inay ka faaiideystaan shirkan oo ah mid lagu soo gudbin doono culuum faaiido badan u ah shirkadaha.
Shirkan oo ay iska kaashadeen ururka Isgaarsiinta Caalamka iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa maalintiisii 1aad lagu soo bandhigay warbixin ay soo diyaarisay wasaaraddu oo kusaabsan qaabka loo maamulo Hirarka(Spectrum Management) iyo sida shirkaduhu ukala isticmaalaan.
Hay’adda sharci dajinta Isgaarsiinta ee waddanka Imaaraadka (RTA) oo iyadu qabatay shirka ayaa shirkadaha Soomaaliyeed warbixin dheer ka siisay qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha caalamka iyo waliba dhibaatadii ay kasoo gudbeen iyadoo sheegey iney diyaar u yihiin in wasaaradda Warfaafinta ka caawiyaan arimahan.
shirkan oo loo balansan yahay inuu maalinta barito ahna subaxdii ka bilawdo isla madashii ayaa lagu wadaa in shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay wax ku qaadan doonaan.Shirkadaha ayaa soo dhaweeyey macuumaadka ay helaan maanta iyagoo ku rajo wayn iney heli doonaan warbixino dheeri ah maalinta bari ah iyagoo si wadajir ah usoo dhaweeyey shirkan kana rajaynaya hormar dhinacwalba ah.
Radio Muqdisho, Dubai UAE
Shaqaalaha dab-damiska oo tababar loogu soo xiray Muqdisho
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta tababar u soo xiray shaqaalaha dab-damiska ee gobolka Banaadir.
 Tababarka oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa socday muddo shan iyo toban maalmood ah, kaasoo shaqaalaha lagu baray hannaanka ugu wanaagsan ee ay u badbaadin karaan dadweynaha iyo hantida haddii uu dabi qabsado goob ay ku sugan yihiin.
 Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa guul ku tilmaamay in muddo dheer kaddib ay shaqalaha dab-damisku ka hawlgallaan gobolka Banaadir, lana siin doono tababar kale muddo toddobaad ah si sare loogu qaado aqoontooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in shaqaalaha laga rabo in ay u gurmadaan dadweynaha ku nool goobaha uu dabku qabsado, ayna si taxadar leh ula tacaalaan masiibadaasi, maadama ay tahay mid u dhaxaysa geeri iyo nolol.
 Dowladda hoose ee gobolka Banaadir ayaa horay tababar noocan oo kale u siisay shaqaalaha dab-damiska ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu maamulka ugu deeqay saddex gaari oo ah nooca dab-damiska ah  billowgii sanadkan.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...