Wednesday 26 June 2013

Sheekh Xasan Oday-Dhaqameed Hawiye Baa Loo Dooranayaa Hadii Uu Ka Tanaaasulo Alshabaab:Talo Loo Jeediyay Dawladda Federaalka


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 26 June 2013 15:56

Dawladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa loo  soo bandhigtay Sheekh Xasan Daahir Awees hadii uu ka tanaasulo inuu isaga baxay Ururka Alshabaab in loo ogolaan-doono in loo doorto Oday-Dhaqameed ka mid ah Odayadda Beesha-Hawiye,waxaana talada Dawladda u soo jeediyay Gudoomiyaha Beesha Hawiye Nabadoon Xaad

Dadweynaha Muqdisho ayaa la filayaa inay ka caroodeen in Sheekhan oo lagu tuhmayo inuu dilay Soomaali badan in loo caleemo-saaro Oday-Dhaqameed,waxayna arin laga murugoodo ku tilmaameen in hadii ay dhacdo in Muqdisho caleemo-qoyan lagu soo dhaweeyo Xasan Sheekh ay bahdilaad ku tahay Shacabkii uu dambiga ka galay ee Muqdisho.

Odayaal uu hogaaminayo Xaad ayaa hadda u ololeynaya in caleemo-qoyan lagu soo dhaweeyo Sheekh Xasan Daahir loona doorto Oday-Dhaqameed ka mid ah Beelaha Hawiye si magaciisa argagaxisada lagu shaabadeeyay looga tir-tiro looguna yeero Nabadoon Xasan Daahir Awees,

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...