Friday 28 June 2013

SH Xasan Daahir Aweys oo ogolaaday inuu ka tago deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb kadib markii uu ku adkaystay go’aankiisa


xasan Daahir
Cadaado(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in SH Xasan Daahir Aweys oo maalmihii danbe ku sugnaa halkaa uu ogolaaday inuu ka boxo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb kadib markii uu ku gacan saysay talooyin ku aaddanaa inuu Muqdisho usoo raaco wafti dhawaan Cadaado gaaray.
SH Xasan Daahir Aweys ayaa la tilmaamayaa inuu diiday inuu Muqdisho yimaad si uu wadahadal ula yeesho madaxda dowladda Soomaaliya arintaas oo ay isku dayayeen iney ka dhaadhiciyeen wafti uu hogaaminayo Xildhibaan SH C/qaadir Cali Cumar oo kulamo isdaba joog ah 2dii maalmood ee u danbeeyey Cadaado kula lahaa SH Xasan Daahir Aweys iyo masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in wadahallo saacado badan qaatay kadib uu SH Xasan Daahir ogolaaday inuu ka boxo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo xeeb,kadib markii sida uu sheegay uu SH Xasan ku adkaystay go’aankiisa ah inuusan waftiga Muqdisho usoo raacin.
Hagafeey ayaa tibaaxay in la magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood kuwaas oo xiligan  wadahadallo la leh SH Xasan Daahir Aweys wuxuuna tilmaamay in gudigani ay soo sheegi doonaan xilliga  uu baxayo iyo halka uu aadayo SH Xasan Daahir Aweys.
Lama oga hadka uu u dhaqaaqi doono SH Xasan Daahir Aweys hadii uu ka tago deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu xiligan ku sugan yahay,waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya inuu qorsheynayo inuu aado magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo ay ku sugan yihiin rag kale oo ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam oo uu ka mid yahay gudoomiyihii ugu horeeyey ururkaa SH Cumar Imaan Abubar iyo rag kale.




RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...