Tuesday 18 June 2013

Qarax Goor dhow Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo iyo iska Hor’imaad Masuul Raaskaambooni ka tirsan uu ku dhaawacmay oo ka dhacay Magaaladaasi


MAALIK_SOM JUNE 18, 2013 COMMENTS OFF
Kismaayo-(Sh.M.Network)-War Goor dhow nasoo gaaray ayaa tilmaamay in Qarax Khasaaro Geystay Magaalada Kismaayo Lagula eegtay Kolonyo nuuca daabula Ciidamada oo ay lahaayeen Ciidamada Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa Gabi ahaanba uu ku bur buray Gaarigaasi oo ay saaraayeen Askar Kenyan ah.
Lama Oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi balse wararka ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu ka dhashay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale Warar isla Magaalada Kismaayo laga helayo ayaa tilmaamaya in Guddoomiyaha Magaaladaasi Yaasiin Raadeer Ciidamo uu watay oo aadey meel ay tiilay Isbaaro uu halkaasi iska Hor’imaad ku dhexmaray Kooxihii Jid gooyada ay u tiilay iyo Ciidamada Guddoomiyaha Kismaayo ee Raaskaambooni waxaana la xaqiijiyay in iska Hor’imaadkaasi uu ku dhaawacmay Yaasiin Raadeer guddoomiyaha Kismaayo.
Yaasiin Raadeer ayaa la sheegay in  Rasaasta ay Madaxa Kaga dhacday iyadoo loola Cararay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo haatan Lagu dabiibayo.
Ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda qaraxaasi iyo wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Raaskaambooni iyo kuwa Kenya intaba ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubbada Hoose.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...