Monday 17 June 2013

Maxamuud Culusoow, Feysal Rooble iyo Cali Fiqi oo Ku Kulmay Fagaaraha waxbana aan la iskula harin (Dhageyso + Sawirro)


Sadik Warfa
Minneapolis (RBC Radio) Kulan balaaran uu soo agaasimay u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada Soomaalida ee Gobolka Minnesota Mudane Sadik Warfa ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxida Safari ee ku taal Minneapolis, kulankaan ayaa kamid ahaa kulamo taxane ah oo loogu magacdaray Fagaaraha.
Kulankaan Fagaaraha ayaa ahaa kii 6aad ee uu Sadik Warfaa bulshada u qabto waxaana marti ku ahaa sadexda aqoonyahayn ee kala Maxamuud Culusoow, Feysal Rooble iyo Cali Fiqi.
Sadik Warfa ayaa ugu horeyn ba waxa uu uga mahad celiyey kasoo qeybgalayaasha iyo Martisharaftaba kazoo qeybgalka kulanka waxa uuna halkaas ka sheegay waxa uu ku saabsan yahay kulanka fagaaraha ee la isugu yimid.
Sidee Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Fedraalka ah ay isula shaqeyn karaan? 
Maxamuud Culusoow
Maxamuud Culusoow
Ugu horeynba waxaa nasiib u helay in ku hormaro hadalka Maxamuud Culusoow, waxa uuna heystay ama la siiyey a5 daqiiqo in uu kusoo kobo uuna uga jawaabo suaasha shirka ku qotoomay.
Maxamuud ayaa ugu horeytiiba u sheegay dhageystayaasha in fikirkiisa iyo martida kaleba ay inta badan dadka ay ka warqabaan maadaama uu yahay qoraa oo uu ku cabiro qoraaladiisa marxaladaha kale duwan ee dalka.
Maxamuud Culusoow
Anigu waxaan idiin sii qaimaa suaasha meesha taal Sidee Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Fedraalka ah ay isula shaqeyn karaan? iyo ka hadalkeeda meesha mataal waayo dowlad goboleed wax la yiraahdo ma jiraan marka la fiiriyo sharciga. Dooda labey ku socotaa  waxna waxa weeye dastuurkaas oo hada la leeyahay Soomaali baa ku heshiisay iyo buuga fasiraaya dastuurka dastuurka labadaas waxa ay yihiin markii ay soomaalidu mudo doodayeen ay rabaan in ay ku dhaqmaan” ayuu yiri Maxamuud Culusoow.
Dastuurka wax walba waa kala hadlaayaa nuxurkiisana waxaa weeye arimaha siyaasada, dhaqaalaha, bulshada, awoodaha ay kala leeyihiin heyadaha dowliga ah dhamaantood, dowlada fedraalka ah sidii lo dhisi lahaa waa taabanayaa  laakiinse ka hadlimaayo dowlad goboleed wax la yiraahdo wax la aqoonsan yahayna ma jiraan.
Maxamuud Culusoow waxaa uu si  toos halkaas ka sheegay in wax dowlad gobleed la yiraahdo in aysan ka jirin Soomaaliya.
Cali Saciid Fiqi
Cali Fiqi
Waxaa ku Xigsaday oo nasiib u yeeshay in uu noqdo qofka 2aad ee kulanka Fagaaraha ka hadlo Cali Fiqi.
Cali ugu horeyntiiba waxa kasoo qeybgalayaasha u sheegay in isaga iyo raga kale ee lagu casumay kulanka ay saaxiibo yihiin oo meelaha qaar ay ku kala duwan yihiin balse ay xushmad weyn ay isku hayaan
Cali Fiqi
“Waxaan rabaa in dowladaan aan u bixiyey 2nd Republic aan laga dhigin tii 60kii oo kale oo loo yeelo Base addag oo ku dhisan Caddaalad, Sinaan, in calankaas hoostiisa Soomaali ah uu nabad ku helaa, Calankaas hoostiisa aan nabad lagu heleen cidkastaana lagu rafaadinaayo wax fiican maahan” ayuuu yiri Cali Fiqi
“Waxaan fursad u leenahay in aan taariikh aan sameyno taariikhda aan sameyneyno waxaa waaye in Soomaalida aan lagu dilin dalaka Koonfur Africa oo nin kasta oo Soomaali ah isaga oo xoriyad ah uu dalkiisa ku noolaado. Dagaalka wuxuu keenay waan la soconaa aduunka dagaal kastaa dhacaa 2 waxyaabood baa keena sadbursi iyo wax kala tabasho. Dadkii ayaa waxa ay ku dagaalamayaan kheyraadka dalka yaa maamulayaa aa lagu dagaalaa”
“Dagaalka 1991 iyo kan hada socdaba waxaa lagu dagaalamayaa kista labada wabi dhexdooda ah ee beereed ka ah aan lagu dagaalamayaa” ayuu yiri Ccali M Fiqi
Cali Fiqi waxa uu kaloo sheegay in dhibaatooyin badan ka taagan yihiin Shabeelada Hoose in ldowlada xalisana ay qasab tahay.
Cali Fiqi waxa uu si dadban u soo dhaweeyey  qaabka Fedraalka ee ay soomaaliya qaadatay oo waxa uu yiri
“Soomaaliya waxa ay isku raaceen nidaamka Fedraalka laakiin marka aad sii wareysatid fadaaliisimkii baa dadka noocyo kala duwan dad u fasiraaya marka aad sii weydiisid nin walbaa waxa uu ku dhahaa aniga ma rabo in dowlada dhexe ay iisoo magacawdo gudoomiye gobol aniga ma rabo in la iisoo magacaabo taliyha booliiska, ama qaadiga Gobolka waa macquul waaye nooca fedraalka ay Soomaali isku raacsan tahay waxaa waaye awoodii dowlada dhexe haloo soo dhaweeyo  dadka shacabka ah taasna meelkastay taalaa sababta waxa waaye dowlada dhexe waxa ay ku mashquulsan tahay sawirka weyn baahida hoose ee shacabka tuullooyinka jooga ma fahmi karaan marka hadii nidaam oo fedraali ah oo awooda ay gacanta u galeyso maamul goboleed ma xuma”
Feysal Rooble

Ama Halkaan ka Dhageyso
Feysal Rooble
Feysal Rooble ayaa ugu danbeyntii laagu soo dhaweeyey makarafoonka uGu horeyntiiba Feysal waxa uu halkaas ka sheegay isaga oo kaftamaya in lagu sii cabsiiyey isaga iyo Maxamuud ay isku feeri karaan kulanka laakiin waxa uu nasiib wanaag ku tilmaamay in labadoodaba ay isku fikir ay waxyaabo badan ay ka yihin oo sida lamoodaya in aysan u kala fogeyn.
Waxa moodaa in la iskuwada raacay arinta nidaadma Fedraalka ah ay noqotay nidaamka Soomaaliya  lagu hogaamin doono ma jecli in aan idiinku soo celceliyo waxa ad ka dharagsan tihiin laakin waxa aan rabaa in aan ka hadlo in Fedraalka uu noqotay  nidaamka Soomaaliya lagu hogaamin doono mustaqblka dalkana lagu hagi doono”
Feysal isaga oo qodobeynaya waxa uu yiri

Ama Halkaan ka Dhageyso 
Dastuurka Qodobkiisa sadexaad waxa ay sheegeysaa nidaamka Feraalka Soomaaliya waxa uu u yahay aasaas ama sal .
Qodobka lixaad waxa uu sheegayaa in gobolkasta ama State kasta ay yeelato Calan u gaar ah oo barbar socda kan wadaniga ah .
Qodobka sagaalaad waxa uu sheegayaa in caasimada laga gorgortami doono marka waqtigeeda la helo inkasta ay Soomaali isku raacsan tahay in Caasimada ay sii ahaato Muqdisho laakiin waa ay lalan tahay marka laga reebo waxa laga badalay oo hoos loo badalay taasna loo heysto ragii badalay weyno ka daba tagi doonaa.
Qodobka afartan iyo lixaad waxa uu sheegayaa is xukunka umada Soomaaliyeed  waxa uu ka bilowdaa kuna dhamaadaa umada.
Qodobka afartan iyo sideedaad waxa uu sheegayaa labo dowladood tan Fedraalka ah iyo tan gobolada arimahaas oo dhami waxa y idiin tusaaleysaa in nuxur tahay nidaamka fedraalka ah.

Ama Halkaan ka Dhageyso 
Feysal isaga oo arimaha Jubooyinka hadlayo waxa uu yiri.
“Waxa ka dhacaya Jubbaland wax kale maahan waa gorgortan dowladu ay isku dayeyso in ay qabsan karto dabadeedna sida bay, shabeelooyinka iyo  hiiraan ay u sameyn karto maamul iyaga oo kamid ah Fedraalka qiyaasteyda waxa weeye wixii maalintii dhaweyd dhacay iyo fashilkii ku yimid dowlada dhexe calaamad waxa uu u ahaa bakooradii ugu danbeysay ee dowlada fedraalka dhabarka uga jabtay in ay wax u sameyn karto in ay aheyd”

Ama Halkaan ka Dhageyso
Kulanka ayaa waxa uu ekaa in Maxamuud Culusoow iyo Feysal Rooble aysan waxna isku reeban sidii ay u hadleena ay taageerayaashooda ay aad ugu qanceen,  halka Cali Fiqi uu ekaa nin qaboow oo dabacsan oo mararka qaar u ekaa nin dhinaca Culusoow u yara dhow oo mararka qaarkoodna hadalo badan oo dhamaan dadkii kulanka joogay ay u wada sacab tumeen halkaas ka jeediyey.

Sawirada Kulanka Fagaaraha Halkaan ka daawo

Use Facebook to Comment on this Post

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...