Sunday 30 June 2013

Masuuliyiintii SH Xasan Daahir Cadaado ka keenay oo ay jirdil u geysteen ciidanka Nabad sugidda oo xabsiga laga sii daayey


muq kkkkkk
Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanadii, Siyaasiyiintii, odayaashii dhaqanka iyo saraakiishii ciidan ee Cadaado ka keenay  SH Xasan Daahir Aweys ee xalay ay jirdalka u geysteen ciidamada nabad sugidda kadibne ay xabsiga u taxaabeen ayaa maanta Jeelka laga sii daayey,Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa dadka xabsiga la dhigay ayaa sheegay in laga siidaayey.
Axmed Diiriye ayaa sheegay iney si ba’an u jirdileen ciidanka nabad sugidda wuxuuna xusay xiliga uu hadlayey inuu dareemayo xanuun fara badan,wuxuuna tibaaxay ineysan garaneen waxa ay dilka iyo xabsiga ku mutaysteen iyaga oo kusoo guuleystay shaqo ay u dirtay dowladda Soomaaliya oo ay dhib badan kasoo mareen.
Ciidanka nabad sugidda Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye Cali. Jen. Subxaanyo,Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo rag kale oo ka mid ahaa waftigii SH Xasan Daahir Aweys ka keenay magaalada Cadaado.
Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin jirdilka iyo xarigga lagula kacay Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo Saraakiisha ciidan ee SH Xasan kusoo qanciyey inuu isku dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...