Monday 17 June 2013

Madaafiic Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Madaafiic Xoogan ayaa lagu soo warramayaa in xalay Habeen Barkii lagu Garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaafiicdaan oo tiradoodu ay ahayd illaa 4 Madfac ayaa waxaa La xaqiijiyay in ay ku dheceen Xarumo isku dhow oo ay ka midyihiin Afaafka Hore ee Madaxtooyada ,Xarunta Nabad Sugida Qaranka iyo Agagaarka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.
Ma jiraan illaa iyo iminka wax khasaaro ah oo ay Geysteen Madaafiicdaasi oo La xaqiijiyay.
Dhinaca kale Howl gallo Ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan Xaafadaha Degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag.
Meelaha ay Howl galladaani ka socdaan waxaa ka mid Xaafadaha Black Sea , Al Baraka iyo Warshadda Caanaha.
Ma Jiraan illaa iyo Iminka wax war ah oo ka soo Baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo ku aadan Howl gallada socda iyo Madaafiicdii Xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...