Saturday 22 June 2013

Al-Shabaab oo beenisay dagaalka Baraawe


 20 June, 2013, 11:55 GMT 14:55 SGA
Al-Shabaab
Kooxo kawada tirsan Al-Shabaab oo ku dagaallamay Baraawe
Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyay dagaalka la sheegay in uu dhexmaray labo garab oo ka tirsan Al-Shabaab.
Warar laga helay magaalada Baraawe ayaa sheegayay in dagaal u dhexeeya ciidammo ka wada tirsan Al-Shabaab uu ka dhacay magaalada.
Wararka waxay intaas ku darayaan in saraakaal ka tirsanaa Al-Shabaab la dilay, iyadoo ugu yaraan 20 ruux oo kalena lagu xiray magaalada.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka la xiray ay yihiin taageerayaasha Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtar Robow.
Xiisad ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay Baraawe taas oo si weyn looga dareemayo magaalada.
Lama garanayo sababta keentay khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee kawada tirsan Al-Shabab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...