Tuesday 14 May 2013

WARBIXIN: Xaggee Buu Marayaa Mooshinkii La Sheegay In Xildhibaano Ay Ka Geeyeen Raysul Wasaare Saacid?

Comments (0) | Write Comment

Muqdisho (RBC) Xog ku dhow guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xildhibaano kor u dhaafaya illaa 90 mudane ay isu diiwaangeliyeen olole “mooshin” ka dhan ah raysul wasare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisa kaasoo illaa hadda uu ka socdo Muqdisho.
Raxanreeb ayaa ogaatay in 97 mudane ay saxiixeen mooshinka looga horjeedo raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa kaasoo si xoog leh ay ugu soo biireen maalmihii u dambeeyay qeybo kala duwan oo ka mid ah xildhibaanada ay beelahooda ka gadoodsan yihiin wax-qeybsiga xilalka dawlada.
Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku biiray xildhibaanada ka soo jeeda Sool iyo Sanaag [Khaatumo State] oo markii hore ololahan bilaabay, waxaana la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo hoose oo ay wadaan dhinacyo taageersan mooshinka iyo kuwo ka horjeeda iyadoo dawlada lafteedu ay wado dadaal xoog leh oo ay ku kala furfureyso ololaha.
Sidoo kale xildhibaanada Jubbooyinka oo dhaliisan siyaasadda dawlada ee ku aadan dhismaha maamulka Jubbaland iyo shirka Kismaayo ayaa iyaguna geestooda ka galay ololaha socda oo ay u arkaan inuu iyaga fursad siinayo.
Bilawga ololaha
Qaar ka mid ah mudanayaasha wada ololahan oo Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in hadda dhinacyada ku soo biiray mooshinka ay sii kordheen, isla markaana mooshinku noqday mid irid u furay siyaasiyiin badan oo dawlada u faruuryo qaniinsanayey.  Ragga sida weyn hadda uga dhex muuqda ololaha waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mudooyinkan ka maqnaa masraxa siyaasadda iyo dhowr siyaasi oo kale oo qaarkood xilal wasiiro uga soo qabtay dawladihii ku-meelgaarka ahaa.
Ilo wareedyada waxay sheegayaan in ololaha uu ballaartay oo xitaa lagu jeediyey guddoonka baarlamaanka kadib markii Shariif Xasan sheegay in baarlamaanku yahay meesha ugu horreysa ee u baahan in ololaha lagu foorariyo ka hor inta aan loo gudbin raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa. Laakiin arrintaasi lafteeda waxay sii kala dhantaashay xildhibaanada horey u waday ololaha oo qaarkood diideen hawshan salka ballaaran.
Shariif Xasan oo ololaha ku soo biiray.
Shariif Xasan ayaa ololihiisa si xoogan ugu adeegsaday odayaasha beeshiisa iyo xildhibaanada uu gacansaarka la leeyahay kuwaasoo wacad ku maray inay mooshinkan riixayaan illaa meesha ugu dambeysa.
Siyaasiyiin iyo bulshada rayidka oo qeyliyey
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo war saxaafadeed ka soo saaray Garowe maalintii Axaddii ayaa ka digay in ololahan uu sii socdo.  Puntland waxay sheegtay inaan hadda loo baahneyn soo celinta isqabqabsigii siyaasadeed ee ka dhextaagnaan jiray madaxdii dawladihii ku-meelgaarka ee dalka soo maray.
Puntland waxay kaloo sheegtay in ololaha looga horjeedo raysul wasaare Saacid oo hadda 7 bilood kaliya xafiiska jooga uu kaliya luminayo dadaalkii, waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay ka bixidda nidaamka ku-meelgaarka, iyadoo aysan Puntlamd sheegtay in shakhsiyaad danahooda raadsanaya aysan ku habooneyn inay adeegsadaan baarlamaanka federaalka ah. AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA PUNTLAND
Farriinta madaxweyne Faroole waxaa sii xoojiyey ururada bulshada rayidka oo shalay kulan ballaaran oo ay Muqdisho ku qabteen ku cambaareeyay wax ay ugu yeereen “damac aan ku saleysneyn danta dadweynaha”.  Xubnaha bulshada rayidka oo ay xildhibaano kale ka dhex muuqdeen ayaa ka digay inaysan ololaan doonin in dad leh ujeedooyin siyaasadeed ay xukuumadda curdanka ah ridaan.
Dhanka kale waxay Raxanreeb ogaatay in bilawgii toddobaadkan xildhibaano taageersan dawlada ay ishortaageen kulan qado ahaa oo hotelka Wehliyey ay ku lahaayeen xildhibaanada xukuumadda mucaaradsan.  Kulankaasi ayaa lagu kala tegey kadib markii ay ku dhex dheceen xildhibaanada xukuumadda taageersan.
Dagaalka dawlada kaga hortageyso ololaha
Dhankeeda wasiirada xukuumadda ee u badan kooxda Damu Jadiid iyo xildhibaanada taageersan ayaa iyaguna ku jira dagaal xoog leh oo ay kaga hortagayaan ololahan la doonayo im xukuumadda looga horyimaado.  Dagaalkan ayaa si muuqata looga dareemayaa hoteekada iyo xarumaha ay degan yihiin xildhibaanada iyo wasiirada ka dhex muuqda dawlada.
Raysul wasaare Saacid.
Waxaase haatan ku soo biiray ololahan siyaasiyiin madax bannaan oo qaarkood lagu sheegay inay xilal doon yihiin maadaama iskushaandheyntii wasiirada ay soo dhowdahay, iyo qaar saaxiibtinimo dhow la leh dawlada sida Raysul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo maalmahan kulamo muhiim ahaa oo isku dayey inuu ololaha ku qaboojiyo kula yeelanayey Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaanada iyo odayaasha beelaha wada ololaha ka dhanka ah xukuumadda.
Dadka siyaasadda la socda waxay leeyihiin waxaa laga yaabaa in ololaha dawlada ay dhankeeda ka wado uu noqdo tallaabada ugu haboon ee lagu kala dhantaalayo ololaha ka dhanka ah xukuumadda, maadaama ay dawlada bixineyso ballanqaadyo xoog leh oo ay ka mid yihiin inay xilal wasiiro cusub ah ku harqin doonto siyaasiyiinta ku guuleysta inay qorshaha lagu ridayo xukuumadda kala jebiyaan.  Tusaale fiicana waxaa noqon kara sidii ay xukuumaddu ugu guulerysatay inay shiiqiso qeyladii ka soo yeereysay baarlamaanka bishii hore markii ay u yeereen raysul wasaaraha iyo wasiirada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo difaaca.
Hase yeeshee waxay waliba kala caddaan doonaan maalmaha soo socda, walow dad badan ay ka niyadjabsan yihiin waqtiga ku lumaya isjiidjiidkan hadda hareeyay dawlada oo ay hawlo fara badan oo amnigu ugu horeeyo ay u yaallaan.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...