Wednesday 8 May 2013

Somalia - Warkii Maanta


Gaadiidka iyo shacabka ayaa laga manuucay inay isticmaalaan wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama.
Taliyaha Ciidamadda Wadooyinka  Gen Cali Xirsi barre Cali Gaab oo Maanta Qaar ka mid ah Warbahinta Shir Jaraaid u Qabtay ayaa waxaa uu ka Hadlay Amar ka soo Baxay Madada Dalka kaa oo Gaadiidka daweynaha Qaarkiis looga Mamnuucay in ay Isticmaalaan Wadooyinka Muhiimka ah Qaarkood  Sida Wadada Maka Al-Mukarama Wadada Aad Air Borka iyo Kuwo kale .
Taliyaha ayaa Sheegay in Wixii Ka Bilawda 7 May oo Bari ku beegan aaney Gaadiidka Qaada Dadweynaha ee Loo Yaqaan Caasiga aysan Isticaali karin Wadada Maka Al Mukarama Sidoo kale Waxaa laga Mamnuucay Wadadaasi Gaadiid Rakaab ah ee Rarka ka soo qaada  Dakada sidoo kale Gaadiid dhagaxlaha loo yaqaan Isaga oo u Sababeeyay in ay Xayirayaan Socodka Madaxda Dowladda iyo Madaxda Caalamka ka imaaneysa oo Si Aad ah u Isticmaasha Wadadaas.
Cali Gaab ayaa sheegay in Gaadiidka Xamer weyne laga Raro ee Caasiga ah ay Mari doonaan Wadada Buundooyinka  ee Waabari Marta dadkana lagu Daji Doono Iridka Hore ee Hotel Naasa Hablood 1  Midka ka yimaada bakaaraha uu mari doono isna Wadadad Wadnaha ka dib uu la soo laaban doono Wadada Ka soo dagta Tarabuunka Dadkana ay ku daji doonaan Inta aan la Gaarin Safaarada Turkiga. Kuwa ka yimaada Madiina iyo dhanka Banadirna ay dadka Keni Doonaan Isgooska Soobe wadadda aada air borka ayaa iyadana laga mamnuucay gawaaridaan in ay isticmaalaan .
Wadooyinka Caasimadda ayaa Maalmahaan Dambe waxaa ay ahayen kwa isticmaalkoodu uu aad u liito aa amaan daro ku soo badaneysay waxaana aan la ogeyn waxa ay ka badali doonto arintaa amaanka Caasimadda
Fu’aad Maxamed Shangole oo sheegay in la dilay Al-Amriiki
Fu’aad Maxamed Shangole, oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in galabta deegaan u dhow tuulada Raama-caddey ay rag hubaysan oo taageersan horjoogaha ugu sarreeya Al-Shabab Axmed Godane ay ku dileen Cumar Xamaami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Shangole, oo xalay maqribkii muxaadaro ka jeediyay masjidka weyn ee magaalada Buul0-barte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsanayd.

Fu’aad Maxamed Shangole wuxuu sheegay in dhowaanahaan kooxo ka tirsan Al-Shabab ay qorsheynayeen shirqool lagu dilayo Abuu Mansuur Al-Amriki, oo si weyn uga soo horjeeday fikradaha Axmed Godane.
Al-Amriiki ayaa dhowaan bogga internetka ee Twitter soo dhigay sawirro muujinaya dhaawacyo ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane in uu doonayo in la dilo shisheeyaha ka garab dagaallama Al-Shabaab.
Ibrahim Afqaan oo ka mid ah horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabab ayaa dhowaan warqad uu u diray hoggaamiyaha Al-Qaacidda Eyman Al-Dawaahiri ku sheegay in kala dambeyn la’aan ba’an ay ka dhax jirto horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabaab.
Ma jiraan ilo-wareedyo rasmi ah oo caddeynaya dilka Abuu Mansuur Al-Amriiki marka laga reebo hadalka uu caawa Fu’aad Shangole ka sheegay Buulo-burte. Dhowr goor oo hore waxaa beenoobay warar sheegayay in la dilay Omar Hammami.
Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan lacag shan milyan oo doollar dul dhigtay madaxa Abuu Mansuur Al-Amriiki.
R/wasaaraha oo ka qeyb galay banaanbax lagu taageerayay shirka London
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta ka qeyb galay banaan baxa balaaran oo lagu taageerayay shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo maanta ka furmay dalka ingiriiska.
Banaanbaxan waxaa ka qeyb galay R/wasaaraha dalka, wasiirka warfaafinta, wasiirka arrimaha gudaha, saraakiil ciidan, maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha dagmooyinka, Odayaal dhaqameed, Fanaaniin iyo boqolaal dad weyne ah oo ka kala yimid dagmooyin gobolka Banaadir.
Dibad baxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Beerta Nabadda ee dagmada Waaberi waxaana intii uu socday ay fanaaninta ku soo bandhigeen heeso ka turjumayo sida ay ula dhacsan yihiin shirka ka furmay London.
Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Cali Axmed Guure oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay si weyn u tageersan yihiin shirka ka furmay London.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciil-mooge ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay tageeraan nabada iyo xasiloonada dalka.
wasiirka ayaa intaasi ku daray in dib loo soo celinayo amaanka caasimada dalka, isagoona balan qaaday in dib loo howlgalinayo xarunta murtida iyo madadaalada Qaranka ee Tiyaatarka.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay in shirka ka furmay maanta magaalada London uu yahay mid Taariikhi ah oo ay Soomaaliya xusuusan doonto waxa uuna ku booriyay madaxda ka qeyb galeyso shirka in ay ka soo saran go’aano wax gal u ah dalka.
Ugu dambeyntii R/wasaaraha dalka Mudane Cabdi Faarax shirdoon ayaa qeexay in dowladda Soomaaliya qorsha ay shirka uga hadleyso uu yahay mid cad waxa yaabaha looga hadlayana ay ka mid yihiin amaanka, cadaalada, nidaamka iyo waxyaaba kale oo muhiim u ah shacabka.
Dhanka kale R/wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dowladda ay gacan ka siyaan la dagaalanka cadawga Soomaaliyeed ee shabaab kuwaas oo caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah.
Qodobada Kasoo Baxay Iyo Nuxurka Khudbadaha Laga Jeediyey Shirka Caalamiga Ah Ee London Oo Arrimaha Soomaliya Quseeya ….AKHRISO
Waxaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada London ee caasimadda dalka Britain shirka caalamiga ah ee London oo arimaha Soomaaliya quseeya ayadoo shirkaasina ay si wadajir ah u shir gudoominayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon.
Shirka ayaa si rasmi ah uga furmay guriga Lancaster house ee magaalada London waxaana kasoo qeybgalay madax ka kala socota in kabadan 50 dowladood oo caalamka ah waxaana uu u jeedada shirkaasi ay tahay in Soomaaliya ay caalamku si wadajir ah u taageeraan ayadoo laga taageerayo qorshayaasha Dowladdu u dejisay hormarinta dhinacyada ammaanka,garsoorka,dib u dhiska iyo dhaqaalaha.
Ra’isulwasaaraha Dalka Britain David Cameroon oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay in Rajada Soomaaliya ay weli nooshahay oo ay ka bidhaameyso waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in dib loo dhiso Soomaaliya si looga maarmo safar baaxad weyn oo ay dadku Soomaaliya u galaan iyo in la helo meel argigixisada loo dhoofiyo.
“amniga Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay ammaanka caalamka oo dhan Soomaaliya waxaa ka jira argigixiso,burcad badeed iyo dhibaatooyin kale waxaasi oo dhanna waa kuwo ka dhashay dayacaad beesha caalamku ay ku sameyso Soomaaliya mana dooneyno in qaladkaasi markale la galo”ayuu ku yiri khudbaddiisa Ra’isulwasaare David Cameroon.
Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka ay tahay in xiligan Soomaaliya loo taageero oo ay caalamku u taageeraan waxaana uu yiri” in ayada oo si wadajir ah loo taageerayo Soomaaliya waxeynu hirgelin karnaa qorshaha amni ee ay la timaado Dowladda Federaalka Soomaaliya,qorshahaasina waa dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya,taasi waa mida soo afjari doonta falalka argigixisanimo ee ururka Al-Shabaab”
Ra’isulwasaare David Cameroon ayaa madasha ka dhawaaqay yabooh dhaqaale oo ay Dowladda Britain ku taageereyso Soomaaliya oo kala ah:-
Toban Milyan oo geniga Istarliinka ah oo la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo in ka badan 14Million Geni oo la siinayo hay’adaha iyo Garsoorka iyo Cadaalladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna kulankaasi shir gudoominayey ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ugu horeyn uga hadlay hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay gaar ahaanna hormarrada laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda waxaana uu Madaxweynaha xusay inay lagama maarmaan tahay taageerro xiligan ay beesha caalamku wadajir u siiyaan Soomaaliya ayadoo laga taageerayo ammaanka oo ay ugu horeyso la dagaalanka argigixisada Al-Shabaab iyo in dowladda laga taageero hormarinta dhinacyada garsoorka,Garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha.
“dowladdu waxey gaartay guullo aad u farabadan oo dhinacyada ammaanka iyo siyaasaddaba isugu jira waxaana xaqiiqo ah in dhammaan guullahaasi ay ku yimaadeen taageerrada iyo kalsoonida ay beesha caalamku u muujiyeen Soomaaliya oo ah mid dhameystiran sida inoo muuqata, waxaan jeclahay inaan dowladda Britain iyo Ra’isulwasaare David Cameroon uga mahad celiyo hirgelinta shirkan baaxada leh”ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay maalgashi ay xiligan beesha caalamku ku sameeyaan Soomaaliya waxaana uu xusay in Dowladdu ay gacma furan kusoo dhaweyneyso cid walba oo dooneyso iney dalka Soomaaliya maalgashi ku sameyso.
Madaxweynaha oo ka hadlay dhinaca ammaanka ayaa tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-shabaab waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xusay iney lagama maarmaan ay tahay in si guulahaasi ay usii socdaan dowladda laga gacan siiyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida si ay awood buuxda ugu yeeshaan bur burinta argigixisada Al-Shabaab,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha xusay xiriirka ku dhisan deris wanaaga iyo iskaashiga ee ay Dowladda Federaalku la leedahay dalalka deriska la ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa ammaanay isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu Madaxweyne Geele xusay lagama maarmaannimada iney caalamku si wadajir ah u taageeraan Soomaaliya xiligan.
Madaxweynaha Uganda Uweri Museveni oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa xusay in Dowladda Uganda ay had iyo goor garab taagantahay Soomaaliya taageeradaasina ay qeyb tahay Ciidammada ka socda dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya waxaana uu Madaxweyne Museveni xusay in taageeradaasi ay Dowladda Uganda sii wadi doonto.
Ra’isulwasaaraha Ethiopia  Hayle Mariam Disale oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraaday hormarka xiligan ka jira Soomaaliya waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam xusay hadii caalamku ay si wadajir u taageeraan dib u dhiska iyo hormarka Soomaaliya, dowladiisana ay wadashaqeyn dhow oo ku dhisan iskaashi iyo deris wanaag ku dhisan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in dowladiisa cusub ay aad u garab taagantahay hormarka uu caalamku la garab taaganyahay Soomaaliya waxaana uu codkiisa ku biiriyey in caalamku ay si wadajir ah xiligan usii taageeraan Soomaaliya.
Hadaba Yaboohyada dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.
75Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.
Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.
Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Qatar 18 Million $ oo dollar.
Dhammaan yaboohyadan waxey hordhac u yihiin yabooh dhaqaale oo ay caalamku wadajir ugu taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya ayadoo taageradaasi inteeda badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.
Hadaba warmurtiyeedka kasoo bixi doona gebagebada shirka oo Radio Muqdisho uu si hordhac ah u helay ayaa qodabada ku xusay waxaa ka mid ah:-
Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan  ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.
In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.
Dhameystirka Dastuurka qabyada
La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka
In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho
Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland
Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka  deeqaha bixiya.
Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa wareysi uu siiyey idaacadda codka Mareykanka ee VOA ayaa ka hadlay sameynta qodobka la xiriira sanduuq dhaqaale oo Soomaaliya lagu taageerayo waxaana qodobkaasi uu wasiirku ku tilmaamay mid muhiimadiisa leh.

Xildhibaano ku shiray Muqdisho, iskuna raacay arrin muhim ah
Muqdisho {Caasimada Online} Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkooda uu ku aadanaa arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo sidii loo xakameyn lahaa falalka amni-darro ee ka jirta magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cismaan Muqtaar Maxamed oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay si gaar ah diiradda ugu saareen  sidii loo xakameyn lahaa falalka amni-darro ee ka jira magaalada Muqdisho, kuwaas oo baaq u diray hay’adaha ammaanka iyo madaxda dowladda Soomaaliya.
“Runtii waa wax aan la aqbakri Karin in marka uu qarax dhaco haddii bartilmaameedkii lalal waayey ay madaxda dowladda yiraahdaan wax khasaare ah kama dhalan, iyagoo qarinaya shacabka faraha badan eek u halaagsamay weerarada qaar, tusaale waxaan u soo qaadan karnaa kii Maxkamadda gobolka Banaadir ka dhacay oo ay madaxda dowladda inkireen dadkii shacabka ahaa ee wax ku noqday” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Muqtaar Maxamed.
Sidoo kale xildhibaan Cismaan Muqtaar Maxamed waxa uu sheegay in qarixii lala eegtay samafalayaashii u dhashay dalka Qadar ee ka badbaaday weerarkaasi ay madaxda dowladda dafireen dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay, kuna dhaawacay, sheegayna in wax khasaare ah uusan ka dhalan weerarkaas, arrinkaas oo uu ku tilmaamay mid loo baahneyn, isagoo sheegay in marka hore loo baahanyahay in ammaanka la adkeeyo.
Ugu dambeyntii xildhibaanku waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay isugu darsameen gaajo iyo lacag la’aan, wuxuuna intaasi ku daray in maciishadda ay meel-saro mareyso, halka sarifka lacagaha qalaadna aysan laheyn sal fadhiya oo ay sabeynayaan, isagoo madaxda dowladdana ka dalbaday inay kaxameeyaan sarifka lacagaha iyo maciishadda ee lagu dhibaateynayo dadka danyarta ah.

 Mid ka mid ah barbarta gaashaaman oo  lagu dilay MUQDISHO
Muqdisho {Caasimada Online} Mid ka mid ah fanaaniinta Barbaarta gaashaaman ee soo dhaweysa marka ay dalka imaanayaan madaxda caalamka, isla markaasna gaado ka ciyaar ku soo bandhiga fagaarayaasah fatastiyaha lagu dhigo ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Fanaanka ka tirsanaa barbaarta gaashaan ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xujaale Yuusuf Garoon, kaas oo ka mid ahaa barbaartii gaashaneyd ee doraad Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku soo dhaweysay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo bastoolado ku hubeysnaa.
Mr. Xujaale ayaa ka mid ahaa sida ay noo sheegeen dad eheladiisa ah barbaarta gaashaaman ee degmada Dayniile, waxaana maanta kooxo huebsyan ay ku toogteen deegaan lagu magacaabo Saqiiro oo ka tirsan degmada Dayniile halkaas oo ka mid ah goobaha ay ka soo duulaan tagaan ciidamada Al-shabaab ee qaraxyada iyo dilalka ka fuliya magaalada Muqdisho sida ay dad xog-ogaal ah sheegayaan.
Si rasmi ah looma oga ujeedka loo dilay Mr. Xujaale, inkastoo loo maleynayo inay xiriir la leedahay soo dhaweyntii ay degmada Dayniile ugu sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi uga qeybgalayey kulan ay soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir oo looga hadlayey xaaladda ammaan ee degmada Dayniile.



Dowladda Iran oo lagu eedeyeey in ay ku tagerto Al-shabaab walxaha qarxa
Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa wadanka Yemen ayaa lagu daabacay warar sheegaya in shixnado walxaha qarxa ah oo laga keenay wadanka Iran loo adeegsaday weerarkii ismidaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray kolonyo ay la socdeen wafuud samafal ah oo kaso jeda wadanka Qadar ayna masuuliyadeda sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Weerarkaasi ismiidaminta ah ayaa waxa ku geeriyootay tiro tobaneeyo dad rayid ah.
Maclumaadka uu heelay wargeskaani ayaa waxa uu ku muujinayaa suurta galnimada in ilaalada kacaanka wadanka Iran in ay hub ay ka gudbiyeen jamhuuriyada wadanka Yemen kuwaasi oo la geeyay waqooyiga wadanka Somalia oo saldhig muhiim ah u noqotay dowlada Iran in ay maslaxadeda dhanka gobolka ay ka fuliso.
Xukuumada Tehraan ayaa lagu eedeyay hubeynta dagalamayaasha Xarakada Al-shabab oo gantaalo iyo hub fudud ba ay siinayso.
Hubkaasi laga soo galiyay dhanka yemen ayaa jariidada waxa ay shegeysaa in la geeyay konfurta Somalia oo saldhigyo ay ku leeyihiin xarakada al-shabaab.
Ma jiraan war kamadax banana warbixinta uu wargeskaani daabacay..hadii ay rumowdo warbixinta wargeskaani ayaa noqon doonto talaaboyin cusub oo dowlada iran iyo maraykanka ay cadowtooyadooda ay u soo wareejinayaan Somalia iyadoo bilo ka hor ay dowlada maraykanka ay aqoonsatay dowladnimada wadanka Somalia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...