Thursday 23 May 2013

Somalia - Wararka Maanta


Gudoomiyihi J/Hoose: Axmed Madobe Taangi ayuu saaran yahay isagaana lagu doortay” (Dhageyso Wareysi)

Axmed Cabdi Sandheere oo ah gudoomiyihii hore ee gobolka Jubbada Hoose ee Dowladdii allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan khilaafka siyaasadeed ee ka aloolsan Kismaayo.

Wuxuu sheegay in waxba aysan soo kor dhin Maamulada is barbar ordaya ee looga dhawaaqay Kismaayo.

Axmed Sandheere ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu taangiga Dowladda Kenya ku joogo Kismaayo, islamarkaana maamulka uu ku dhawaaqay iyo Taangiga Kenya-ba aysan dhinac kaga bixi karin Kismaayo.

“Axmed Madobe Taangi ayuu saaran yahay isaga ayaana lagu doortay, waana nin is bed-baddel badan oo dhowr maamul ayuu la soo shaqeeyay” ayuu yiri.

DF oo saxiixday heshiis milatari oo caalami ah

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka Ciidanka Xooga kala saxiixatay Dowladda aan walaalaha nahay ee Sudan.

Hishiiskan oo ay kasoo shaqeyeen Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa Soomaaliya u saxiixay Ganaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, Halka Dhanka Sudan uu u saxiixay Ganaraal Axmed Jumca oo isagana ah Gudoomiyaha Garsoorayaasha Ciidanka Qalabka sida ee Sudan.

Hishiiskan  oo ay Goobjoog ka ahaayeen Saxiixistiisa Wasiirada Gaashaandhia ee Soomaaliya iyo Sudan ee kala ah C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo C/raxiin Maxamed Xasan ayaa waxa qodobadiisa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo Dib usoo noolayntii Ciidankoo Xooga Qaranka Soomaaliyeed iyo Tababaradooda oo ay Sudan gacan wayn ka gaysato Sidii loo Xaqiijin lahaa Ujeedkaas.

 

Hishiiskan oo Qodoba badan taabanaya ayaa inta badan lagu Hishiiyay in Sida ugu dhaqsiyaha badan loo howlgaliyo ee aan waqti badan qaadan ka shaqaynta hishiiskaas.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/Xakiin Maxamuud Fiqi oo Hishiiskaas marka la saxiixay kadib ka hadlayay Goob Casho sagootin ah uu Dhigiisa u sameeyay ayaa si Qiimo badan ugu mahadnaqay Dowladda Walaaha Nahay  ee Sudan oo habeen iyo Maalin Garab istaagta Soomaaliya.

Dhanka Kale Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Sudan ayaa isagana sheegay in Ay ka shaqaynayaan Hishiiskan hirgalintiisa Sudan iyo Soomaaliyana aysan u arag in ay yihiin Laba dowladood ama laba shacab bal ay yihiin Hal shacab oo walaalo ah.

Hishiiskaas oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Safaarada gaar ahaan Safiir Maxamed C/laahi ugaas ayaa lagu balamay in sida ugu dhaqsiyaha Badan hishiiskaas loo hirgaliyo.

Waa Markii ugu horaysay oo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay Hishiis nuucaan oo kale ah la saxiixato Dowladda Sudan tan iyo Markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

 Askari ka tirsanaa ciidamada USA oo loo maxkamadenayo Shabab darteed

Washington -Askari hore uga tirsanaa ciidamada Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu taagero siiyey kooxda Al-Shabaab, ayaa maxkamad lasoo taagay.

Craig Baxam, ayaa maxkamadda ka codsady in kiiskiisa lagu gacan seero, sababtoo ah buu yiri “Weligiis wax xiriir ah lama yeelan koox”.

Qareenka Baxam oo degan magaalada Laurel ee gobolka Maryland, oo maxkamaddiisa ay ka socoto magaalada Greenbelt ee isla gobolkaas, ayaa sheegtay in si dambiga loogu caddeeyo kalyantigeeda loo baahan yahay in la caddeeyo inuu la shaqeeyay Al-Shabaab.

Linda Moreno ayaa ku dooday in Baxam uusan weligiis la xiriirin ama isku dayin inuu la xiriiro Al-Shabaab, sidoo kalena uusan welgiis daacadnimo u muujin qof ama koox ku xiran kooxda Al-Shabaab.

“Isku day aad ku taageereyso Al-Shabaab waxa ay u baahan tahay ugu yaraan tuhunka xiriir wada hadal ama la shaqeyn, taasina ma aysan dhicin” ayay tiri Linda.

Baxam ayaa ahaa taxliiliye dhinaca sirdoonka ciidanka intii u dhaxeysay 2007 illaa 2011. Waxa uu qaatay diinta Islaamka, waxyar kadib marii uu ka tagay ciidanka.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ka tagay Mareykanka uuna aaday Somalia sanaddii 2011, isaga oo doonayay inuu ku biiro AL-Shabaab.

Waxaa lagu joojiyey dalka Kenya ka hor inta aanu tagin Somalia, halkaasi oo ay su’aalo ku weydiisay FBI-da, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Waxaa dacwad lagu soo oogay sanaddii 2012, ayada oo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Al-Shabaab, waxaana uu wajahayaa 15 sano oo xarig ah, haddii dambiga lagu caddeeyo.

 wariye ka tirsan Caasimada.com uu la kulmay

Mid ka mid ah wariyaasha Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Khamiis ah [21-05-2013] wuxuu kula kulmay dhismaha Tree Piano oo ku yaalla waddada Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho arrin aad looga baran magaalada.

Wariyaha ayaa wuxuu lee yahay, anniga iyo koox kale oo wariyaal ah ayaa abaare 9:30-am ee xilliga Muqdisho waxaan shaax ku cabeynay baar FATXI oo ku yaalla waddadaas, wuxuu yiri “ Waxaan anniga iyo dhammaan dadkii nala joogay goobta shaaxa, aan la kulanay hal mar baabuur cod baahiya uu ku rakiban yahay, waxaana la socday baaburka ayuu yiri Cali Gaab oo ah taliyaha ciidamadda nabad-galyada wadooyinka.

“Dhowr baarbuur oo yaallay goobta aan ku shaaxeynay ayaa waxaan hal mar ka warhelnay iyadoo uu qaadayo Wiish, cid lalama hadlin, sidaas ayaan baabuurtii lagu qaatay waxaana qaarkood soo gaaray wax yeelo” ayuu yiri wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho

Wariyaha ayaa wuxuu lee yahay arrintan ayaa dad badan oo goobta joogtay waxa ay ku dhalisay cabsi, maadama baabuurta nooca raaxda ay hadda billaabeen ciidamada wadooyinka in ay ganaax ku soo rogaan.

“Baabuurta ninkan sidan ayuu ku sameeyaa, ha umaleenin in uu sharci ku heysto ama uu isaga sharciga ilaalinaayo ee wuxuu ka qaataa lacago baad ah oo laalush, hadda baabuurkaas wish-ka lagu qaaday halkaas ayaa la geenayaa wuxuuna ka rabaa 10-dalar” ayuu yiri qof  la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Wariyaha warkan soo diray ee ayaa mar uu la hadlay Taliye Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo ah taliyaha wadooyinka Muqdisho, wuxuu u sheegay in dhawaan dowladda hoose ay soo saartay awaamir ku socota baabuurta la dhigto goobaha Carwooyinka iyo Dukaamada hortooda waddada Makah Al-Mukarama iyo KM4, wuxuuna sheegay  qofkii lagu arko laganaaxayo lacag $400 iyo ganaax kale”

Aarrintan dad badan oo ay wax ka weydiisay dadka Muqdisho gaar ahaan kuwii goob jooga u ahaa waxa ay lee yihiin waa arrin naxariis daro waayo qofka waxaa  dhihi karaa ganaax ayaa ku jirtaa maadama aad baabuurka dhigtay goob aan sharci ahay, laakin qofka haddii laga jajabiyo baabuurkiisa waa arrin aan fiicenen.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay baabuurta, sidoo kale waxaa heegan lagaliyay ammaanka caasimada kaddib markii ay soo kordheen qaraxyada.

Dad badan oo dowladdan ka soo horjeeda waxa ay lee yihiin, dowladdan waxbo kama badalna kuwii soo maray dalka burburkii kaddib, waayo maxaabista dowladda waa la kala iibsadaa, baabuurta wadooyinka xiran haddii askariga siisid lacag yer wuu ku sameenaa waxa aad rabto, arrimahaas oo dhan waa saan-saan aan fiicneen.

 

 

 

 Ethiopia oo caddeysay mowqifkeeda Jubbaland

Afhayeenka Ra’iisul-wasaraha Ethiopia Getachew Reda Ayaa sharaxaad ka bixyay mowqifka dalkiisa ee maamul u sameeynta  gobolada Jubbooyinka, iyadoo ay jiraan eedeeymo la xiriira in Ethiopia ay la safan tahay hal dhinac.

Mr. Reda ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aaney jirin dhinac ay la safan tahay, isla markaana wax kasta oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ay tahay inay ku lug yeeshaan dadka Soomaaliyeed.

 Ethiopia oo maanta go’aan cusub ka soo saartey ciidanka ka jooga Somalia

Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya ay sidooda u sii joogi doonaan isla markaana aan laga saari doonin.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa Farta ku fiiqay in Ciidamada Itoobiya ay la shaqaynayaan Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa amisom isla markaana ay gacan ka gaysan doonaan Dagaalka lagu doonayo in Xarakada Shabaab Dalka lagaga saaro.



Kebejeron af hayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay Dawladda Itoobiya in ammaanka Mandiqaddu ahaado mid sugan isla markaana laga hor tago kuwo  doonaya in Gobolka ay ka dhigaan meel Rabshado iyo degganaansho la’aan ay ka jirto waa siduu hadalka u dhigaye.

Afhayeenka oo wax laga weeydiiyay in Itoobiya wax Lug ah ay ku leedahay Maamulka Jubba land ayuu sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn balse ay soo dhaweynayaan Maamulkii la isku waafaqo ee Goboladaas ay soo dhistaan.

Hadalkan af hayeenka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan Ra’iisul Wasaaraha dawladda itoobiya Hayla maraim  Disiliin uu Barlamaanka dalkaas ka hor sheegay in Xukuumaddiisu ay taageeri doonto Maamulka la magic baxay Somali land isla markaana u fidinayaan Taageero dhinacyo badan isugu jirta sida Siyaasadda, Milateriga iyo Dhaqaalaha

Si kastaba Mowqifka Itoobiya ee Soomaaliya ayaan ahayn mid fadhiya gaar ahaana wixii ka dambeeyay Geeridii Zinaawi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itobiya  iyadoo Disaliina uu marar marar badan ka hadlay Ciidamada itoobiyaanka eek u sugan Dalka Soomaaliya.

 Mooshinkii ka dhanka ahaa Saacid oo si rasmi ah looga laabtay

Kulan ay shalay Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Muqdisho laguna waday inuu ku hortago Ra’isul wasaare Saacid oo codka kalsoonida loo qaadi lahaa ayuusan Ra’isul wasaaraha tagin ka dib markii xildhibaanadii mooshinka ka keenay ay sheegeen inay gebi ahaanba ka laabteen mooshinkaasi.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaanadii mooshinka ka keenay Xukuumadda Ra’isul wasaare Saacid ay ka laabteen, iyadoo xildhibaanada hortooda ay ka hadleen qaar ka mid ah xildhibaanadaasi oo sheegay inay mooshinkii ay ka keeneen Xukuumadda ay ka laabteen sida ay yiraahdeen.

“Ka dib markii aan aragnay sida ay bulshada Soomaaliyeed uga soo horjeedaan una dhibsadeen in Xukuumad kasta oo la soo dhiso la dumiyo ayaa waxaan go’aan ku gaarnay inaan candhuufteena dib u liqno oo aan la laabano mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isul wasaare Saacid” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah xildhibanada.

.Saraakiisha Ciidanka Dowlada ee Balad Xaawo oo Maamulka halkaasi ku Eedeeye in ay Masuq maasuqeen Mushaarka Boqolaal Ciidan ah

Xili boqolaal Ciidan ah oo gadoodsan ay Maalintii shalay aheed ay hakad galiyeen dhaq dhaqaaii ka jray Magaalada Balad Xaawo lu waasoo ka cabanaya Mushaarkoodii oo la masuq maasuqay ayaa Talaiyaqa qeybta Boolisaka ee Balad xaawo warbaahinta lahadalay ayaa sheegay in Boqalaal Ciidan ah oo kusugan Goblka Gado Muashaarkii loogu talagalay ay qaateen Maamulka Gobalka.

 Taliyaha qeybta Booliska ee Balad Xaawo Cabdi Joon tilmaamay in maalintii shalay ahey ay labo jeer Ciidanka hakad galiyeen isku socodkii ganacsiga iyo Gaadiidka magaalada taasi uu sheegay in ay sabab utahay xaqoodii oo la masuq maasuqay.

 Taliyaha ayaa intaa raaciye in Mushaarka Askartaan aya jeebkooda ku dhacday rag dowlada ay ka soo diratay magaalada Muqdisho is la markaana mushaarka ciidan ay usoo dhiibtay iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo’ waxa uuna intaa ku daray hadii aan arintaan sida ugu dhaqsaha badan aan wax looga qaban ay dhalin karto dhibaato weyn.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xili magaalada Balad xaawo ay ku hareereysanyihiin Boqolaal Ciidan ah ku waa ka cabanayo masuq maasuq lagu sameeye mushaarkii ay xaqa ulaheeyeen.

Al-Shabaab oo Sheegay in ay Weerar Khasaaro Geestay ay Ku Qaadeen Saldhigyo Ciidanka Itoobiya ay kuleeyihiin Deegaanka Mustaxiil

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay iney weerar ku qaadeen xarrumo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Soomaalida ee loo yaqaano kilinka 5-aad ee ismaamulka Soomaalida itoobiya.

 Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa warbaahinta iyaga taageerta u sheegay iney saaka weerar ku qaadeen labo fariisimood oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Mustaxiil.

 Al-shabaab sheegay in Dagaaliyahanadooda saaka weerareen saldhigyo ciidanka Itoobiya ku leeyihiin tuulooyinka kala ah Qudumo-qaris iyo Sabat-xume, halkaasna ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo saacado qaatay.

 Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay iney galeen 2 bakhaar oo keyd hub ah, halkaasna ay kasoo qaateen hub, gaadiid iyo saanado kale oo Milatari.

 Warka ay baahiyeen baraha Internetka Alshabaab ayaa lagu sheegay in ciidmadii halkaas weerarka ku qaaday ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya, kadib markii ay fuliyeen howlgalii ay u baxeen.

 Deegaanka Mustaxiil ayaa ku dhow gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya, waxaana halkaas mara jid isuku xira Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida ee Itoobiya.

 Ma jiro war kasoo baxay dowladda Itoobiya eek u aadan sheegashada Al-shabaab ee ah iney weerareen gudaha dalkaas.

Odayaasha Gobalka Bari oo Taageeray Maamulka Jubboland Garabka Axmed Madoobe

Kulan Balaaran oo ay Arbaxada Manta ah Magaalada Boosaaso ay isagu yimaadeen Odayaasha dhaqanka Goblka Bari waxa ay si aad ah ugu taageereen Maamulka Jubbaland

 Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iney taageerto Maamul-goboleedyada dalka jira iyo kuwa dhismaya.

 “Waxaan baaq u dirayaa dawladda federaalka ee Hoggaanka u haysa dalka Soomaaliya oo mudadanba kasoo baxayeen hadalo oo aan ugu baaqeyno mas’uuliyada iyo Dastuurka,midnimada dalka iyo sidii hawshooda u gudan lahaayeen una taageeri lahaayeen Maamul-goboleedyada horey u jiray iyo kuwa dhismaya…..”””ayuu yiri.

Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iney ka fokaato wax kasta oo Ummada Soomaaliyeed kala fogeynaya isla markaana ka shaqeeyaan Midnimada Ummada.

 Tan iyo Markii Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka J/hoose looga dhawaaqay Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe ayaa Dadka iyo Maamulka reer Putland waxa ay si xoogan utaageerayeen Maamulka looga dhawaaqay halkaasi’ waana Maamulka Kaliya ee taageeray doorashadii Axmed Madoobe

 

 

Sarkaal u Shaqeynaye Hey’ad Samafal oo lagu Dilay Gobalka Mudug

Wararka aynu ka heleyno Degaanka Hubyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Dabley hubeysan  ayaa manta Ku toogteen Mas’uul u shaqeynaye Hey’ad samafal oo halkaasi ka shaqeysa.

 Warka ayaa intaa ku daraya in Sargaalkan ladilay uu u shaqeynaye NGO lagu magaacaabo SDRO waxaana lagu tootay Deegaanka Ceel Huur ee hoos yimaada Degmada hobyo.

 Sarkaalkaan oo lagu magacaabo c/shakuur maxamud cilmi hubane  ayaa Barnaamij cuno qeybin ah kawaday deegaano u dhadhaw degmada hubyo.

 Dad goob joogayaal ah ayaa idaacad Kulmiye u sheegay in falkan ay geesteen koox dhalin yaro ah oo ku hubeysnaa hubka fud fudud kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Taliyaha booliiska degmada hobyo ee maamulka galmudug C/weli xirsi faraban  oo la hadlay qaar kamid ah Warbaahinta ayaa sheegay inay ku raad joogaan dakii ka dambeeyay falkaan taliyaha ayaa intaa ku daray in dilkan loo geystay sarkaalkan ay ka xunyihiin isla markaana ay baaritaano wadaan ,.

 ToogashadaMas’uulkaan ka tirsan Hey’ada SDRO  dilkiisa ayaa waxa uu imnayaa xili mudooyinkii dambe Gobalka Mudug ay ka dhacayeen dilalka loo geesto dadka u shaqeeya hey’adaha Samafalka iyo dad rayid ah.

Caruurta yar yar ee ku nool Magaallada Muqdisho oo la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn !!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Qaar ka mid ah caruurta yar yar ee ku nool magaallada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn iyadoona ay mararka qaar dhacdo in hooyo iyo caruurteed meel qura lagu wada faraxumeeyo

 Caruur yar yar oo ay da'adooda u dhaxayso 6 sano jir ilaa iyo 11 sano ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato ka soo gaarto faraaxumayn loo geysto iyadoona aya caruurtaas ay ku noqoto arintaas dhibaato aan ka harin noloshooda, qaar ka mid ah caruurtaas ayaa marka hore waxaa la kufsadaa ama la xoogaa hooyadood ka dibna ayaga ayaa loo soo jeestaa oo lagu fara xumeeyaa hooyadood horteed iyadoona ay hooyadu aysan arintaas wax ka qabin karin oo nafsadeeda u cabsanayo,, arintaan la yaabka leh ayaa waxaa u istaagay wax ka qabashadeeda heyada u dooda xaquuqda bini'aadanka ee Elman Peace and Human Rights Centre iyadoona ay heyadaas ay u sameysay xarun lagu xanaaneeyo hooyooyinka iyo caruurta ay dhibka ka soo gaaraan falkaas waxashnimada ahx

Ugu dambeyntiina iyadoo ay arintaan tahay mid ku cusub dalka Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo hooyo inta la kufsado hadana caruur yar yar oo ay dhashay horteeda loogu geysto kufsi ama faraxumeyn ayaa waxaa la sheegay in dadka ugu badan ee geysto kufsashadaas ay yihiin rag ku labisan dareeska ciidamada, arintaan oo ah mid soo noqnoqtey islamarkaana ay dowlada Soomaaliya u muuqato mid ka gaabisay wax ka qabashadeeda ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto maadaama ay u muuqato in inkastoo ay dowladu mar walba sheegto inay wax ka qaban doonto hadana aysan cadayn inay arintaas ka dhabayn doonto iyo in kale.

Al Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo ku dagaalamay Galbeedka Baladweyne

Wararka ka imaanayo degaano dhaco galbeedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiraan ayaa Sheegaya in dagaal culus oo qasaare geestay uu Ku dhexmaray ciidanka Ithiobia iyo kuwa ururka Al-shabaab degaano ku yaalo  galbeedka Magaalada Baladweyn.

 Dagaalka xoogisa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Farlibaax iyo Mustaxiil oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed uga beegan Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

 Goob joogayaal ku sugan deegaanada lagu dagaalamay ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hub culculus,Waxaana  dagaalkaasi ku dhintay ilaa 7 ruux  oo ah dhinacyadii dagaalamay ,halka tiro intaasi kabadna ay ku dhaawacmeen.

 Xaalada deegaanadaasi ayaa caawo degan inkastoo weli ay xiisadi ka jirto deegaanadii lagu dagaalamay.

 

Dhibaato cusub oo la soo gudboonaatay Turkidii dhisi jirtay magaalada Muqdisho soona celisay bilicdii Caasimada .

 Waxaa markii ugu horeeysay guud ahaan la la wareegay amniga muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo food saartay cabsi iyo dhibaato cusub oo la sheegay inay ku soo fool leedahay.

 Injineerada iyo Shaqaalaha Turkiga ah ee dhisi jiray wadooyinka magaalada Muqdisho iyo xarumaha dawlada ayaa inta badan waxa ay mudo dheer magaalada ku dhex mari jireen gawaari iyaga oo mararka qaar cidna waardiyeen jirin balse iminka xaalada weey is badashay oo waxaa shaqaalahaan loo waardiyeeyaa qaabka Hay´adaha caalamiga ah loo waardiyeeyo oo kale.

 In ka badan hal sono iyo dhoor bilood xarakada Al Shabaab ma ugaarsan jirin Shaqaalaha Muslimiinta ah ee dhisi jiray bilicda magaalada Muqdisho balse hada Al Shabaab ayaa ugaarsi ba´an ku biloowday samafalayaasha Turkiga ah ee ka xoogsada magaalada Muqdisho.

 Ciidamada Sirdoonka dawlada ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay si toos ah ula wareegeen amniga Turkida dhista magaalada Muqdisho kuwaas oo xaqiijiyay in la helay cadeeymo buuxo oo muujinaya Al Shabaab oo Sama-falayaashaan u soo dirtay Wiilasha dadka qaarajiya ee gudaha magaalada Muqdisho looga yaqaan (Waji-Fujis)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee AMISOM.

 Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarada ay ka sameeyeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Alshabab.

 Markii uu soo idlaaday kulanku waxaa saxafadda si wadajir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

 “Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa, Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay inuu u mahadcelinayo wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaa Soomaaliya.

 Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’antahay Midowga Africa sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

 “Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan 50 guuradii ka soo wareegtay asaaskii midowga Africa, waxaana Muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato dabaal daga Ururka, waxaana Muqdisho barito lagu qabanayaa xaflad balaaran” ayuu yiri wakiil midowga Africa oo dhanka kale sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen horumarada ay sameeyeen mudooyinkii danbe ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.

 Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya.

 Kulan looga hadlayo dhibaatada Haysata Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ka furmay Adis-ababa

Adis-ababa-(Sh.M.Network)-Kulankaan oo looga hadlayay Nabad Gelyada iyo Ammaanka Saxafiyiinta Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka kala Yimid Koofurta,Bartamaha, deegaanada Puntland iyo Soomaaliland ayaa maanta waxa uu ka furmay Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

 Kulanka ayaa Furitaankiisa waxaa ka soo qeyb galay Wafdiyo ka kala socday Ururka Midowga Afrika iyo weliba Masuuliyiin ka socotay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 Kulankaan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed , Ururka Midowga Afrika oo kaashanaya Urur Goboleedka IGAD islamarkaana waxaa Maal gelinaaya Ururka Midowga Yurub.

 Furitaanka Shirka ayaa waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta dowladda Ethiopia kaasi oo sheegay in Ethiopia ay aad uga Xuntahay dhibaatooyinka La xiriira Amni darrada ee haysata Saxafiyiinta Soomaaliyeed isagoo shaaca ka qaaday in Ethiopia ay si aad ah u gacan qaban doonto Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 Madaxa Ammaanka iyo Nabad Gelyada Ururka Midowga Afrika Ramtana Lamamra oo isna kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin Midowga Afrika dhibaatooyinka soo gaaraya Suxufiyiinta ku Nool gudaha dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo Suxufiyiintii ugu badneed abid lagu dilay Sanadii 2012 ka.

 Madaxa Ammaanka iyo Nabad Gelyada Midowga Afrika ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka dambeyso dilalka iyo barakicinta lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 Dr Muxuyidiin Axmed Idiris oo ah Madaxa Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo Madasha ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin dhibaatooyinka soo gaara Suxufiyiinta ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

 Kulanka oo socon doona Muddo 5 Maalmood ah ayaa weli waxa soconaya qudbadaha kala duwan ee Masuuliyiinta ka soo qeyb gashay ay jeedinayaan waxaana Masuuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed  Cumar Faaruuq Cismaan kaasi oo sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatada had iyo Goor Loo geesto Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...