Saturday 11 May 2013

Somalia - Wararka Maanta


Safiirka DFS ee Turkey muxuu ka yiri arrinti yaabka lahayd ee laga sheegay
Safiirkii Dowlada federaalka Somalia u fadhiyey Turkiga Danjire  Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan  ayaa goor dhawayd la soo Xiriiray Bogan asaga oo Beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay ku soo baxay Webyada  Soomaalida Qaarkood.
Danjire Mursal ayaa sheegay in wax lagu qoslo uu saacadihii la soo dhaafay uu ku arkay Website-yada Soomaalida sida  safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo qoyskiisa ayaa u goostay dalka Holand.
Waxa uu sheegay safiirka in uu yahay Dibulumaasi uuna tagi karo dal kasta, uuna Heli karo Viiso, waxa uuna ku tilmaamay dadka Wararkaas qoray kuwa aan saxaafada wax ka ogayn aqoon guudna aan lahayn.
“ Marka aan rabo Holand waxaan tagayaa safaarada Holand ee Turkiga, Viso ayaan waydiisanayaa, isla maalmo gudahood ayaan ka helayaa Maxaa yeelay waxaan ahay shaqsi Dibulumaasi ah marka ma waxaan ku baxaya Pasapor u ekaansho ah” ayuu yiri asaga oo aad ugu Qoslay warkaas.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in uu la yaabay markii uu arkay safiirka Soomaaliya ee Ankara, waxa uuna sheegay in uusana Ankara uga ahayn safiir Soomaaliya balse uu ka yahay dalka Turkiga oo uu Wakiil uga yahay Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dadka Wararkaas qoraayo in aysan wax ka aqoon Dibulumaasiyada iyo aqoonta Guud, oo uu ku sheegay in ay u arkaan Safiirka ama shaqaalaha safaarada in ay yihiin oo kale Tahriibayaal.
Sidoo kale waxa uu sheegay Danjire Mursal in ay saxaafada gaar ahaan Web Qoray Wararkaas, in ay ula dhaqmeen asaga iyo Qoyskiisa in ay yihiin Tahriibayaal oo kale.
Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Booliiska Holand oo soo Celiyay Qosyka safiirka, waxa uuna sheegay in shaqaalaha safaarada safiirka iyo Caailada safaarada ay leeyihiin Xushmad gaar ah, waxa uuna ugu baaqay in dadka wax qoraya ay eegaan sharciyada Dibulumaasiyada waxay xaq u leeyihiin iyo in Visaha dal ku galka ay heli karaan mar kasta.
Ciidamada huwanta oo qorsheynaya inay la wareegaan Jilib
Sarkaal ka tirsan ciidanka huwanta ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay inay maanta billaabeen howlgal ay doonayaan inay kula wareegaan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Maxamuud Qaalib ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidamo ka tirsan oo ka baxay deegaanka Goobweyn oo 15 km waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ay hadda ku sugan yihiin Buulo-gaduud, kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay inay Al-Shabaab kala wareegaan Jilib.
Sarkaalka wuxuu xusay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab kala wareegaan degmooyinka iyo deegaannada ay gabbaadka ka dhiganayaan ee gobollada Jubbooyinka.
Al-Shabaab waxay ku sugan tahay guud ahaan degmooyinka gobolka Jubbada dhexe.
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaandheyn iyo ballaaran lagu sameynayo (Warbixin)
Iyadoo indhawaalaba ay jirtay hadal heyn ku aadaneyd isku shaandheyn iyo ballaarin la doonayay in lagu sameeyo Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu gabo gabo ku dhow yahay qorshahaas.
 Golaha Wasiirada oo xilligan ka kooban 10-wasiir ayaa qorshuhu yahay in la ballaariyo, lagana dhigo 18-wasiir, si loo kala qaado wasaaradaha is dul saaran oo qaarkood ka timid dhaliilo ku aadan habka ay u shaqeeyaan, isla markaana wasaarado qaar noqdeen kuwo howshooda ku milmay wasaarado kale.
 Arrimaha ugu weyn ayaa ah in dib lagu saxo qaabka awood qeybsiga dowladda ku dhisan tahay, kaasoo horay beelaha qaar ay saluugsanaayeen sida wax loo dhisay, isla markaana meesha looga saaro guux u badneyd mucaarado oo dowladda Soomaaliya uga imaaneysay dhinacyo u badan siyaasiyiin miisaan culus leh.
 Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in markii hore qorshuhu ahaa in isku shaandheynta ay dhacdo kadib shirka London ee maalin ka hor la soo gaba gabeeyay, waxaana horay u jiray in Madaxda dowladda ay isla wadeen qorshahan isku shaandheynta.
 Inkastoo wararka ay yihiin kuwo horu dhac ah, hadana waxaa ugu weyn in Wasiiro ay weyn doonaan xilalkooda, waxaana la hadal hayaa in ilaa afar wasiir ay meesha ka bixi doonaan, kuwaasoo ay kala yihiin Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka Kheyraadka dalka iyo wasiir kale oo aan magaciisa wali helin.
 Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha wasiirada cusub ay ka soo muuqan doonaan wasiiro horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray, balse wali ma cada.
 Sidoo kale waxaa suura gal in wasiirada hada ka dhex muuqda golaha wasiirada ay dib u soo laabtaan, gaar ahaan wasiirada garabka Madaxweynaha Soomaaliya.
 Is bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa noqonaya kii u horeeyay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Saacid uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ahaa tiradii ugu yareyd Xukuumadihii soo maray dalka.
 Waa Kuma Maalgaliyaha ugu awooda badan magaalada Muqdisho waqtigaan xaadirkan Ma Soomaalibaa masa?(Daawo Muuqaal+Warbixin)
 Maalgaliyaha ugu awooda badan magaalada Muqdisho waqtigaan xaadirka ah ayaa waxaa la sheegay inuu yahay nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Mareykanka kaas oo lacago malaayiin doolar ah oo maalgalin ah ku sameeyey magaalada Muqdisho.
 Ninkaan oo lagu Michael Stock oo 36 sano jir ah una dhashay dalkaas Mareykanka oo xareuntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inuu yahay maalgaliyaha ugu awooda badan ee dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho, ninkaan oo ah madaxa shirkad maalgalinta ee lagu magacaabo Bancroft Global Investement oo xarunteedu tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu leeyahay awood xad dhaaf ah islamarkaana uu maalgalin baaxad weyn uu ku sameeyey magaalada Muqdisho, ninkaan oo ku caan baxay maalgashiga wadamada ay dagaalada aafeeyeen ayaa waxaa uu u muuuqdaa inay dabada ka riixayaan beesha caalamka iyo heyadaha gar gaarka bixiya ayaa waxaa uu leeyahay ciidan u gaar ah, diyaarada u gaar iyo waliba Airopoor u gaar ah, ninkaan oo ganacsigiisa ay isugu jiraan hoteelo jiif oo nooca raaxada oo lagu seexdo qolkii habeenkii ilaa iyo 500 oo doolar, maqaayado iyo waliba beero ay ka soo baxaan waxyaabaha ay u baahan yihiin maqaayadahiisa ayaa waxaa uu wali wadaa maalgashiyo badan oo uu ku sameynaayo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaan oo malaayiin doolar oo maalgalin ah ku sameeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu sheegay inay halkaas ka soo galaan sanadkii lacago malaayinn doolar oo faa'iido ah ayaa waxay u muuqataa inaysan inta badan dadka Soomaaliyeed aysan ka soo galin mashaariicdaaas baaxada weyn wax faa'iido ah oo la sheegi karo maadaama uu ninkaas wax walba oo ku saabsan howlahaas uu ka qabanaayo Magaalada Muqdisho uu kala yimaado dibada taas oo keentay inay meesha ka baxdo howlo badan oo ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed maadaama uu ninkaas sii nin wax fursad ah dadka Soommaaliyeed oo uuna wax walba ka keensado dalka dibadiisa.
 Wasiirka Gaashandhigga oo ka hadlay xaaladda Baydhabo
London (Caasimada Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan magaalada London ayaa sheegay in wasaaradiisu ayna raali ka noqonaynin falalka kufsiga ee ka dhaca dalka, gaar ahaan kii ugu dambeeyay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Wasiirka oo la hadlaayay VOA ayaa sheegay maaddaama uu hadda dalkii joogin uuna arrintaas xaqiijin karin, haddanna wasaaradda gaashandhigga ay baaris ku sameyn doonto.
Wuxuu kaloo sheegay in askarigii lagu arko ama lagu cadeeyo in uu kufsaday haweeney miskiin ah in uu xukun kiisa yahay dil.
Wasiirka gaashandhigga ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda ay mudan yihiin in la amaano marka laga hadlaayo howsha ay hayaan askarta dowladda,
Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin waaweyn isla markaana dowladda aysan dabooli karin daruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dowladda.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii Khamiistii shaley uu sheegay guddoomiyaha magaalada Baydhabo,Xasan Macallin Axmed (Biikole) in haweeney leh uur lix bilood ah ay kufsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ciidamadii falkaas sameeyay in laga saaray magaalada oo lala dagaalamay sida uu hadalka u dhigay.
“Xaaladda gabadha uurka leh aad ayay u xun tahay waxayna u baahan tahay in gargaar deg-deg ah loo fidiyo, waayo ilmihii waa ay ka dilmeen” ayuu yri Biikolo.
Ma ahan falalka noocan oo kale kuwa ugub ku ah Soomaaliya, dhowr bil ka hor ayey ahayd markii haweeney sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda maxkamad la soo taagay iyada iyo wariyihii wareystay, waxaana arrintaas dowladda cusub ay ku noqotay mid indhaha caalamka ku soo jeedisa, waana la cambaareeyay in kastoo mardambe la sii daayay labada qof.
Dowladda Xasan Sheekh wax yaabaha ugu horreeya ee la doonayo in ay wax ka qabato waa in caddaaladda la soo taagaa Caasimada ku kaca falalka kufsiga.
AMISOM oo laga dilay 3,000 oo askari tan iyo 2007
Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay tirade ciidamada AMISOM ee ku dhintay dalka Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-da markaas oo uu billowday howgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 3,000 oo askari ay uga dhinteen AMISOM dalka Soomaaliya.
Ku xigeenga xogayahay guud ee QM Gen: Jan Eliasson ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada London oo uu ku soo dhammaaday shirkii caalamiga ee arrimaha Soomaliya.
Wuxuu sheega in askartaasi ay ku dhinteen dagaalo badi dagaalka lagula jirro kooxda Al- Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
“ ilaa 3,000 oo askari ayaa ka dhintay AMISOM, marka waxaan rabaa in aan tacsi u diro wadamadii ay askartaasi ka dhinteen” ayuu yiri Mr. Eliasson,
Waxa uu sheegay in dalalka Uganda iyo Burundi ay qiimo wayn ay ku bixiyeen xal u helida Somalia, isagoo intaasi raaciyay in sidoo kale Kenya ay qayb wayn ka tahay howlgalka AMISOM.
Si kastaba, howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa billowday sannadii 2007, waxaana lagu badalay ciidmada Ethiopia oo xoog ku soo galay koonfurta Soomaaliya dhammaadkii 2006, waxaana askarta Ethiopia Soomaaliy ka baxeen horaantii 2009-ka.
Dowladda Mareykanka oo Sheegay Inay il Gooni ah Ku Fiirinayaan Dowladda Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ay fiirinayaan sida ay u maamusho deeqda loogu yaboohay.
 Mr. Bill Burns, ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxamuud, ay ula shaqeyn doonaan qaab ka duwan sidii ay ula shaqeyn jireen dowladihii hore, isagoona sheegay in ay eegi doonaan qaabka dowlada Xasan Sheikh ay u maamuli doonto dhaqaalahii badnaa ee loogu deegay dowlada.
 Isaga oo ka hadlay magaalada London ayuu sheegay Mr Burns in dowlada Mareykanka ay sii wadeyso taageerada dheeraadka ah ee ay siinayaan dowlada Soomaaliya, isagoona dhanka kale dadaal lagu farxo ku tilmaamay howlaha dowlada haatan jirta ay ka wado dalka Soomaaliya.
 Ku xigeenka xoghaya arimaha dibada Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in dowlada haatan ka jirta dalka Soomaaliya marka loo eego wax qabad ahaan ay ka duwan tahay dowladihii soo maray Soomaaliya.
 Dhanka kale wuxuu ku taliyay Mr Bill in la iska kaashado wax ka qabashada weerarada Al Shabaab ay ka geystaan dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in caalamka imika ay doonayaan in ay dib u dhisaan Soomaaliya, laakiin weerarada Al Shabaab ay wax u dhimayaan horumarka la doonayo in dalka laga sameeyo.
 Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu guul iyo arin dowlada Mareykanka ay soo dhaweynayso waxa uu ku tilmaamay safarkii madaxweynaha dalka uu ku tagay deegaanada maamulka Puntland iyo wadahadalada u dhaxeeya dowladiisa iyo maamulka Soomaaliland.
 Dowlada Mareykanka ayaa shirkii London dowlada Soomaaliya ugu deeqday dhaqaalo gaaraya 40 Milyan oo doolar si wax loogu qabto arimaha amniga iyo dib u dhiska ciidamada dowlada.
Gudiga Arrimaha Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kormeeray Bukaannada Jiifa Isbitaalka Banaadir
Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
 Kormeerkan howleed ee maanta ay ku tageen Isbitaalka Banaadir gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka ayaa ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada ay ku suganyihiin bukaannada jiifa Isbitaalkaasi.
 Ugu horeyn xubnaha gudiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka gaar ahaanna goobaha ay jiifaan dadka bukaannada ah waxaana ay xubnaha gudigu wareysteen qaar ka mid ah bukaanka oo ay wax ka weeydiiyeen xaalada ay ku suganyihiin iyo baxnaaninta ay isbitaalka ka helaan.
 Kormeerkaasi iyo wareysiyada bukaanka kadib waxey xubnaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka ay warbixinno ku aadan qaabka uu isbitaalka u shaqeeyo iyo waxyaabaha uu bulshada u qabto ka dhageysteen mas’uuliyiinta maamulka Isbitaalka Banaadir oo iyagu sheegay iney howlaha isbitaalku u socdaan si wanaagsan waloow ay jirto baahi badan oo lagama maarmaan u ah howlaha isbitaalka iney sii socdaan.
 Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah kormeerro ay mudooyinkan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tagayeen goobaha bulshada loogu adeego ee ku yaala magaalada Muqdisho ayadoo taasina ay muujineyso sida ay gudiyada joogtada ah u gudanayaan waajibaadkooda si ay marka dambe Baarlamaanka warbixinno dhameystiran ugu keenaan islamarkaana uu Baarlamaanku ugu gudbiyo Xukuumadda oo ah golaha Fulinta.
PUNTLAND oo ka carrootay hadalkii Tarsan ee midnimo ku baaqa + Video
Khudbad uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ka jeediyay xafladdii lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha ee Londan ka dhacday ayuu ugu hadlay Midnimada Soomaaliya iyo in Shacabka Soomaaliyeed uu wada deeqo Calanka Buluuga ah, isagoo shacabka ugu baaqay in aysan ogalaanin dad uu sheegay in ay doonayaan in Soomaaliya loo qeybiyo jufo jufo.
Hadalkaasi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ”Qarjab” uu si kulul u naqdiyay isagoo sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku deg degay hadal uusan ka fiirsan.
Cabdi Xersi Qarjab ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu yahay nin caadifad qabiil ka buuxdo, si caddaalad daro ah u maamulo Muqdisho, isla markaana dooneyn inuu wax ka qabto hantida sida gaarka ah loo haysto ee shacabku ay leeyihiin, wuxuna ku tilmaamay Muqdisho mid beel gaar ah ay iska mamulato dhaqalaha umadda Soomaaliyeed ee halkaasi yaal.
“ Waxaa dhaga-haaga kusoo dhacaya Ciidanka Soomaaliyeed Haweenka Soomaaliyeed, Cayaartoyda Soomaaliyeed Iskaashatada Soomaaliyeed arintaasi waxaan idiin cadeynayaa in aysan wax ka jirin oo intaasi oo idil ay ka yimaadeen Magaalada Muqdisho, Soomaali weyn kuma soo koobmin hal beel oo Muqdisho ku ku Eg ee Soomaali waa tii la yaqiinay ee tirada iyo tayada badneyd, Qaran Dumisna waxaa wada dadka Qabiilka u adeegaya Dowladna Sheeganaya, Ayuu yiri Cabdi Xersi Qarjab.
Sidoo kale Qarjab ayaa ka hadlay arrinta dastuurka oo uu sheegay in waxyaabo badan laga baaddalay, taasoo ay dad badan ay la yaabeen qaabka iyo sharciga u ogolaanayo Guddoomiye Gobol in uu ka hadlo arin dastuuri ah.
Haddaba ayada oo Puntland ay sidaas uga carrootay hadalka Tarsan, ayaa haddana waxaa yaab leh in Tarsan uu ka hadlay kaliya inaan wada ilaashano calankeeni bulugga ah iyo midnimadeena, oo uusan marnaba soo hadal qaadin Puntland iyo cid kale
Maxaa ka Jira In Axmed Madoobe Fasaxay Dhoofinta Dhuxusha Kismaayo
Iyadoo dhawaan Qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya lagu mamnuucay Dhoofinta Dhuxusha Faraha badan ee taala Magaalada Kismaayo ayaa waxaa warar soo baxayay saacadihii ugu danbeeyay sheegayeen in dib loo bilaabay Dhoofinta Dhuxushaasi.
 Cor. Istiin oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dib loo bilaabay dhoofinta Dhuxusha.
 Wuxuu tibaaxay Cor. Istiin Maalmihii ugu danbeeyay si xowli ah inay ku socoto dhoofinta Dhuxusha taala dekada Magaalada Kismaayo.
Cor. ayaa sheegay arintani inay wadaan Mamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo iyo ganacsatada leh dhuxusho oo iskaashi sameeyay, isagoona tilmaamay arintani markii ay damceen ishortaag inay ku sameeyaan ay ka qabeen dagaal meeshaasi inuu ka dhasho.
Sarkaalkii sirdoonka Qadar Ugu Sareeyay oo la sheegay in uu Muqdisho Ku geeriyooday
Warar maanta soo baxaya ayaa waxaay sheegayaan in masuulkii ugu sareeyay sirdoonka Qadar uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
 Ilo waredyo ayaa waxa ay u sheegeen wargeys ka soo baxa Keneda in uu Muqdishu ku geeriyooday sarkaalkaasi oo kamid ahaa wufuud ay Shabaab ku weerareen qarax ismiidaamin ah maalintii Axada aheyd ka dhacay KM4.
 Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Qadar oo ku aadan geerida sarkaalkaasi hasa yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijisay gaariga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ee weerarkii KM4 lala eegtay ay la socdeen saraakiil dalka Qadar ka socotay.
Kooxda Shabaab ayaa waxa ay sheegteen masuuliyada weerarkaasi oo ay ku faaneen in ay ku dileen ragii bar-tilmaamedku ahaa.
Ciidamada Dowladda oo Magaalada Baydhabo ku Kufsaday Haweeenay Uur lahayd iyo Wariyeyaal kasoo goostay Al-shabaab
 Guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa wareysi uu siiyay Radio Baydhabo ku sheegay in haweeney leh uur lix bilood ah ay kufsadeen ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan magaalada Baydhabo.
 Xasan Biikole ayaa intaas ku daray in ciidamadaas ay ku kacayeen falal liddi ku ah ammaanka; sidaas daraadeed uu maamulku ku qaaday weerar looga saarayo magaalada ciidamadaas falalka xun ku kacaya, Waayo buu yiri ma ah kuwo loo adkeysan karo dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka.
 Guddoomiyaha Baydhabo mar uu ka hadlayay haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay in ciidan tiro badan ay kufsadeen, taasina ay keentay inay gabadha kasoo dhacaan ilmihii uurkeeda ku jiray oo lix bilood ahaa.
 “Xaaladda caafimaad ee gabadhan aad ayay u xun tahay waxayna u baahan tahay in gargaar deg-deg ah loo fidiyo,” ayuu yri Biikolo oo intaas raaciyay in tani ay qayb ka tahay dhibaatooyin lagu hayo haweenka ku nool gobolka Bay, kuwaasoo ay geysanayaan ciidamada dowladda.
 Taliyaha booliska gobalka Bay, Mahad Cabdiraxmaan ayaa isagana waxuu warbaahinta u sheegay inay gaarayaan haweenka la kufsaday lix haween ah, kuwaasoo ay si bareer ah u kufsadeen ciidamada dowladda ee ka imaanaya furumaha dagaalka, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka ku nool Baydhabo.
 Dhanka kale, laba wariye oo u shaqeyn jiray Al-shabaab ayaa maamulka gobolka Bay isku soo dhiibay shalay, kuwaasoo ka howlgeli jiray idaacad lagu magacaabo Al-Andulus waxayna wariyeyaashan lagu kala magacaabaa, Cabdikariin Jakarta iyo Aweys Cumar Cali oo ahaa weriyaal si wanaagsan looga yaqaan Soomaaliya

Gudoomiye Tarzan oo hadal qiiro leh xalay ka jeediyey London kasbadayna sacab fara badan.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa xalay qudbad uu ku kasbaday sacab fara badan ka jeediyey xafladii lagu soo dhoweynayey madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacday magaaladda London.
Tarzan oo hadalkiisu ahaa mid qiireysan ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu ku hadlo codka reer Muqdisho, waxaana uu si cad u yiri “Anigu Muqdisho ayaa ka hadlayaa, dad badan ayaa is weydiinaya muxuu Muqdisho kaliya mar walba uga hadlaaa, laakiin anigu Muqdisho ayaan masuul ka ahay”.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in caasimadda Soomaaliya ay ka soo kacday meeshii ay ku dhacday 22 sano ka hor. Waxaana uu ugu baaqay qurbo joogta inay dalka wax ka dhisaan, isagoo tusaale u soo qaatay ruuxii gurigiisa xamar ugu yaala dhista inuu la mid yahay ruux magaaladii oo dhan dhisay.
Tarzan ayaa dadkii uu la hadlayey ugu baaqay inay ka hortagaan dad gurbaanka u garaacaya in Soomaali mar kale kala qeybsanto oo jufo jufo dowlad looga dhigo, waxaana hadalkani u muuqday mid uu ula jeeday koox maamul goboleedyo qabyaalad ku dhisan u ololeynaya, kuwaasoo dibadbaxyo aan sidaa u weyneyn ka dhigayey goobta uu shirka London ka dhacayey.
Golaha Wasiirada oo si kulul uga dooday shaqaala Ajnabiga ee sida sharci darada ah dalka uga shaqaysta
 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),
 Shirka maanta ayaa waxaa looga hadlay mirihii ka soo baxay shrikii London, Hay’ada Maareynta Masiibooyinka, Shaqalaha Ajanabiga ah ee dalka uga shaqeeya sharci darada, iyo qaxootiga ku sugan dalka Yeman.
 Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka war bixiyey shirkii London ka dhacay, wuxuuna sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo waaweyn, hogaankiisana ay iska lahayd dawladda Soomaaliya.
 “Shirka London waxaa uu ahaa mid taariikhi ah, dawladda Soomaaliya ayaa diyaarisay qodobada looga hadlayey soona bandhigtay sida ay u kala mudan yihiin baahideedu. Waxaa nasiib wanaag ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo hada ah gudoomiyaha wadamadda laysku yiraahdo G8 uu la shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in natiijadii ka soo baxday Shirka London dib loogu soo celinayo golaha Xukuumadda.
 Sidoo kale Goluhu waxaa uu ka dooday Shaqaalaha ajanabiga ah oo wadanka ku sugan, kuwaas oo si sharci daro ah dalka ugu shaqeeya, iyagoona ku dhex milmay shaqaalaha AU/AMISOM. Shaqaalahaas waxaa ay gaarayaan 924 mana haystaan wax sharciyad ah, hadii ay ahaan lahayd mid ganacsi oo ay bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo iy mid shaqaalanimo oo ay bixisay wasaarada Arimha gudaha laanteeda soocdaalka. Sidaas daraadeed goluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo gudi afar wasiir ah si ay u soo baaraan una soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii dadkaas laga yeeli lahaa sharci darada uga shaqeeya dalka.
 Sidoo kale goluhu wuxuu dood dheer ka yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman, kuwaas oo isugu jira qaxooti ka diwaan gashan hay’ada UNHCR, iyo dad ku dhibaataysan dalka gudihiisa, goluhu wuxuu isku raacay in la magacaabo gudi ka kooban afar wasiir iyo xeeldheerayaal aqoona u leh dalka Yeman oo ka soo tala bixiya sidii dadkaas qaxootinimada aan ku joogin dalka Yeman dalka dib loogu soo celin lahaa iyo in la furo santuuq sadaqo ah oo ay dawladdu lacagta ugu horaysa ku shubayso dadka Soomaalyeedna ay ka qayb qaadan karaan si dadka raba inay dalkooda ku soo noqdaan loogu caawiyo.
 Ugu danbayntii, goluhu wuxuu warbixin ku saabsan war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii looga hadlayey cadaalada ee la qabtay bishii Maarso, ka dhagaystay wasiirka Caddaaladda, waxaana goluhu iska raacay in la dhaqan galiyo 19 qodob ee ka soo baxay shirkaas.
Safiir Soomaaliyeed oo Baxsad ah oo ku fashilmay isku day uu ku doonayay in uu ku galo Qaarada Yurub isaga iyo Qoyskiisa
 Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan, ayaa waxa uu ku fashilmay isku day uu ugu goosan lahaa qaarada Yurub.
 Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa waxaa la sheegayaa in isaga iyo qoyskiisa ay diyaarad uga degeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Amsterdam ee dalka Holland iyada oo kadibna ay qabteen saraakiisha waaxda socdaalka dalkaasi.
 Safiirka oo doonanay in uu iska dhiibo qaarada Yurub kadib markii uu maqlay in shaqa joojin lagu sameynayo ayaa waxa uu diyaarada uu uga degay Holland ka raacay magaalada Attens ee dalka Gariigga.
 Qabashadiisa kadib ayaa waxaa wararku sheegayaan in dib loogu soo celiyay diyaradii uu la socay taas oo ugu danbeyn kasoo dejisay dalka Turkiga.
 Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa la sheegay in ay geedigiisa ku wehliyeen xaaskiisa, lix caruuur ah oo uu dhalay iyo laba caruur ah oo kale oo ay ehel ahaayeen.
 Safiirku wali kama hadlin geediga ka fashilmay, hasa yeeshee waxaa jira warar waayahaan leesla dhex marayay oo ahaa in safiirka xilka laga qaadi doono.
Xukuumadda oo soo dhoweysay natiijada shirkii London
Kulanka Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaalia ayaa maanta lagu soo dhoweeyay qodobbadii ka soo baxay shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Britain ee looga hadlayay arrimaha Soomaalia iyo dib u soo nooleynta howlhii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaalia Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Golaha isku raacay meel-marinta qodobbadii ka soo baxay shirkii London.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo sharciyeyn lahaa shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqeeya dalka.
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in guddi ka kooban 4 wasiir loo xilsaaray sharciyeynta shaqaalaha ajnabiga ah iyo sidii looga qaadi lahaa canshuurta. Wuxuu tilmaamay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 924 qof oo ajnabi ah oo aan sharciyeysneyn ay dalka ku nool yihiin.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayay xukuumaddu ka hadashay sidii ay dib howsheeda ugu billaabi lahayd. Hay’addu waxay howlo wax ku ool ah qabatay intii lagu jiray abaartii dalka ku dhufatay sanadkii 2011.
Cadde Muuse oo dhaliilay xisbiyada siyaasadda ee Puntland
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in uu dhowaanahan waday kulamo looga hortagayo qalalaase ka dhaca Puntland xilliga doorashooyinka, kuwaas oo uu la qaatay isimidda, waxgaradka iyo madaxda maamulka.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Qardho ayuu Cadde Muuse ku sheegay in ay xilligan Puntland ka jirto dhibaato ka dhalatay habka loo maamulayo hannaanka xisbiyada iyo doorashooyinka soo socda.
Cadde Muuse ayaa ku dhaliilay baarlamaanka maamulka Puntland in ay ka gaabiyeen arrimo loo baahnaa in ay mar hore xalliyaan oo ay ka mid tahay ciidamo gadood sameeyay.
Mar uu ka hadlayay dhinaca xisbiyada wuxuu ku dhaliilay in ay ku yimaadeen nidaam sharci ahayn, wuxuuna tilmaamay in uu meesha ka baxay nidaamkii dimuqraaddiyadda oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay.
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa u soo jeediyay shacabka in ay la shaqeeyaan xukuumadda fedraalka ah ee Soomaalia, wixii dhaliilo ah oo jirana la is tuso.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo axsaabta siyaasada oo heshiis kala saxiixday
Qaar ka mid ah  Axsaabta siyaasadeed ee Puntland iyo guddiga  Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku kala saxiixdey  dhawr qodob oo ku saabsan habka doorashooyinka.
 Qodobada guddiga doorashooyinka  iyo xisbiyadu ay  kala saxiixdeen ayaa waxaa ugu waaweynaa laba qodob oo kala ah, in ururada iyo guddiga KMG ah ay si daacad ah uga  wadashaqeeyaan nidaamka axsaabta badan, iyo in la ilaaliyo  ku dhaqanka shuruucda doorashooyinka.
 Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xassan Barre oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen iyaga iyo ururada siyaasaddu uu fududeyndoono in la gaaro yoolka Puntland ee ku aaddan habka xisbiyada.
 Dhinaca kale Maxamed Faarax ciise Gaashaan oo heshiiskaas u matalayey  ururka muxaafidka ah ee Horseed ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada badan uu bulshada u horseedikaro horumar iyo nabad gelyo, isagoona xusay habkaani uu hayahay mid ku cusub Puntland, islamarkaana loo baahanyay in loo dhabar adeygo.
 Heshiiskaan waxaa saxiixay ururro awel sheegay inaysan ka qeyb-gelidoonin doorashooyinka, kadib markii ay ka biyo diideen  dhawr qodob oo uu hordhigay. guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka, kuwaas oo hadda sheegay in la xalliyey qodobadii ay ka biyo diideen.
 Fanaanada Maryan Mursal oo Ka Xishoodsiisay Madaxweeyne Xasan Shiikh maxamuud
Xilli uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo Habeennimadii xalay ka qeyb galayeen Xaflad lagu soo dhaweynaayay Wafdiga ayaa waxaa mar qura Makaroofanka loo dhiibay Fannaanada Caanka ah ee Maryan Mursal, iyadoona sheegtay Haddalo abuuray in dad badan ay Falanqeyn ku sameeyan.
 Fannaanada Caanka ah ayaa waxa ay Makaroofanka qabsatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo qoslaayay Hayeeshee waxa ay qosolka ku celisay Xassan Sheikh, kadib markii ay sheegtay Erayo dhowr nooc u fasirmaayo.
 Maryan Mursal, waxa ay kamid ahayd Hobaladii ka heesaayay Xafladda Madaxweynaha lagu soo dhaweynaayay waxa ayna madaxweynaha mar qura ku tiri ‘’Madaxweyne Qosolkaada ayan ku raaxeystaa’’ waxa ayna mar labaad ku celisay inay isku dambeeyan oo ay kulmi doonaan.
 Hoolka uu Manaasabadda ka dhacaayay ayaa waxaa ku sugnaa Weriyayaal badan oo ka kala socday Telefashinada Caalamka iyo kuwa Soomaalida, waxaana laga wada daawanaayay Telefishinada hadaladda Maryan Mursal, hayeeshee dadweynihii ka soo qeybgalay Xafladda ayaa Durbadiiba dhowr dhinac u fasiray Erayadad Maryan Mursal.
 Haddaba, Erayadda Fannaanada Maryan Mursal, ayaa waxa ay Jiririco ku beertay Madaxweyne Xassan Sheikh oo xiligaasi qoslaayay, iyadoona ay dhinac fadhisay Xaaskiisa Koowaad, waxaana mar qura qosolkii dib u laqay Madaxweynaha oo Amakaak galay.
Si kastaba ha ahaatee, Xafladii kadib ayaa waxaa ay Tiro Dadweyne ah Su’aal weydiiyeen Fannaanada Maryan Mursal taasoo ahayd maxaa Madaxweynaha oo ay la soctay Xaaskiisa u dhahday ‘’Qosolkaada ayan ku raaxeystaa’’ iyo wan is arki doona ama kulmi doona’’? Hayeeshee waxa ay hadalkeeda kusoo gabagabeysay waa arin caadi ah oo aan dhibaato abuuri Karin.
Qatar offers $18m in support to Somali government
LONDON: HE Qatari Minister Of State For Foreign Affairs Dr. Khalid Bin Mohamed Al Attiyah, has announced that his country has offered $18 million in contribution to the somali government to help carry out four pillars dealing with consolidating the infrastructre projects, the development projects, updating the management institutions and supporting the health care and education.
 HE Al Attiyah said in his address before the London Conference on Somalia that this comes in continuation to Qatar's stand besides the brethren in Somalia and out of its due keenness to maintain security, stability and growth of the Republic of Somlia.
 The conference jointly organised by the governments of both Britain and Somalia aims at attacting international support to the somali government in quest of reconstructing the state after two decades of disputes.
 HE Dr. Khalid bin Mohamed Al-Attiyah stressed the need to sincere efforts to fight the chaos and corruption and to hard and serious working to put aside the pending differences in order to build and activate the state institutions in Somalia, to work on maintaining the national unity, restoring order and enhancing the rule of law and effective partnership between the governmental and non-governmental parties in all political, security, economic, social and humanitarian areas to realize the sustainable development for the Somali people.
 Concluding his address, HE the Qatari senior official affirmed the State of Qatar's strict commitment to contribute to the implementation of the London conference's resolutions to achieve aspirations of the Somali people in security, stability and sustainable development.
 It is worth to mention that some of the participant countries have offered their respective contributions to Somalia including Denmark which offered 70 million dollar for justice, Uk 50 million dollars,US 40 million dollars, Europe 40 million euro for the army, Qatar 18 million dollars and Turkey 10 million dollars for the army.
 Representatives from more than 50 countries and organizations were attending the one-day meeting, aimed at helping Somalia in its recovery from over two decades of conflict.
 Somalia has been torn asunder by factional fighting since 1991 but has recently made progress towards stability.
 In 2011, Al-Shabaab insurgents retreated from Mogadishu and last year new Government institutions emerged, as the country ended a transitional phase toward setting up a permanent, democratically-elected Government.
 About 260,000 people died in the famine in Somalia in October 2010 - April 2012, according to a recent report. (QNA).

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...