Tuesday 14 May 2013

Saraakiishii madaxtooyada oo khilaaf awgeed Nairobi uga soo haray madaxweyne Xasan Shiikh


Saraakiishii madaxtooyada oo khilaaf awgeed Nairobi uga soo haray madaxweyne Xasan Shiikh
Madaxweyne Xasan Shiikh oo doraad Transit ku ahaa Magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegay inay Nairobi uga hareen Saraakiishii ugu saraysay Madaxtooyada Soomaaliya, ka dib Qilaaf hareeyay safarkii London ee Madaxweyne Xasan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Kamaal Daahir Xasan Guutaale, Madaxa Poratakoolka Madaxtooyada Ibraahim Shiikh Muxudiin Ow-cadow, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooytada Xuseen Iidow iyo xubno kale.
 
Ilo Wareedyo ku dhaw saraakiishan ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegay inuu muran iyo isqabqabsi hareeyey saraakiisha iyo wafdigii ka socday dowlada ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Xasan kaasoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxaa uu salka ku hayo.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale dalka UK uga soo haray Wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi iyo ku-xigeenkiisa, taasoo aan la ogayn waxay tahay, balse Warar la isla isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha ee UK uu ka muuqday dulduleelo badan.
Sidoo kale lama oga ujeedada ka dambaysa in Madaxweyne Xasan oo aan la socon wafdigii caalamiga ahaa ee ka raacay Xarunta Madaxtooyada uu ku laabto Muqdisho, asagoo aysan la socon saraakiishii Madaxtooyada oo loo baahnaa in ay garab istaagaan.
C/xakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com
Dayniile

1 comment:

Anonymous said...

People from around the world stop by to enjoy this advice divine show.

This is a good to enriching your expertise in your love mp3s.


My web blog - agencja detektywistyczna

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...