Wednesday 8 May 2013

Qaar kamid ah odayaashii soo xulay mudanayaasha baaralaanka oo Muqdisho ku shiray,kana hadlay arin ay ku tilmaameen carqaladeynta xukuumada




Muqdisho(RBC Radio) Kulan ballaaran oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa waxa ay kaga hadleen arin ay ku tilmaameen iney tahay carqaladeynta xukuumada oo ay wadaan qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya sida ay sheegeen.
Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shiray ayaa waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen in qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka oo u dhaartay iney u adeegaan bulshada Soomaaliyeed ay xiligan ku hawlan yihiin carqaladeynta xukuumada dalka iyagoo u adeegaya dano qabiil sida ay tilmaameen.
Waxayna ka digeen Mooshin ay sheegeen iney baarlamaanka ka abaabulayaan qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo diidan magacaabista xilalka agaasimaha hay’adda  nabadsugida qaranka iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Suldaan C/casiis Cumar Bayle oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka Federaalka oo kulanka ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday iney wax laga xumaado tahay in xildhibaanadii qaranku ay curyaamiyaan dadaalada ay dowladu wado,isla markaane ay is hortaagaan magcaabistii saraakiisha hogaaminaya nabadsugida iyo booliska,wuxuuna ugu baaqay mudanayaasha wada Mooshinka ka dhanka ah magacaabista saraakiisha iney ka waantoobaan arimaha ay faraha kula jiraan kana shaqeeyaan horumarka dalka ee socda.
Suldaan Cali Suldaan Axmed oo isne hadlay ayaa sheegay in magacaabista xilalka agaasimaha nabadsugida iyo taliyaha ciidanka booliska ay tahay arin ka timi madaxda sare ee dalka,arintaasine ay tahay mid ay iyagu ku shuqul leeyihiin,wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in mudanayaasha baaralamaanku ay arinkaas faraha kala baxaan.
Wuxuuna intaa ku daray iney wax lala yaabo tahay in mawaadin Soomaaliyeed oo aqoon u leh shaqada loo dhiibay una dhaartay dalkiisa isla markaane ay madaxda dalku u garteen inuu kasoo bixi karo shaqada loo igmaday in looga horyimaado hab qabiil,wuxuuna tilmaamay inaan arintaas loo nisbeyn 4.5,wuxuuna ku baaqay inaan la carqaladeyn dadaalada ay xukuumadu wado.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...