Thursday 9 May 2013

Puntland oo sheegtay in Faragelin lagu sameeyey Dastuurka Soomaaliya.



Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Puntland  Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo Xafiiskiisa kula Hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in Gacan dhaaf lagu sameeyey Dastuurka Dalka oo waliba si sir ah oo dhuumaaleysi ah qodobo badan looga badalay kaasi oo aan latashi looga samayn loogana wareysan Dadkii horay uga qayb qaatay Samaynta Dastuurka oo ay ka mid tahay Puntland sida uu Gudoomiyuhu Yiri.

“ waxaa xaqiiq ah in Soomaaliya ay u burburtay Cadaalad darro jirtay kadibna dalku wuxuu galay kala qaybsanaan iyo inaan wax leysku darsan kadib Saadaal ayaa timi waxaa la maciin biday in Dowlado KMG ah la sameeyo iyagana  Fashil ayeey ku dhamaadeen kadib Dalku wuxuu sameystay Dastuur leysku ogyahay iyo in Hab  federal ah loo dhaqmo taas ayaa indhawaaleba u muuqatay ifafaalaha kaliya ee leysugu soo dhaweyn karo Umada Soomaaliyeed,laakiin Nasiib darro taa wey is bedeshay kadib markii Dastuurkii Dalka la jabsaday laguna xadgudbay waxaan leenahay hadaan arimahaasi laga noqon lana joojin cawaaqib xumada ka dhalata waxaa Masuul ka ah cidii falkaasi ku dhaqaaqday,sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay wax ka badalka dastuurka in aan lagala kaashan Baarlamaanka Soomaliya oo ah dhinaca kaliya ee isbedelka ku samayn kara Dastuurka Dalka isagoo ka dalbaday Xildhibaanada in waajibaadkooda ay gutaan oo ay dib u eegis ku sameeyaan Wax ka badalka lagu sameeyey dastuurka Soomaaliya isagoo tusaale u soo qaatay qodobka Sagaalaad oo dhigayay in Caasimada Soomaliya laga fakarayo halka laga dhigi doono taa bedelkeedna laga dhigay in Muqdisho ay tahay Caasimada Soomaliya.

Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ee Soomaaliya  ayaan ka jawaabin eedeemahan kala duwan ee kasoo yeereysa Puntland tan iyo intii uu is mariwaaga dhexmaray Madaxweyne  Xasan Sheekh iyo Madaxweyne C/raxmaan faroole oo garoowe ku kulmay taasoo dhalisay in Masuuliyiinta Puntland ay soo bandhigaan qodobo badan oo wax ka badal lagu sameeyey ee Dastuurka ka mid ah.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...