Tuesday 28 May 2013

Madaxweyne Faroole: Jubbaland in faragalin lagu sameeyo wax la qaadan karo maahan (Dhageyso)


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan SH Maxamed Faroole
Galdogob (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland ayaa kulan lagu qabtay Xarunta CIlmi Baarista ee Puntland (PDRC) ee magaalada Garoowe ayna Xaalada Puntlandiyo Xaalada siyaasadeed ee Dalka guud ahaan.
Madaxweyne Froole oo ka hadlaya dhanka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu taageeray maamulka Jubbaland.
“Shirka Jubbaland waxaa loo fadhiyey sideed bilood ilaa 4 sano iyo barna waa ay soo socotay in maanta faragalin lagu sameeyana wax la qaadan kara maahan waad aragteen Tiifiiyada, Idacadaha shirarka ka socda aduunyada daafaheeda oo dhan….. ma cayaarbaa cayaar maahan waa daereenka dadka weeye”
“Cidey dhibaato dan u tahay ma ay jirto beelaha Soomaaliyeed oo dhan yaan la isku dirin oo aan la colaadeesan colaad baa la abuurayaa beel ay wanaag u tahay ma ay jirto ama ha ahaato rabshada lagu hayo ama kuwa la isticmaalayo odayaal iyo waxma garadka ah ee laga qeylasiinayo iyo xildhibaano ah oo mooshino geynayo oo leh Kenya haka baxdo wadanka, oo hadii ay Kenya ka Baxdo Kismaayo maku filan tahay Xamar baaba aadan ku filneyn “
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri
“Ayaantii dhaweyd ee R/Wasaaraha yimi waxaanu niri yaan wax la sheegsheegin hade anagu mudaan aamusaneyn maanta waanu bilownay markii la aamusi waayey wax waa la sheegayaa hadii la aamusi waayo iyada oo sidaasu tahay baanu waxaanu leenahay in lawada hadlo oo qeyb ka geesano diyaar baanu u nahay”
Waxaanu diyaar u nahay Dowlada Fedraalka raga masuuliyiinta ka ah aniga ka hadlimaayo xildhibaano 4.5 lagu keenay oo qabiilka la quman yahay oo colaada qeyn ka ah waxaan ka hadlayaa Madaxweynaha ama R/Wasaraha iyo madaxda la doortay ee Jubbaland Mudane SH Axmed Maxamed Islaan iyo Cabdullaahi SH Ismaaciil Fartaag in aanu meel isugu keeno aanu dhexdhexaadino diyaar baanu u nahay” ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Faroole oo ka ahadlaya siyasiyiinta kale ee mucaaradsan maamulka Jubbaland ee hogaamiyo Axmed Madoobe ee dhawaan isku magacaabay Madaxweyne.
Faroole oo waxkama jiraan ku tilmaamaya Madaweynenimadaas ayaa waxa uu yiri.
” Diyaar uma nihin ni taleefon in uu gurigiisa ka dhex diro ama nin caradaba joogin oo lagu dheriranayo oo hadba idacad la hadlayo in aanu dhexdhexaadino kuwaas diyar uma nihin xaqna maahan lamana yeelayo”
“Waanu tageersanahay mataantaan labaad ee koonfureed ee Jubbaland in ay dhalato in ay nagu soo biirto waana soo dhaweyneynaa kuwii kale ay soo dhismaan oo soo dhameystirmaan sida Gobolada Dhexe, iyo kuwa wabiyaasha u dhexeeya intaba .. iyaga oo tashigooda iyo rabitaankooda ku imanaya hadey ….. Dowladi Fedraalka aheyd bari ay sidaas ku dhamestiranto madaxda maanta joogtaa hadey diyaar u tahay hadey diyaar u aheyn iyaga cirka roob ku og” ayuu ku soo qatimay khudbadiisii
Caasimada Galbeedka Mudug
Galdogob, Soomaaliya
Cawrala qoricuud
Qoricuud@Gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...