Thursday 16 May 2013

Somalia - Wararkii Maanta


Guddoonka Barlamanka Somaliya oo ka hadlay mooshinkii loo gudbiyey
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda oo loo gudbiyey  guddoonka baarlanka,waxaana arrintaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad Cabdalla oo  kaga dhawaaqay kulan ay  shalay xidhibaanada golaha Baarlamaanku yeesheen wuxuuna sheegay  in guddoomiyaha Barlamanka loosoo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda.
Mahad Cawad ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid sharci ah oo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa oo dhan, isagoo sheegay in maanta oo Khamiis ah loo qaybin doono nuqullada mooshinka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.kadibna muddo 5 bari gudahood ah laga doodi doono.
Xildhibaannada mooshinka soo diyaaryay ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ku guul-darreysatay howlihii loo xil-saraaray, waxayna sheegeen in haddii xukuumaddu ay kalsooni hesho ay sii shaqeyn doonto haddii kalena la bedeli doono.
Mooshinkan oo ahaa mid dhawaanahan si hoose uga socday Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo laga keeno xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhawaanahan ay arrintan ka hadlayeen odyaal-dhaqan, ururada bulshada rayidka ah iyo qurba joogta soomaaliyeed kuwaasoo sheegay inaan la joogin xilli mooshin laga keeno xukuumadda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaan weli ka hadlin mooshinka laga geeyay xukuumaddiisa, iyadoo xukuumaddu ay shaqeynayso muddo lix bilood ah. Waxaana dhinaca kale socda dedaalo ay xukumadda soomaaliya ku dooneyso inay isku difaacdo iyadoo ay jiraan kulamo kala duwan oo ka socda magaalada muqdisho kuwaas oo salka ku haya mooshinka laga keenay xukuumadda cusub oo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ay taageersan yihiin ,halka kuwo kale oo baarlamaanka katirsanna ay sheegeen inay ka soo horjeedaan mooshinkaasi
Dhinaca kale EX- xildhibaan Cabdulle xersi cawooley oo ka hadlay mooshinka xukuumadda laga keenay iyo arrinta kismaayo ayaa sheegay in baarlamaanka soomaaliyeed ee hadda jira si weyn loogu han weynaa ,islamarkaasna looga fadhiyey inay horey u socdaan oo aysan gadaal u soo noqon ,isagoo xusay in arrimaha uu maqlayo maanta ee baarlamaanka laga soo sheegayo ay yihiin kuwo ka hor imaanaya rajadii ay dadweynaha soomaaliyeed qabeen ee aheyd in maanta wax u istaagaan oo horey loo socdo lagana gudbo isqabqabsi dambe,wuxuuna cawooley intaasi ku daray in xukuumadda hadda jirta ay wax badan qabatay taas oo ay ugu dambeysay heshiiskii dhawaan loogu ogolaaday inay hawada soomaaliya iyadu maamusho,howlo kale oo badanna  ay qabatay ,wuxuuna mr.cawoolay ugu baaqay xildhibaanada inaysan laguha qaban xukuumadda cusub ,balse ay ku taageeraan howsha ay waddo

 Xildhibaan ka tirsan BFS oo dhacay $169,000 iyo Maxkamad uu wajahayo
Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, oo loo heysto lacag sida la sheegay uu ka dhacay muhaajiriin Soomali ah,  ayaa dacwad ka dhan ah loo gudbinayaa maxkamad.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa lagu eedeeyay inuu dad  masaakiin ah oo tahriib ah ka dhacey lacag gaareysay  169,000(boqol lixdan iyo sagaal kun ) oo Dollar.

Waxa uu sida la sheegay ahaaa muqalas oo wuxuu la shaqeynayey walaalkii Ibrahim Jeesow  oo asaga  dacwadiis  laga  furey wadanka Holand ee uu ku nool yahay.

Waxaa iminka soo dhamaadey Documintiyadii kala duwanaaa ee laga heley Shirkada Western Union Qeybteeda Magaalada Izmir ee Dalka Turkiga, kuwaasi oo loo adeegsanayo kiiska Jeesow.

Dadka Masaakiinta ah ee Daahir Jeesow ku eedeeyay inuu ka lacagta ka dhacey waxaa ka mid ahaa dad doon kula qalibantey oo geeriyoodey, kadibna uu la  baxsadey lacagtii  uu ku hayey Accounkiisa, ee dadkaasi au u dhiibteen.

Dadka eedeeyay Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in ay waraaq u  qoreyn Gudoomiyaha Baarlamanka ka hor inta aan  Maxkamada  loo  gudbin  si xasaanadda looga qaado.

XIldhibaan Jeesow, waxa uu hooyooyin  Soomaaliyeed  oo tahriibka  ahaa ka furtey lacagtii  safarkooda,  sidaas darteedna ma matali karo qaranka Soomaaliyeed, waxaana rajeynaynaa in  Guddoonka Baarlamanka uu aqbali doono  codsiga shacabka ,  hadii ay damiir lee yihiin, ayaa ka mid aha erayada loo qoray Jawaari.

Dadka eedeenaya Jeesow, ayaa sidoo kale Booliiska magaalada Izmiir  ee dalka Turkiga ay  u gudbiyeen  dacwaddiisa, gaar ahaan  waaxda dabagalka gaarka ah  kuwaas oo ku raad jooga Taariikhda uu baxsadey, ayada oo caddeynta laga heli karo  Hotelkii  uu deganaa.

Dadkii dhacaas loo geystey  ayaa  waxey mudo ku raad joogeen  Dahir Jeesow, waxayna lee yihiin in maadamaa iminka wadanka Nidaam iyo kala dambeyn uu heley, ay muhim tahay in cadaaladda la horkeeno.

Waxa kale oo ay lee yihiin “Sharciga waa loo siman yahay,  qofka hadii uu Masuulyahay iyo hadii kalaba waxaa la wada maraayaa cadaalada”

Xogtaan waxaa  ka helney  mid ka mid ah dadkii dhibaatada uu u geystey  kana mid ahaa Gudigii Turkiga iyo Somalia tagey.

USA oo garab istaagtay R/W Saacid, kana digtay mooshinka ka dhanka ah
Nairobi (Caasimada Online) - War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Saafarada Dalka Maraykanka ku leedahay Dalka Kenya ayaa lugu sheegay in Xukuumada Maraykanka ka digayso khilaafyo mar kale ka dhax abuurma Golaha Baarlamaanka Somaaliya oo caqabado hor leh ku keenaya dalka Somaliya.
Dowlada Maraykanka waxay sheegtay in ay jiraan Xilidhibaano ka mid ah Golaha Wakiilada oo wada fowdo iyo in dib u dhac ku yimaado howlaha balaaran ee Xukuumada sugaya in ay ku dhaqaaqdo .
Waxa ay sheegtay in Xukuumada Marayakanka ay arintaa uga digayso Xilidhibaanada oo aysan ku dhiiran maadama ayaa lugu yiri qoraalkaa ay Dowlada Somaliya iminka noqotay Dolwada aduunka laga aqoonsaday .
Xukuumada Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka xariirka wanaagsan la leh Xukuumada Somaliya hayeeshee waxaa maalmahaan sii xoogaysanaya kala duwanaashaha Fikirada Golaha Wakiilada somaliya oo qaarkood wadaan mooshin ka dhan ah Ra,isal Wasaare sacid.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Xilidhibaanada howshaan u olalaynaya ayaa asago waxa uu rabaa in ay u meel marto qorshaha la xariira in xilka laga tuuro Ra’iisal wasaaraha waxa uuna horbodayaa Mooshinkaa ka dhanka ah Mr Saacid.
Arintaan ayaa noqotay tan ugu hadal haynta badan Magalaada Muqdisho waxama kala qaybsanaanta Xilidhibaanada laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyadoo tani suuragal ka dhigi karta in caqabado hor leh ku yeelato Xukuumada Somaliya .
Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa ah 275 Xilidhibaan waxana hadii sedax meelood laba meel codka u qaadan Ra,isal Wasaare saacid uu waynayaa kalsoonida uu ka haysto Golaha wakiilada Somaliya waxa ayna imanaya 7 bil kadib oo xukuumada hatan jirta ay jirto .
 DF oo Guddi gaar ah u magacawday arrimaha Jubbooyinka (Aqri liiska)
Muqdisho (Caasimada Online) - Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi heer caalami ah u magacawday arrimaha maamulka Juubooyinka iyo shirka halkaasi ka socda, waxaana la sheegay in Guddigaasi ay dhawaan u ambabixi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunata gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo kulamo kala duwan halkaasi kula yeelanaya maamulayaasha KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo saraakiil Kenyaan ah.
Sida warku sheegayo Ra’isul wasaarha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdon ayaa maanta wareegto ku soo saaray gudi ka kooban labada gole iyo iyo xiriiriye tiradooduna tahay 16 xubnood loona xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib u heshiisiinta Jubbooyinka.
Wafdigu waxay kaloo si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dawladda federaaliga ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dawlad goboleedyada federaalka ah.
Guddigaan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambo baxaan magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha mudane Cabdiguhaad Jaamac Axmed Moxamed (Oday), waxaana ay kala yihiin xubnaha  Guddiga uu Ra’isul wasaaraha xallinta arrimaha Jubbooyinka u magacaabay sida tan:-
Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
 Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
 Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
 Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
 Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
 Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
 Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
 Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
 Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
 Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
 Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
 Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
 Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
 Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
 Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi Xubin
 R/W Saacid oo xaaladdu ku xuntahay & 96-xildhibaan oo mooshin gudbiyey
Muqdisho (Caasimada Online) –  Ku dhawaad 60-xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mooshin ka dhan ah Ra’isul wasaaraha, iyadoo tallaabadan ay bilow u tahay abaabul mudanayaasha baarlamaanka ugu jiraan inay ku ridaanxukuumada uu hogaamiyo cabdi faarax shirdoon.
Xubno ka tirsan kuwa mooshinka geeyey ayaa sheegay inay  filayaan in Gudoonka Baarlamaanka uu  ku soo aqristo mooshinkan muddo shan maalmood gudahood, kadibna baarlamaanka uu fariisanayo, si codka kalsoonida loogu qaado ra’iisul wasaaraha soomaaliya, Xildhibaanada wada abaabulkan ayaa u badnaa wasiiradii Xukuumaddii hore iyo xildhibaanadii horay uga tirsanaa Baarla(maankii kmg, kuwaasoo waayo u joog ahaa marka ay timaado xaaladaha mooshinada oo kale.
Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeeyey xukuumada soomaaliya inay waxba ka qaban weysay arrimo badan oo dalka ka jira, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee dalka kajira,sidaa owgeed loo baahan yahaya sida ay yiraahdeen in la ridoo oo xukuumad cusub la soo dhiso, Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada mooshinkan gudbiyey ayaa sheegay inay cadahay in xukuumaddani ku fashilantay arrimo badan oo looga baahnaa inay wax ka qabato,sida Ammaanka ,dhaqaalaha ,iyo horumarinta bulshada, isagoo xusay sida uu yiri in loo baahan yahay in deg deg loo dhiso xukumad wax ka qabata kuwa ay xukuumadani ku fashilantay sida uu yiri.
Dhinaca kale waxa jira dedaalo ay wadaan xubnaha golaha wasiirada ee dowladda soomaaliya kuwaas oo doonaya inay ka hortagaan mooshinka la sheegay in loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka soomaaliya ,waxayna xubnaha golaha wasiirada iyo ras,uusulwasaaruhuba wadaan kulamo kala duwan oo ay ku kasbanayaan xildhibaanada kale ee aan mooshinka saxiixin,waxayna isku dayayaan sida la sheegayo inay fur furan isbahaysiga cusub ee doonaya inay xilka katuuraan.
Sidoo kale warar ku dhowdhow madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in 3 xubnood ee u sareysa dowladda soomaaliya ay shirk u yeesheen xarunta madaxtooyada ee villa Somalia, shirkaas oo aan la xaqiijin waxa sida arsmiga ah looga hadlay ayaa war kale waxay sheegayaan in kulankaasi si weyn looga hadlay mooshinka kadhanka ah xukuumadda soomaaliya,lamana oga inay arrintaasi wax go,aan ah ka qaateen iyo inkale ,iyadoo dhinaca kale ay jirto mooshinno kale oo la hadal hayo inay dhici karto in laga keeno xubnaha sarsare ee kale dowladda Soomaaliya.
Axmed Siilaanyo: Adduunka waxa uu doonayaa midnimada Somaliya
Hargeysa (Caasimada Online) -  Tan iyo wixii ka dambeeyay wadahadalkii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maamulayaasha maamulka Somaliland waxaa ka soo yeeray hadalo niyadda u dhisaya shacabka Soomaaliyeed, balse niyad dil ku ah maamulyaasha Somaliland, wuxuuna hadal lagu farxo shalay ka soo yeeray Axmed Siilaanyo oo sheegay in adduunka oo dhan ay doonayaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, wadamadii ay booqdeenna loogu baaqay inay Soomaaliya la midoobaan sida uu yiri.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo kulan balaaran la yeeshay ardayda jaamacadaha ka jira deegaanada maamulka Somaliland ayaa uga waramay xaaladda guud ee deeganada maamulkaasi iyo arrimo kale, wuxuuna sheegay inay jiraan dalal badan oo doonaya inay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya, laakiin buu yiri haddii ay isku xiranyihiin shacabkeeda iyo xukuumadda Somaliland ay cid walba ka adagyihiin sida uu yiri.
“Ardayda waa mustaqbalkii dalka, dhalinyaradu waa kuwii dalka xoreeyey ee wax ka dhigay waa kuwii qiimaha uu leeyahay u yeelay, waana kuwo himilada dalkan keeni doona, oo difaaci doona qaranimadoodda” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey ardayda jaamacadaha, waxaanu intaas ku daray “Waxaynu u dabaaldegaynaa 22 guuradii madax banaanidda Somaliland, halgan aad u dheer oo ay ku baxeen dad iyo dunyo badan ayeynu u soo marnay xoriyadeena, illa hadda ictiraafkii aanu dunida ka rabnay maynu helin laakiin dunida way inala dhaqantaa, waxa la inoo arkaa qaran cagihiisa isku taagay, dhibaatooyin kale oo inaga hor taagan oo walaalaheen soomaaliya sabab u yihiina way jiraan, iyadoo dunidu indho kale wax ku eegaysa, balse waxay wax walba ku xiran tahay oo aynu ku miro dhalin lahayn madax banaanideena waa sidii aynu iskugu xirnaano iyo sida aynu u wada dagaalgalno, waxaan ku kalsoonahay ardaydiina jaamacahaha ka soo baxaysa iyo kuwa kaleba in dagalkaasi iyo howshaasi ay qayb libaax uga qaadan doonaan sidii aad kal horaba uga qaadateen xoreyntii dalka”.
“Waddamo badan baanu tagnay waxaasi oo dhan waaxanu usoconay waxaanu iibgaynayey ama ka dhaadhicinay qadiyada Somaliland, dunida qaar badan ayaa doonaya sidii ay iskugu soo noqon lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin Somaliland way ogsoon tahay hadafkii ay usoo martay xoriyadeedda, laakiin waxay ku xiran tahay sida dhallinyradeeda iyo shacabkeeddu iyo dowladeeddu iskugu xirnaato si qadiyad awood leh u noqoto, waxaanboqolkiiba boqol ku kalsoonahay inuu halgankaasi yahay mid inoo wada yaala.”
War Deg Deg Ah Doorashadii Madaxweynaha Jubaland State oo goordhaw soo dhamaatay iyo Madaxweynaha oo noqday…
 Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe loo doortay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland kadib markii maanta la qabtay doorasho aan waqtigeeda horey loo shaacin..
 Warar laga helayo Kismaayo ayaa ku waramaya in Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland goor-dhow uu ku guulaystay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe inkasta oo sida doorashadu u dhacday wali si rasmi ah aan loo shaacin .
 Waxaa sidoo kale si rasmi ah aan loo ogeyn tirada Musharixiinta tartantay iyo Codadka lagu kala guuleestay maadaama uu aad u yar yahay wararka laga helayo Kismaayo gaar ahaan halka ee doorashadu ka dhacday.
 Doorashada Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa timid kadib markii maanta la guda galay qaabkii lagu heli lahaa madaxweyne maamulkaasi yeesho ,iyadoona Doorashada ee mudo dheer soo jiitameysay qilaafyo badana ka dhasheen qaabka loo qabanayo doorashada.

War Deg Deg ah: Qarax Miino oo nabadoon caan ah iyo ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Muqdisho.
 Wararka laga helayo Isgoyska Kaasa Bal-balaara ee degmada Hodon ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay xaqiijinayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino loo adeegsaday oo lala eegtay gaari uu watay nabadoon Soomaaliyeed.
 Gaariga oo qaraxa lala eegtay uu haleelay guud ahaanna bur-buriyay ayaa waxaa ku dhintay nabadon Cartan sheikh Doon iyo ruux la sheegay in uu ilaala u ahaa iyada oo dhaawacyana ay jireen.
Sidoo kale Warar ayaa sheegayaa in Nabadoonka uu dhintay daqiiqado uun kadib markii loola carary goobaha caafimaadka si wax looga qabto dhaawac halis ah oo miinadu gaarsiisay.
 Cartan sheikh Doon ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa masuuliyiinta Ahlusunna ee gobalada dhexe.
 Wixii Warar ah ee ku Saabsan Qaxarahaas Kala Soco Wararka Soo Socda Insha Allah .
 Baarlamaanka oo ku tilaamay mid sharci ah Shaaciyayna xilliga la guda gelayo ka doodista Mowshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.
 Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad, ayaa waxa uu maanta baarlamaanka ka hor cadeeyay xilliga ay munaasib tahay in la guda galo ka doodista Mowshinka kalsooni kala noqoshada xukuumada Soomaaliya.
 Gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay sharciga waa faqsantahay keenista mowshinka isaga oo arintaasi ka hadlayayna waxa uu yiri, “ Farqada koowaad qodobka 75-aad ee xeer hoosaadka ayaa dhigaya in Shan meemlod meel xubnaha guud ee baarlamaanka ay soo jeedin karaan mowshin xukuumada kalsoonida loogala noqonayo iyada oo Shan maalin kadib maalinta soo jeedinta la guda geli karo ka doodisteeda”.

Waxa uu intaa ku daray in xildhibanada soo jeediyay mowshinka ay ka badanyihiin intii loogu tala galay sidaa darteedna maalinta 22-ka bisha ku beegan la geli doono ka doodista mowshinkaasi.
 Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in ay gadaal ka taaganyihiin Xildhibaan Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdi Raxmaan faroole ayaa waxa ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliyeed mowshinka xukuumada kalsoonida loogala noqonayo iyaga oo ku eedeyay xukuumada in ay gudan weysay waajibaadkii loo xil saaray.
Midoowga Yurub oo Soomaaliya u soo wareejinaya Tababaradii Ciidamada Dowlada ay ku siin jireen qaar ka mid ah Wadamada Africa.(Sawiro)
kulan ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dalka oo uu ku jro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo saraakiil ka socota Midowga Yurub ayaa oo Arbacada maanta ah  lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii loogu soo warjin lahaa xarumaha lagu taba baro ciidamda dowlada gudaha wadanka Soomaaliya.
 Xaflada oo u jeedadeeda ahayd soo wareejinta howgalkii Tababarka ciidamada Soomaaliya Midowga Yurub ay ku siin jireen dalka Uganda ayaa waxaa Madaxdii dowlada ka qeyb gashay ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud halka Midowga Yurub  ay goob joog ahaayeen wakiilka Miodwga Yurub ee Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Africa.
 Madashada oo hadalo ay ka jeediyeen Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in si aad ah u soo dhaweynayaan u wareejinta howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyadoo arintaasi loo micneeyay Nabada ka jirta dalka Soomaaliya.
 22-kii sano ee ugu danbeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya waxay tababar ay horboodeyso Midowga Yurub ku qaadanayeen Magaalo ku taalo dalka Uganda sababo la xariira amaanka oo aad u liitay.

xiligaan ayaa Midowga Yurub si rasmi ah howlgalkaasi ugu soo wareejiyay Soomaaliya,waxii hada ka danbeeyana ciidamada dowlada Soomaaliya waxay tababar ku qaadanayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Mudaneyaasha Baarlamanka oo kulan yeeshay iyadoona loo qeybiyay qoraalo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda
Kulankan ay maanta yesheen xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiiq Cusmaan “Jawaari” waxaana soo xaadiray 149 mudane.
 Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka warbixinta safaradii guddoomiyaha Baarlamanka uu ku tagay wadamada dibadda, qeybinta qoraalo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda taas oo qeexeysay miisaniyadda 3-dii bilood ee la soo dhaafay, ka mid noqoshada Baarlamanka Caalamka ee loo yaqaano IBU iyo mushin laga keenay xukuumadda Soomaaliya.
 Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof  Maxamed Shiiq Cusmaan oo furitaanka kulanka uga warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka Turkiga ee uu kulamada kula soo qaatay madaxda dowladda Turkiga.
 Afhayeenka Baarlamanka ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in ay soo buuxiyaan kuraasta laba mudane oo kala ahaa Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo xilka iska casilay iyo Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.
 Sidoo kale ajandaha kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa mushiin laga keenay xukuumadda Soomaaliya waxaana mushinka ka keenay 97 mudane.
 Magaalada Kismaayo oo Labo madaxweeyne yeelatay.
Wararka ka’imaanaya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hogaamiyaha Ururka Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo loo doortay madaxweynaha mamul goboleedka Jubaland.
 Wararka ayaa sheegaya in Ergooyinkii ka qeyb galay shirkii kasocday Kismaayo Axmed Madoobe maanta xilkaas u doorteen.
 Madasha doorshadu ay ka dheceysay ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah musharixiinta u taagnaa qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Juba-land halka ay qaar kalane ay goobta ka maqnaayeen iyada oo aan la sheegin sababaha aysan usoo xaadirin madashada ay ka dheceysay doorshada.
 Sidoo kale waqti yar kadib, ayaa waxaa isna ku dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha Jubaland Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ku sugan magaalada Kismaayo.
 Barre Hiiraale, oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Xubno maalmahaan shir uga socday Kismaayo ay isaga udoorteen madaxweynaha Jubaland.
 Barre Hiiraale oo la weydiiyay waxa maanta isku soo beegay doorashada Axmed Madoobe iyo doorashadiisa, ayaa ku jawaabay sida tan:
“…Walaahi wey isku soo beegmi karaan, weyna kala hormari karaan, laakiin shirkoodu inuu socdo anagu waan ogeyn shirkeenana wuu socday mudo, dadkii deegaanka ahaa ee meesha isugu yimid ayaa aniga ii doortay inaan noqdo madaxweynaha Jubaland, mudo 4 sanoah baana la’ii xilsaaray inaan noqdo madaxweynaha Jubaland…”.

Barre Hiiraale, ayaa sidoo kale mar la weydiiyay in arintaan ay keeni karto in magaalada Kismaayo dagaal uu ka bilaawdo, waxa uu sheegay in iyaga aysan dooneen dagaal iyo Colaad.
 “Shirkaan Axmed Madoobe lagu doortay waxaa watay kenya iyo IGAD, barnaamijkaasuna wuxuu noqday barnaamij aan dadka Soomaaliyeed lahayn…” ayuu yiri Barre Hiiraale.
 Magaalada Kismaayo, ayaa hada u muuqaneysa mid yeelatay laba maamul oo kala aragti duwan, sidoo kale doorashada Axmed Madoobe, ayaa kusoo aadeysa xili maanta magaalada Muqdisho uu gudi ka kooban labada gole ee doowlada uu kaga dhawaaqay Ra’iisul wasaaare Saacid, gudigaasoo loo xilsaaray ineey xaliyaan arimaha murugsan ee jubooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdale Cawad ayaa sheegay in 22 bishan laga doodayo mushinka laga keenay xukuumadda Soomaaliya
Canada oo Safiir Cusub u soo direysa Magaalada Muqdisho Mudo 22 Sano ah kadib.
Tan iyo Markii Dalka Soomaaliya uu ka soo kobtay Colaadihii ragaaday mudada 21 sano ah waxaa isa soo taraye Dowladha dalka dib uga Furnaya safaaridihii ay ku lahaan jiree.
 Wasiirka arimaha dibada dalka Canada John Baird ayaa ku dhawaaqay safiiro cusub oo Muqdisho ufadhindoono ay Soo magaacaabeen mudo 22-sano ka dib markii oo fowdo iyo qalalaaso uu dalka Soo maray.
 Safiirka cusub ee dalka Canada u soo Magacowday Soomaaliya  ayaa lagu Magacaabaa David Angells,iyadoo dowlada arintaan ku micneysay hore u sii wadida ama xoojinta xariirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Canada.
 Dowladama jirin wax safiir ah oo Soomaaliya u fadhiyay tan iyo 1990,laakiin haatan Magacaabistaan safiirka cusub ee Soomaaliya u soo wakiishatay ayaa noqonaya mid wax weyn ka badala xariirka labada dal ka dhaxeeya,waxayna dowlada Canada dadaal ugu jirtay sidii Soomaaliya xariirkeeda u hanan lahayd.
Angell waa safiirka cusub ee Soomaaliya,wuxuuna si Kmg ah xafiiska uu ugu yaali doonaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya inta uu ka fulinayo waajibaadkiisa.
 Mr Angell ayaa Magacaabistiisa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arimaha dibada dalka Canada John Baird xilli uu booqanayay dalka Kenya.
Dowlada Canada ayaa ka mid noqoneyso dowlado badan oo safiiro u soo Magacowday Soomaaliya,waxii ka danbeeyay markii Madaxweyne,iyo baarlamaan si rasmi ah loogu doortay Soomaaliya oo in mudo xasuusta ay ku jirto in labo meel isku sheegtay la waayay.


iska Hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Ilaalada Dahabshiil oo Bakaaraha ka dhacay.
 Waxaa  iska hor imaad dhaliyay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xarunta ee Shirka Dahabshiil ku leedahay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Cabdille Shideeyaha .
 Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo ilaalada shirkada Dahabshiil waxa uuna socday ku dhawaad hal saac , Iska hor imaadka labada dhinac u dhaxeeyay ayaa hakad galiyay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.
 Wariye katirsan Shabakada Allbanaadir.com oo booqday halka uu dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegaya in dagaalka uu bilowday kadib markii ee xarunta Dahabshiil tageen rag katirsan Ciidanka Dowlada kuwaa oon si rasmi ah loo ogeyn in ee dhac u tageen halkaasi iyo in kale.
 Ilaalada Dahabshiil oo ka shakiyay ragan wata Dareeska Ciidanka Dowlada ayaa durba ku bilaabay Rasaas waxaana rasaastaasi ku dhintay mid kamid ah Askarta Ciidanka Dowlda iyo sidoo kale mid kamid ah ilaalada Shirkada Dahabshiil sida ee goob joogayaashu ku warameen.
 Intaa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo badan oo katirsan Dowlada kuwaa oo iyana rasaas isdhaafsadeen Ilalada shirkada dahabshiil kadib markii ilaada ee diideen in ee joojiyaan rasaasta ee ciidanka kala horjeedaan.

Xaalada Suuqa ayaana mar qura isbadashay waxaana xirmay goobo badan oo ganacsi dadka ayaana ahaa kuwa luuqyada kala socday rasaasta kasocotay xarunta Dahabshiil ku leedqhay Suuqa Bakaraha , Ciidamada ayaana rasaas badan furayay si eesan dadku ugu soo dhawaan halka ee xabadu kasocotay.
 Maamulka Dowlada ee Degmada Howlwadaag iyo Saraakiil ciidan ayaa durba goobta soo gaaray kuwaa oo ku guuleestay hakinta dagaalka labada dhinac u dhaxeesay , waxaana gabi ahaan meesha laga kaxeeyay shaqaalaha Shirkada Dahabshiil lamana oga in la xiray iyo in sababo amaan meesha looga qaaday.
 Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa hada ah mid dagan , waxaan dib u furmay goobihii ganacsi ee mudo kudhaw saacad u xayirnaa iska hor imaadka u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo ilaalada Shirkada Dahabshiil.
 War Dag Dag ah:-Dagaal u Dhaxeeya Taageerayaasha Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo Xalay ka dhacay magaalada Johansburg ee S/Afrika.
dagaalkani oo la isku adeegsaday Dhagxaan iyo bistoolado ayaa waxa uu dhaxeeyay Dhalinyaro kala Tageersaneeyd axmed maxam,ed islaam (axmed madoobe) iyo korneyl barre hiiraale.
 Dagaalkani oo Ka Dhacay Xafada soomaalidu badan tahay ayaa Bilaawday kladib markii taagerayaal u dabaal dagayay doorashada axmed madoobe ee jubba -land ay soo hujuumeen dhalin yaro akle oo ak soo hor jeeday oo iayaguna taageersanaa Korneeyl Bare Hiraale.
 Dagaalkani oo in Mudaa Socday ayaan wax Qasaaro ah Geesan marka laga reebo Baabuur La Jajabiyay.
 Ugu Danbeeyn ayaa Odayaal Labada Dhinac ah waxa ay ku guuleesteen in ay Rabshadaasi joojiyaan.
 Haweeney Mareykan ah oo lagu Qafaashay Soomaaliya oo ka hadashay Qaabkii Loo Qafaashay!!
Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliyeed qafaalasho ugu haystey dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka warantay habkii ay ku soo furteen ciidamada SEAL ee soo badbaadiyey iyadoona ay haweeneydaas ay ku faantay inay tahay qof American ah arintaasna ay u suurogalisay soo furashadeeda.
essica Buchanan oo ah haweeney u dhalatay dalka Mareykanka islamarkaana ka howlgalaysay heyadaha caawiya dadka gaar ahaan caruurta wadmada Afrika oo uu weheliyo Poul Hagen Thisted oo u dhashay dalkaas Denmark oo ay kooxo burcad Soomaaliyeed ku qafaasheen dalka Soomaaliya ayaa waxay ka sheekeysay sida ay u soo badbaadiyeen ciidamada kumandooska dalka Mareykaka ee loo yaqaan SEALs, Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay in lagu haayey meel cidla ah geed hoostiisa islamarkaana ay seexan jireen banaankaas iyadoona sheegtay inay habeenkii uu yahay qaboow iyo marar uu roob ku da'o, Cuntada ayey ku sheegtay inay ahayd malaay iyo rooti,
Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inay ku xanuunsatey oo laga qabtey kalida, arintaas oo markii ay gaartey dhaqaatiirta iyo FBI la sheegay hadii ay sidaas ku sii jirto inay nolosheedu qaadan doonto 2 todobaad oo qura taas oo keentay in la go'aansaday in la soo furto haweeneydaas, Ka dibna waxaa habeenimo saq dhexe ay ka war heshay haweeneydaas iyadoo ay rasaastu ay is qabsatey, waxaan u maleeyey kooxda Alshabaab oo rabta inay i qafaashaan oo ay i dilaan ayey tiri haweeneydaas.
Laakiin arintu sidaas ma noqon oo waxaan maqlay qof magacayga iigu yeeraayo taas oo aan gartey inuusan hadalkaas ama lahjadaasi aysan ahayn qof Soomaali ah ee uu yahay qof American ah waxay igu noqotey yaab iyo inaan rumaysan waayo ilaa ay isku keysheegeen ka dibna goobta ayey iga soo ka xeeyeen ayagoo ila soo cararay, Intii la isoo waday ayaa ciidamadu ay shakiyeen iyagoona isku ku kay wareejiyey islamarkaana i qariyey aniga oo dhan si ay iiga difaacaan wixii i soo weeraro ka dibna waxaa na soo gaarey diyaarad Hellikopter ah oo aan orod iyo halhaleel ku fuulau ayey raacisay haweeneydaas hadalkeeda, Dadkii meesha ku haystay ayey waxay ku sheegtay inay la yaabtay wiil yar oo 10 sano jir ah oo ka mid ahaa kooxdaas, markii ugu horeysay ee aan maqlo codka wiilkaas yar waxaan u qaatey inay haweeney ka mid tahay kooxda na haysatey laakiin ayaa arkay inuu ahaa codkaas wiil yar oo muqaadaraadka uu qaadka ka mid yahay si aad ah u isticmaalo, runtii waan ka naxay markaan arkay in caruurtii aan u imid adlkaas inaan badbaadiyo ay ka mid yihiin kuwa i dhibaateynaayo oo loo sii tababaraayo burcadnimo ayey tiri haweenydaas oo ka hadlaysay arintaas.

Ugu danbeyntiina iyadoo ay haweeneydaas ku faantay inay tahay qof American ah islamarkaana markii la soo badbaadiyey oo la soo saarey Helikopterkii soo qaadaysay ay ciidamada dalka Mareykanka ay huwiyeen calanka dalkaas ayay waxay sheegtay inay ku faraxday inay tahay qof Mareykan ah, Sidoo kale ayaa ninkii u dhashay dalkaasDenmarka ee lala soo badbaadiyey haweeneydaas waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ilaahau nasiib u siiyey in lala qafaasho naag u dhalatay dalka Mareykanka oo uu yiri inay haweeneydaas la'aanteed ay arintiisu adkaan lahayd, Ciidamadii soo furtey haweeneydaas ayaa waxay dhamaan cagta mariyeen xeradii ay ku haysteen haweeneydaas ragii qafaashay ayagoo sidoo kalena goobtaas ku dilay 9 ka tirsanayd ragii haystay haweeneydaas.
Ururka dhalinyarada SYLII oo xusay 15 May 70 Guuryadii asaaska ururka Gobanimo doonka SYL
Munaasabad  lagu maamusayay  15 May, sanad guuradii 70aad ee kasoo wareegatay aas aaskii uruka gobanimo doonka somaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay ee magaalada muqdisho, munaasabadaas oo ay soo agaasimeen ururka dhalinyarada SYLII ayaa aheyd mid aad u heer sareeysay oo dhalinyarada ay iskood isugu yimaadeen barxad banaan. Qudbooyin guubaabo iyo la talin ah ayaa dhalinyarada loogu sameeyay munaasabadda waxaana kasoo qeyb galay boqlaal dhalinyaro ah, xildhibaanno, abwaanno iyo qaar ka mid ah dad in badan kasoo shaqeeyay arimaha dhalinyarada sida wasiirkii hore ee hub ka dhigista iyo dhaqan celinta  dhalinyarada, Cumar Cali Rooble.
 Waxaa sidoo kale ka mid ahaa xildhibaanadii kasoo qeyb galay xildhibaanad  Maryan Macalin  oo halkaasi kasoo jeedisay qudbad dheer oo isugu jirtay sugaan iyo gubaabo  oo ay ku waanineeysay dhalinyarada iyadoo salaan kaga siday guddiyada baarlamanka iyo afhayeenka barlamaanka mudane Maxamed sh Cismaan Jawaari, sidoo kale,  Cumar Cali Rooble  wasiirkii hore ee dhaqan celinta iyo hub ka dhigista dhalinyarada ayaa qudbad dheer ka jeediyey munaasabadda waxa uuna yiri “waxaa ii muuqata marxalad isbadal taa oo ah inay dhalinyaradu ka gudbeen xiiseeyntii qoriga  oo ay haatan u bateen in ay qalinka qaatan”  waxa uu sidoo kale u mahad celiyay ururka dhalinyarada SYLII  sida mutadawacnimada leh ay  dhalinyarada dan yarta ah ugu fidiyeen deeqaha waxbarasho ee bilaashka ah.
 Sh Xasan Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah culumaa’udiinka somaaliyeed ayaa ka mid ahaa culumadii saaka dhalinyarada kala qeyb gashay munasabaadaa isagoo ku dheeraday ka hadalka  doorka bulshada ay dhalinyaradu ku dhex leeyihiin iyo aragtida diinta ay ka qabto. Abwaano ay ka mid yihiin Maki Xaaji Banaadir Buurfule iyo Bare Sh C/laahi C/raxmaan (Bangaalidheesh) oo halkaasi kusoo bandhigay taariikhda 13kii Dhalinyarada SYL iyo halgankoodii iyagoo halkaa mariyay tixo suugaan ah oo ay ku dhiira galinayeen jiilka maanta in ay ku daydaan halgaankii iyo wadaniyad jaceylkii ururka SYL, waxaa sidoo kale halkaas ku soo bandhigay qaar ka mid ah dhallinyaradii halkaas isugu timid.
 Boqolaal dhalinyaro ah ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee xarunta ururka dhalinyarada somaaliyeed ee SYLII , dhalintaa ayaa  wajiyadooda laga dheehanayay farxad  waxeyna ku  libisnaayeen   astaanta calankeena halka qaar kale ay iyaguna xirnaayeen  halku dhigyo ay ku mujinayaan dareenkooda ku aadan  15 may oo ay ka mid ahaayeen “15 may waa maalin xusid mudan” iyo halku dhigyo kale oo fara badan, maaha markii ugu horeeysay  ee ururka dhalinyarada somaaliyeed ee SYLII  usoo agaasimo munaasabao ceeynkan oo kale ah.
 Madaxweyne C/Raxmaan Faroole maxuu ka yiri Doorashadii Madxaweynaha Jubaland ee Maanta Kismaayo ka dhacday?
 Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa si diiran usoo dhaweeyay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Hogaamiyaha Ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Madoobe in uu noqdo Madaxweynaha Jubaland State.
 Faroole oo Saxaafada kula hadlay Madaxtooyada Puntland ayaa ku tilmaamay tilaabo lagu farxo in ee tahay Doorashadii Maanta Kismaayo ka dhacday ee lagu Doortay Madaxweynaha Jubaland State waxa uuna ku baaqay in Maamulka cusub ee Jubaland taageero lala garab istaago.
 Madaxweyne Faroole Faroole ayaa guul ku tilmaamay in dadka degan goboladaas ay iskugu yimaadaan shirweyne ay ku dhisaanayaan maamulkooda oo waafaqsan dastuurka dowladda Federaala,waxana bulshada Jubooyinka iyo Gedo ugu hambalyeey dhismaha Jubaland.
 Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in ee aqoonsato maamulka Jubaland State , waxa kale Madaxweyne Faroole Beesha Caalamka ugu baaqay ee taageerto Maamulka Cusub ee Jubaland State uu sheegay in Nidaam waafaqsan Dastuurka Federaalka lagu soo dhisay.
 Maamulka C/Raxmaan Faroole Hogaamiyo ayaa horey Qarashaad aad u badan ugu bixiyay dhisida Maamulka Jubaland State iyadoona Xusid mudan tahay in Dastuurka iyo calanka maamulka Jubaland ay labaduba yihiin kuwa laga soo koobiyeeyay kan Puntiland arintaasina ay aheyd mid ay isku ogaayeen Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Faroole.
Wasiirka howlaha guud oo kulan la qaatay wafdi ka socday Lubnaan iyo hay’adda UN-habitat “sawirro”
Kulankan  maanta uu wasiirka wasaaradda howlaha guud  dib u dhiska dekkedaha gaadidka Badda iyo tamarta u laqaatay wafdigan kakala socdey UN-habitat iyo maalgashadeyaal ka socday wadanka Lubnaan, waxaana  goob joog ka ahaa howlwadeeno ka tirsan wasaaradda.
 Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii dalka maalgashi ay ugu sameysan lahayeen xubnaha ka socday dalka lubnaan.
 Markii uu soo gabagaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay agaasimaha waaxda dib u dhiska iyo gaadiidka badda waxa uuna sheegay in saakay ay kulan la qataan wafdi ka socday hay’adda UN-habitat ayna kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib u dhismaha dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah.
 Sidoo kale agaasimaha ayaa intaasi ku daray in maalmihii ugu dambeeyay ay dalka ku soo badanayeen dadka ajaanibta ah ee doonayo in ay maalshi ku sameyaan dalka maadama uu haatan yahay mid ka soo kabanayo burburkii, waxa uuna intaasi raaciyay in xubnihii ka socday dalka Lubnaan ay isku afgarteen sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska dalka.
  Feysal C Warabe oo kashifay dal kala hadlay shirqool ka dhan ah Somalia
Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa waraysi uu la yeeshay Telefishanka Somalichannel waxa uusheegay in bishii Janaayo (2013) ay Norway kawada hadleen Xuduudda badda Soomaaliya, oo ah shirqool muddaba ay Norway la maaganeyd Somalia.
Waxaana uu shaaca ka qaaday xog dheeraad ah oo la xidhiidhta qorshaha ay doonayso Norway, ayna kala hadashay bishii Janaayo 2013, waxaana Faysal yiri “in xuduudda badda la gaarsiiyo 200(km), in ay doonayaan si aan Baarlamaanka Soomaalidu uga hor imaan arrintaas, in baarlamaanka Soomaalida la casumayo, waana tii dhacday oo la casumay guddoomiyaha baarlaamanka, in laga dhaadhiciyo in mashruucaasi soo socdo, iyo in haddii dawladdu saxiixdo aan baarlamaanku ka hor imaan…” Weriyaha ayaana Faysal markaas weydiinya: Sow badda Soomaaliya hore uma ahayn 200 mayl badeed oo TERRITORIAL WATERS ah…. Jawaabtiisa hoos ka dhagayso.

Sida ay la socdaan Soomaalida wax akhrida, qodobadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay London 7-dii May 2013 (Somalia Conference 2013: Communiqué), waxaa lagu soo dhax daray arrinta badda Soomaaliya oo la yiri “Waxaan taageereynaa Dawladda Federaalka Soomaaliya isku daygeeda in ay askunto badda Soomaaliyeed ee beesha caalamku aqoonsan tahay.” Ayadoo la ogyaahy in badda Soomaaliya cabirnayd, adduunkuna aqoonaa. (Waxaana jiri doona shir 11-12 September 2013 lka dhici doona Dubai oo looga hadli doono badda Soomaaliya).
Hadalkaasi ka soo baxay shirka London waxa uu daba socdey maadaama madaxweynaha DFS uu 1-dii May 2013 isagoo Video kula hadlayey Kooxda Contact Group uu markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya noqday madaxweynahii ku andacooday in badda Soomaaliya kusoo kooban tahay 12 mayl – Halka Soomaaliya ay 40-kii sano ee la soo dhaafay ka lahayd xeer badeed oo dhigaya 200 mayl badeed oo ah Territorial Waters.
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Norway kala hadashay “Xadaynta” badda Soomaaliya, Daawo Somalichannel..

1 comment:

Anonymous said...

Rust can affect anything that you take for granted especially those usually are prone to the situation.
This straightforward tip will keep a lot regarding
frustration.

Visit my site: adwokat łódź

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...