Sunday 12 May 2013

Ciidamada Amisom oo Kala Ceyriyey Maleeshiyaad Isbaarooyin Dhigtay Wadada U Dhexeysa Afgooye iyo Marka



Afgooye (RBC) Ciidamada Amisom oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta si awood ah ku kala ceyriyey kooxo maleeshiyaad ah oo si bilqan ah u dhigtay isbaarooyin ay baabuurta kala guranayeen lacag baad ah inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hawlgalkan ay saaka qaadeen ciidamada Amisom ayaa ka dambeeyay cabasho maalmihii la soo dhaafay ka soo yeereysay dadka ku nool deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose iyo gaadiidleyda ka shaqeysa wadada Afgooye iyo Marka isku xirta oo baabuurta ay ka go’een beryihii la soo dhaafay isbaarooyinka dartood.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qeybgalay hawlgalka ay Amisom ku qaaday isbaarooyinka yaallay wadada Afgooye iyo Marka u dhexeysa, halkaasi laga qaaday in ka badan 10 jidgooyo oo ay dhigteen maleeshiyaad ka tirsan ciidamada dawlada oo dhamaantood ku lebisan dharka tuutaha.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ka shaqeysa wadada u dhexeysa Marka iyo Afgooye ayaa maanta sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kooxaha maleeshiyaadka ee wadada lagaceyriyet, waxayna gaadiidleyda sheegeen inay dib u bilaabi doonaan shaqadooda oo ay markii hore u joojiyeen lacago xad dhaaf ah oo maleeshiyaadka si qasab ah kaga guran jireen gaadiidka wadada isticmaala.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska Amisom oo ku aadan hawlgalkan ka dhanka ah isbaarooleyda ee ay maanta fuliyeen.
Dhanka kale waxay cabsho weyn ka soo yeereysaa gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo maanta oo kaliya la soo sheegayo in ka badan shan isbaaro la soo dhigay wadadaasi.

RBC Radio

2 comments:

Anonymous said...

Way cool! Some extremely valid points! I appreciate you writing this write-up and the rest of the site is
extremely good.

my blog post; concordancewatch.wordpress.com

Anonymous said...

hey there and thank you for your info – I have
definitely picked up anything new from right here.
I did however expertise a few technical points using this site, since
I experienced to reload the web site a lot of times previous to I could get it to load properly.
I had been wondering if your web host is OK? Not that
I'm complaining, but slow loading instances times will often affect your placement in google and could damage your high-quality score if advertising and marketing with Adwords. Well I'm adding this RSS to my e-mail and could look
out for much more of your respective intriguing content.
Ensure that you update this again soon.

Here is my web blog Fake Oakley Sunglasses

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...