Sunday 28 April 2013

Somalia - Wararkii Maanta


Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya “war-saxaafadeed”
 (Mombasa Kenya, April,27, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiiq Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee dalka Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.
 Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay safarkiisa R/Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax C/Qaadir.
 Waxaan fursad u helay in aan Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka London ee dhici doona asbuuca soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay,  waxaa kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo dhowr ah oo anaga oo dhan dan noogu jirto waxaa naga dhexeeya dano farabadan, waxaana naga go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad leh” ayuu yiri Madaxweynaha.
 “Sidoo kale waxaan ka hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna u faafin fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.” Bur-burka soo gaaray Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa Shacabka” ayuu hadalkiisa  ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
 Ugu danbeytii ayaa waxaa laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda hooyo Taasna waxa leysla gartay  in ay dhici doonto marka loo diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.
Shir lagu dhisayo Gole kulmiya Xisbiyada Siyaasadda Wadamada Afrika, Soomaaliyana ka qayb Gashay oo Khartoum ka dhacay.
Shirkan lagu aas aasayay Gole Mideeya Dhamaan Axzaabta Wadamada Qaarada Afrika kaasoo ay kasoo qayb galeen Xisbiyo Matalaya Dhawaan Wadamada Afrika oo wadan walbana ay uga socdeen laba Xisbi ayaa waxa uu ka Dhacay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan.
 Waxa Shirkan  Soomaaliya uga qayb galay Laba Xisib oo kala ah Xisibka Nabadda iyo Horumarinta ee PDP iyo Xisbiga Tajamuc Al-islaami (Aala Sheekh).
 labadaas Xisbi oo ay kala Hor kacayeen Madax sar sare ayaa waxa ka mid ahaa Dr: Yuusuf Cali Caynte gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed, Axmed Macalin Fiqi oo isagana horay u ahaa Agaasimihii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dhawaan iska Casilay, Xamse Cabdi Aar oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee PDP, Yuusuf Jimcaale oo isagana u Qaabilsan Xisbiga PDP arimaha Gudaha, Dr: Maxamed Cali Ibraahin oo ah Xoghaya Guud ee Majmaca Culumada Soomaaliyeed Dr: C/qaadir Geedi  iyo Dr: C/nuur C/qaadir Xaashi oo isagana ah Madaxa PDP Xaruntiisa Dalka Sudan.
 Shirkan oo ay soo Qaban qaabisay Dowladda Sudan Gaar ahaan Xisbiga talada haaya ee Sudan ee lagu magacaabo National Congress ayaa waxa ujeedkiisu yahay in loo sameeyo hal gole oo mideeya dhamaan Axsaabta Siyaasadda ee Afrika.
 Labadan Xisbi ee Soomaaliya ka Socday oo ay kala Horkacayeen Axmed Macalin fiqi iyo Xamse Cabdi Aar ayaa waxa ay halkaas kasoo jeediyeen Fakirka ay ka qabaan Dhismaha ama Samaynta Golahan.
 Xamse Cabdi Aar oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in uu Sudan ku yimid Marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Dowladda Sudan ee Marti galinaysay shirkan lagu dhisayo Golahaan.
 Xamse Cabdi Aar  Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ayaa intaa ku daray in ay Golahan loo samaynayo Dastuur midkaas oo ansixintiisa ka qayb galayaan.
 Waa markii ugu Horaysay oo ay Soomaaliya ka qayb gasho Shir lagu Yagleelayo Gole kulmiya Xisbiyada Wadamada Qaarada Afrika kaasoo Soomaaliyana Xubin Wax ku ool ah ka tahay.
Faah Faahin Ciidamada Dowladda oo Manta ku Dagaalamay Balcad
Wararka naga soo gaaraya magaalada Balcad ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in duhurnimadii manta ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay isku fara saareen halkaasi.
 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxyaabaha keenay dagaalka, wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay markii mid kamid ah askarta ku sugan koontaroolka degmada Balcad uu rasaaseeyay gaari qaadka geeya magaalada Jowhar, markii maamulka loo dacwoodayna lasoo xeray ruuxii rasaasta ku riday gaariga.
 Gudoomiyaha degmada ayaa la sheegay in taliyaha ciidamada meletariga uu amray in ruuxa rasaasta furay lasoo xero laakiin markii dambe laga warhelay gaari lagu daabulo ciidamada dowlada oo askar badan ay saaran yihiin islamarkaana mar qura rasaas ku furay ciidamo kale oo ku sugnaa bartamaha degmada.
Wararka kale ayaa sheegaya in ciidamo caraysan oo ka baxay xerada Hiilweyne ay rasaas ku fureen ciidamada oo ku sugnaa kontaroolka laga galo magaalada, sida uu Idaacada Risaala u sheegay Nabadoon Ibraahim Baashir Maxamed oo ku sugan Balcad
Kulan Dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka aroortii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
 Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Magaalada Mombasa ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen arimaha xiriirka labada dal iyo sidii loosii wanaajin lahaa.
 Inkastoo aan warar rasmi ah laga helin waxyaabaha sida gaarka ah ugawada hadleen labada dhinac ayaa hadana safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya wuxuu sheegay in kulanka labada masuul ay uga wadahadleen xiriirka labada dal.
 Madaxweynaha safarkiisa ayaa waxaa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada amaanka Ugandha oo Heegan La Galshay Kadib Cabsi Shabaab Ka Timid
poliiska dalka Uganda ayaa sheegay in Maalintii shalay ay heleen warbixin cadeyn u ah in Ururka Al-shabaab oo xariir la leh Al-Qaa’ida ay qorsheynayaan weerar ka dhaca gudaha dalkaasi Uganda.sida Warbaahintu heshay.
 “Waxaan helnay Warbixin ku aadan in Al-shabaab ay damacsan yihiin in weeraro argagixiso sida uu hadalka u dhigay ay ka geystaan gobolka bariga Africa ku yaala,gaar ahaan Uganda,sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka Boliiska dalkaasi Judith Nabakooba.
 Sidoo kale Afhayeenka Boliiska Uganda ayaa dhanka kale sheegtay in hay’adaha Sirdoonka iyo hay’adaha kale ee dowlada ay iska kaashanayaan sidii warka haatan soo gaaray ay u xaqiijin lahaayeen,si bay tiri markaasi aan u qaadno talaabooyin ku haboon.
 Ciidamo Booliis ah ayaa lagu xoojiyay goobaha la isugu soo baxo iyo xarumaha kale ee muhiimka ah,halkaasi oo dadka loo sheegayo inay ka kala tagaan,Madaama hadii ay wax ka dhacaan qasaaraha laga yaabo inuu sii fara bato.

Pro Samatar ” Waxaan Iska Casilay Xildhimaanimadii Baarlamaanka Soomaaliya
Axmed Ismaaciil Samatar oo haray u ahaa musharaxa u taagnaa qabashada Xilaka madaxtinimo ee dalka Somaalliya ayaa waxa uu sheegay inuu iska casilay xildhibaanimadii dowlada fedraalka ee dhawaantaan loo igmaday.
 Prof Samatar aya waxa uu carabka ku jeexay in iscasilaada xilshbaanimada  uusan ugu horeyn asaga laakiin ay ka horeeyeen sida uu sheegay xilsdhibaano ay ka mid ahaayeen ra’iisul wasaarhii hore ee Soomaaliya C/wai Gaas.
 Sidoo kale mr Samatar oo ka hadlay xaalda Xalinta khilaafdka Soomaalida ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dowlada dadaal dheeraad ah ku bixiso islamarkaana Soomaalidu is xaliso.
Si kastaba ha ahaatee iscasilaada Xildhimaanada ayaa usi soo tareysay maalmihii danbe Waxaana siyaasiyiintu ku fsdireen iscasilaada baarlaamaanka Khilaaf ka Dhex jira Dowlada.
Bishii Julay 2010,shabaab ayaa sheegtay weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalka Uganda,kaasi oo ay ku naf waayeen dad gaaray 76,halka dhaawucuna kor u dhaafayo 70,iyadoo weerarka uu ka dhacayay Baar lagu daawanayay ciyaarihii aduunka uu xiligaasi gabagabo marayay.
 Dowlada Uganda ayaa Maankooda waxaa wali ku danbeeya Mashaqadaasi,waxaana sababta ka danbeysa ay tahay in dowlada ay Uganda ay tahay wadankii ugu horeeyay ee Ciidamadooda ay u soo boqoolaan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.
Carruur ku dhimatay biyo fariisin ku yaalla Jowhar
Labo carruur ah ayaa maanta ku dhimatay meel biyo fariisin ah oo ku taalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe kaddib markii ay ku dheceen.
Guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Cismaan Xaaji Cabdulle ayaa Bar-kulan u sheegay in ay kormeer ku sameeyeen goobaha ay biyuhu fariisteen ee xaafadaha Jowhar.
Maxamed Cismaan wuxuu tacsi u diray waalidka iyo ehelada caruurta dhimatay.
Wuxuu xusay inay wadaan dedaallo ay dadka ku wacyigelinayaan in biyaha laga saaro meelaha ay fadhiisteen, wuxuuna sheegay inay kaashanayaan ururro ka jira magaalada oo ku deeqay matoorro loo kaashado furinta howlahaas.
Roob ka da’ay magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay sidoo kale ku burbureen guro.
Dowladda Mareykanka oo Sheegtay Inay Ka Shaqeyneyso Isugu Keenida Soomaalida
War saxaafadeedka kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka uu taageeray midnimada  Soomaaliya iyo sii socoshada wada hadalada u dhaxeeya madaxda dawlada Soomaaliya iyo Somaliland.
 Warkaan waxaa lagu sheegay in ku xigeenka xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Wendy Sherman’s oo la kulantay M/weynaha Soomaaliland Axmed Max’ud Siilaanyo uu u sheegay in Maraykanku uu taageerayo wada jirka iyo nada Soomaaliya iyo in la sii wado wada hadalada dhawaan ka dhacay dalka Turkiga ee ay yeesheen madaxda dawlada Soomaaliya iyo Somailand si loo helo Soomaaliya oo midaysan.
 Wakaaladda wararka KUNA oo warkaan wax ka qortay ayaa ku waramaysa in Wendy Sherman’s ayay u sheegay madaxda Soomaalilaland ee uu la kulmay in Maraykanka uu si weyn u danayno  in Soomaaliya uu noqdo wadan ay dadkiisu hal meel u wada socdaan kana shaqeeya hormarka dalka.
 “Maraykanka waxaa uu aad danaynayaa midnimada Soomaalida iyo nabad galyada” ayay tiri Wendy Sherman’s    ku xigeenka xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka.
Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Magaalada Muqdisho Lagu Toogtay
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu toogtay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.
 Wararka ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay askari ka toogteen kadibna ay goobta isaga baxsadeen.
Dilka kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxayna bilaabeen howlgallo hase ahaatee lama sheegin cid ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.
 Sidoo kale Maraykanku waxaa uu u balan qaaday mas’uliyiinta Somaliland uu u balan qaaday kala shaqeynta nabada, dimoqraadiyada iyo la dagaalanka Al-Shabab.
 Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ka go’aday bilawgii Sagaashamaadkii willi ma aysan helin wax aqoonsi ah haddase waxaa socda wada hadalo ay la leeyihiin dawlada Soomaaliya.
Britain oo £80 milyan ugu deeqeysa Soomaaliya
Xog-hayaha Horumarinta Caalamiga ee dalka Britain, Justine Greening ayaa sheegtay in dowladda Britain £80 milyan ku bixin doonto xal u helidda waxyaabaha sababay saboolnimada iyo colaadda ka jirta Soomaaliya.
Justine Greening ayaa hadalkan ka sheegtay kaddib markii maanta ay Hendon’s Somali Community Center ay kula kulantay jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo sheegtay in  xukuumadda Ingiriiku ay laba jibbaari doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Justine ayaa ku ammaantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska doorka wanaagsan ee ay ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dadaallada loogu jiro dib u soo celinta amniga dalka Soomaliya.
Justine ayaa sheegtay in dowladda Ingiriisku ay gurmad u fidisay 300,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool sanadii 2011, xilligaas oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaar daran oo horseedday geerida boqollaal qof oo Soomaali ah.
Buug loogu magaca daray Muqdisho shalay iyo maanta oo la soo bandhigay
Munaasabadda maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ujeedkeedu ahaa soo bandhigista Buug cusub oo ka hadlay xaaladihii Muqdisho ay soo martay  ayadoo cinwaana looga dhigay “Muqdisho shalay iyo  maanta”.
 Soo bandhiga Buuggan waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Mahdi Maxamed Cali, wasiirka Qeyraadka, C/risaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
 Buugani oo ay qoreen qorayaal Ajaanib ah una dhashay dalka Kenya ayaa ujeedkiisu ah sidii dadka Soomaalida ah ay u fahmilahaayeen ahmida ay leedahay dib u soo nooleynta bilicdii Caasimada dalka.
 Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga buuggan ay dhowr magaalo oo caalamka ah ay ka dhaceen isagooo ugu mahad celiyey qorayaashii qaaday talaabadan.
 Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed  looga fadhiyo in ay gartaan wanaagii Muqdisho lagu yaqiinay.
 Goobta  waxaa lagu soo bandhigay Boorar ay ku qornaa muuqaalada goobaha caanka ah ee Muqdisho , sida xaruuntii hore ee Baarlamanka, Hotel curubo, Sayidka, Xaawo Taako, Axmed Gureey iyo kuwo kale maadaama Taariikhda fog ee Soomaaliya uu ka hadlayay buuga.
Wasaaradda adeegga bulshada oo sheegtay in dalka dibadiisa loo qaadayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Maxkamadda
Kadib booqasho ay ku tageen Isbitaalka Madiin mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo uu horkacayay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Bashiir Maxamuud Jaamac “Bashiir Goobe” ayaa waxaa uu ahaa u kuur galida xaaladaha dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
 Wasiirka ku xigeenka iyo xubnahii la socday ayaa soo kormeeray qolalka ay ku jiraan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii naftii halignimo oo ay maleeshiyaadka shabaab la beegsadeen xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.
 Waxa ayna warbixin ka dhageysteen dadkii ku waxyeelobay Qaraxii iyo sida ay u qateen dawooyinka iyagoo sheegay in marba marka ka dambeysay ay ka soo rayneyso xaaladooda caafimaad.
 Sidoo kale Agaasimaha Isbitalka Madiin Maxamed Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladaha bukaanada waxa uuna sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay hadalada sheegaya in bukaanada ay ku dhibateysan yihiin Isbitalka isagoona intaasi ku daray in ay jiraan dad u baahan in loo qaado dibada si loo soo daweeyo.
 Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada Bashiir Goobe ayaa tilmaamay in u jeedka ay u booqdeen isbitalka uu yahay si ay u soo helaan tirakoob sax ah si dadka qaba xanuunada daran loogu qaado dalka dibadiisa.
 Maleeshiyadda kooxda shabaab ayaa 14 bishan waxa ay weerar ismiidam ah ku qadeen maxkamadda Gobolka Banaadir halkaas oo ay ku geeriyodeen dad ka badan 20 ruux oo u badnaa shacab, waxaana horay bukaanadan u booqday R/wasaaraha dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada si ay u soo ogadaan xaalada shacabkii ay waxyeelada  u geysteen Al-qaacidada Soomaaliya ee shabaab.
 Wasiirka wasaaradda howlaha guud oo u ambabaxay dalka Masar
Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Muxudiin Maxamed Kaalmoy ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxa uuna caasimadda dalka Maser ee Qaahira uu uga qeyb galayaa shirka waddamada Korontada ee ururka Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah.
 Waxa uuna warbaahinta Qaranka u sheegay in Soomaaliya ay hormuud ka tahay dalalka lixda ah ee hoggaaminaya shirka dalalka Korontada, maadaama Soomaaliya dhinaca Korontada ay meel sareysa ka gaartay korontada xili hore, haddana ay horumarrinta howshaasi waddo.
 Wasiirka ayaa guul ka rajeeyay in shirka Qaahira ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah shirka konortada, hasa yeshee hirgalinta adeeggii Korontada oo ah muhiimadda koobaad ee Bulshada Soomaaliya.
Milkiilaha Warshadda Karnabiif oo Beeniyay in dowladda ay Leedahay Dhulka Warshaddaasi
  Malkiilaha Warshadda Kaarnabiif ayaa Beeniyay dhulka Warshadda ay Degntahay in ay dowladda iska Leedahay.
 Cali Aadan Axmed ( Cali WHY ) oo ah Malkiilaha Warshadda Kaarnabiif ee degmada Heliwaa Ee Gobolka Banaadir Gaar ahaan Xaafadda Suuqa Xoolaha oo Maanta Lahadlay idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Beeniyay in Warshadaasi ay Leedahay Dowladda Soomaaliya.
 Cali WHY ayaa waxa uu sheegay in dhulka Warshadda uu isagu si shaqsiyan ah U leeyahay uuna Ka iibsaday dad dhaxaltooyo u Lahaa Hase ahaatee waxa uu dowladda ka codsaday In dadka Shacabka ah ee Ku doodayo in dhulkaasi ay dowladdu Leedahay ay si deg deg ah ugu Jawaabto.
 Malkiilaha ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir , Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ay dhowr Jeer ku amreen dadka shacabka ah ee degan halkaasi in ay isaga guuraan  Maadaama uu tusiyay dukumitiyadiisa Cadeymaha ah Balse weli dadkaasi ay ka caga Jiidayaan.
 “ dhulkaanu waxa uu igu soo galay waxaan Ka gatay dhaxaltooyada Xaaji Yuusuf Cismaan Culusow oo horay u Lahaa Loona yaqaanno deegaanna U Lahaa ” Sidaasi waxaa Yiri Cali Why oo ah Malkiilaha dhulkaasi.
 Dhulka Warshadda Kaarnabiif ayaa dadka Degan Maal mihii dambe waxa ay ka cabanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bur burin U geysanaya dhulkaasi.

Baarlamaanka oo Maanta Kulan Xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho
  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Kulankooda Caadiga ah ee ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Goob Jooga ahaa Xildhibaanno Gaaraya 173  Mudane waxaa Kulanka Shir Guddoominayay Mahad cabdalla Cawad guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.
 Ajandaha Kulanka oo ka koobnaa illaa iyo dhowr qodob ayaa Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka waxa ay Mooshin ka keeneen Heshiiskii dhawaan dalkaasi Turkiga ku dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya taaso ay Codsadeen Xildhibaanadu in ajandaha Lagu soo daro hase ahaatee Guddoonka sare Ee Baarlamaanka ayaa Kasoo Hor Jeestay islamarkaanka Ku tilmaamay arrinkaasi mid Car qaladeyn ah Xad Gudubna Ku ah Laamaha Fulinta ee dowladda Soomaaliya.
 Ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan Ku Raacay Go’aanadii uu soo Jeediyay Shir Guddoonka Baarlamaanka.
Kooxo kala Taabacsan Abuu Mansuur Al Amriiki iyo Abuu Zubeyr oo Ku diriray Bay
 Ciidamo kawada Tirsan Xarakada AL Shabaab ayaa Lagu soo warramayaa in ay Ku dagaalameen Deegaanno Ka tirsan Gobolka Bay.
 Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Raamacadeey ee Gobolka Bay ayaa waxa ay Ku warramayaan in dagaal Maanta halkaasi uu ku dhexmaray Ciidamo kawada Tirsan Ururka Al Shabaab.
 Inkastoo aan La shaacin Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ayaa hadana waxaa la tilmaamay in dagaalka uu ka dhashay Kadib Markii Ciidamo Ka Amar qaata Abuu Mansuur Al Amriiki ay Xalay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo Al Shabaab ka tirsan oo ku sugnaa deegaanka Rama cadeey ee Gobolka Bay.
 Maanta ayaa hadana La sheegay in dagaal Midkaasi La mid ah uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamo kawada Tirsan Ururka Al Shabaab.
 Dad deegaanka ah ayaa waxa ay Shabelle u sheegeen In Deegaanka Raamacadeey Saaka Illaa xalay Laga Maqlayay dhawaqa Hubka Cul Culus iyo Kuwa Fud Fudud ee Labada dhinac ay is weedaarsanayeen inkastoo aan La shaacin Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.
 Wararkii Ugu dambeeyay ee halkaasi Laga helayo ayaa waxa ay Ku soo warramayaan in tan iyo Xalay dadka halkaasi ku dhaqan ay La soo Daristay Cabsi Xoogan Maadaama Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab guud ahaan Deegaanka ay Ku gaaf wareegayaan.
 Al Amriiki ayaa Farriin Muuqaal ah oo dhawaan uu Ku Baahiyay Bogga Twetterka waxa uu ku sheegay in uu ka bad baaday iskuday dil isagoo soo bandhigay sawirro Muujinaya Waxyeello Ka soo gaartay Rasaastaasi La doonayay in isaga Lagu qaarijiyo.
 Tirada Somalida Minnesota ee qabta cudurka AIDS-ka oo la shaaciyay?
Minneapolis (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartey Waaxda Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka qaba  cudurka Aidska.
Warbixintan oo ah tii sannadkii horre 2012-ka, ayaa Soomaalida waxaa la sheegay in kaalinta shannaad ay ka gashey dadka uu soo ritay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.
Warbixinta ayaa muujineysa in tiradan ay tahay dadka soo galootiga ah ee ku dhaqan gobolkaas ee uu cudurku hayo.
Dr. Cusmaan Xaraare oo madax u ah urur caafimaad oo ka dhisan Minnesota ayaa VOA  u sheegay in dadka Soomaalida ee qaba cudurkan tiradooda ay gaareyso ilaa 97.
Wuxuuna intaa ku daray in dadka ka soo jeeda Ethiopia iyo Oramada in ay ku jiraan kaalinta koobaad, halka Soomaalidana ay kaalinta shannaad ka gashay warbixinta.
Dr. Xaraare ayaa intaas ku daray in sida warbixinta ku cad in dumarku ay u badan yihiin dadka laga helay cudurkan AIDS-ka.
” Tirada dadka laga helay ee Soomaalida  ayaa 90 qof kor u dhaafaysa, hase yeeshee tiradan waa inta tagtey cusbitalada ee la baarey.” ayuu yiri Dr. Xaraare
Dumarka ka soo jeeda qaaradda Africa ee uu ku dhacay cudurkan ayaa gaaraya 65% halka raggana ay ka yihiin 44%, dumarka cadaanka waa 18% halka halka raga cadaanka ah ee uu ka dhacay cudurkan ay gaarayaan 82%.
Si kastaba, wuxuu ugu baaqay dadka Soomaalida in ay isbaaraan inta aysan isguursan laamanaha doonaya in ay sameestaan guri ay ku nagaadaan.
Gobalka Minnesota waa gobalka Soomaalida ugu badan ay ku nool yihiin dalka Maraykanka.
Guddiga shrika Kismaayo oo maanta ku dhowaaqay arrin cusub
  Guddiga Farsamada shirka maamulka u sameenta Jubbooyinka ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay arrin cusub oo ah in shirka lasoo geba gebeynayo.
Waxa ay ku dhowaaqeen in shirkaas muddo toddobaad gudahood lagu soo gabagabeen doono iyadoo muddadaasna lagu hirgalin doono xilligaas.
Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirka Cabdiqani Cabdi Jaamac oo saxaafadda kula hadlaayay Kismaayo ayaa sheegay in guddigooda iyo odayaasha dhaqanka ay isku af-garteen muddo toddobaad ah in lagu soo afmeero shirka iyo guud ahaan wax yaabaha haray.
Wuxuu sheegay Cabdiqani inta badan in la soo dhammeestiray  ergooyinka dooranaya madaxweynaha maamulka loo  dhisaayo Jubbooyinka iyo Gedo.
Odaasha soo xulaayay ergooyinka soo dooraneysa madaxweynaah maamulka ayaa maalmahan ku shiraayay  garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in isla maanta odayaasha laga soo saari doono garoonka, laguna celinayo xarunta Jamaacadda Kismaayo oo shirka uu ka socdo.
Magaalada waxaa maalmahan ka socda kulamo aan loo kala kicin kuwaasoo ay lee yihiin odayaasha iyo xubnaha isku soo tagaya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbland.
Shirka Kismaayo ayaa furmay dabayaaqadii bishii February ee sanadkan, waxaana ka qaybgalaya in ka badan 5,00 oo odayaal ah.
 Hal arrin oo Xildhibaanada BF laga mamnuucay inay mooshin ka keenaan
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa looga digay inaysan wax mooshin ah keenaan wadahadaladii iyo heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana la joojiyey oo la diiday gebi ahaanba mooshinkii horay looga keenay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla oo shir gudoominayey kulanka Baarlamanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada uga digay inaysan wax mooshin ah ka keenaan heshiiska iyo wadahalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka la baxay Somaliland, wuxuuna xusay Guddoomiye ku xigeenku inaan loo baahneyn in farqalado iyo cabad lagu noqdo wadahalka labada dhinac.
“Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliyeed ee sharafta leh waxaan uga digeynaa inan wax mooshin ah ka keenaan wadahalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sababta aan u joojinay waxay tahay in Baarlamaanka uusan caqabad ku noqon wadahalkaasi, waxaana idiin sheegayaa nagama sugeysaan in mowshinkii laga keenay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in halkan looga doodi-karin oo aan joojinay mar hore, wixii qaldan gudoonka Baarlamaanka ayaa saxaya, waana in sidaasi loola socdaa” ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cabdalla.
Si kasta oo ay ahaataba amarkan ka soo baxay Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka Somaliland, waxayna ka keeneen mooshin ka dhan ah heshiiskii labada dhinac, sidoo kalena go’aankan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maamulka Somaliland ay sheegeen in xildhibaanada mooshinka ka keenay wadahalka labada dhinac ay yihiin kuwo caqabad horseedi kara, isla markaasna aan ogoleyn gooni u goosadnimada maamulka Somaliland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...