Monday 29 April 2013

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Puntland oo qodobo isku afgartay iyo Xasan sheekh oo Garoowe ka ambabaxay. (Sawirro)



Garoowe (RBC RADIO) Kulan Xarunta Madaxtooyada uga bilowday saaka ayaa soo xirmay Xili dambe ee galabta Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland iyadoo Madaxdu ay ku jireen shir albaabada ay u laabanyihiin Saxaafaduna ay banaana Joog ka ahayd kulanka oo waqti dheer qaatay kadib waxay 2da dhinac soo bandhigeen qodobo leysku afgartay iyo kuwo Dib loo dhigtay oo u baahan waqti iyo wadatashi dambe in laga yeesho.
Kulankan oo waqti dheer qaatay kadib ayaa markuu soo idlaaday waxaa Madaxweynaha Puntland uu sheegay in qodobo badan leysku afgartay inkastoo uu waqtigu cariiri ahaa oo ay ka mid yihiin arimaha shirka London oo gudi 2da dhinac ah loo yeelay, wadahadalka S-Land iyo Soomaliya, Maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka inkastoo arintaasi aan si weyn loo lafa gurin oo dib leysugu soo laaban doono,dib u eegista Qodobo laga badalay dastuurka oo aan laga wada tashan, Adkeynta heshiiskii Dowlada Federaalka iyo Puntland ay kala saxiixdeen, iyo qodobo kale waxaana Madaxweyne faroole uu sheegay in kulamadu ay socondoonaan wadahadalkuna uusan intaan ku ekeen.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dhankiisa xusay in wadahadaladu ay si wacan kusoo dhamaadeen ujeedka Puntland uu u yimidna ay ahayd wadatashi iyo ka hadlida aayaha dalka Soomaliya wuxuu xusay in shirka London ay filayaan in wax badan uu ka badalo Xaalada uu ku suganyahay dalka Soomaliya isagoo soo dhaweeyey Qodobadii laga wada hadlay iyo kuwa dhimanba.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u ambabaxay magaalada Muqdisho iyadoo ay wehliyeen Wafdigii uu hogaaminayay waxaana ilaa Garoonka diyaaradaha kusii dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin ka socotay 2da Gole ee Puntland, wuxuuna noqonayaa safarkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Xasan sheekh ku yimaado Puntland tan iyo intii loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Puntland.
RBC RADIO 
Xafiiska Wararka Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...